|
Gabaygii
Xugo
Macallin Dhoodaan
Wuxuu tiriyay gabaygan sanndkii 1975 tii isagoo jooga magaalada Hargeysa. Wuxuuna yiri:
Xaashaa lilee beenta waa laga xishoodaaye
Hadalna wayga xaraan daliil xigashadiisiiye
Kolba gabaygu meeshuu xuliyo maanso xubinteeda
Markaan helo xusuus muuqateen xaraf ku miisaamo
Xariiqdiisii waa inaan marshoo xididkii raacaaye
Maantana xaggii uu jiray baan kaaga xaadirine
Anoon xerada Soomaaliyeed xumo ku sheegaynin
Xog ogaaal dabciga waa inaan ku xabbad qaadaaye
Allow xoolo keen buu yidhaa kii xaniif ahuye
Xoogaa dharaartuu helee loogu shubo xeedho
Xusbada u horaysaaba waa Xaali la ciyaare
Xikmadaha asaageen watee xooga lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayira waa xujiyo yaabe
Garashada xageediyo cilmiga kii aan ku xisaabno
Shahaadooyinna u xaadiree dhowr xilliba qaatay
Xafiis kaligii uumaamushey xiiso ka hayaane
Xikmadaha asaageen watee xooga lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayira waa xujiyo yaabe
Xirfad iyo garaad kii isbiday ee xornimo gaadhey
Xeebaha dhulkiisiyo ma baran geed xanjaala ah
Xukunna maa la ii dhiibto buu xuuxda la hayaaye
Xikmadaha asaageen watee xooga lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayira waa xujiyo yaabe
Xaqsoornimada kiilaga rabeen xeerarka u dhiibno
Miduu ximiyo miduu xaasidiyo miduu xabaalaayo
Iyo miduu xanaaq kula dhaciyo miduu ku xayraamo
Iyo xamaga qaar uu hayoo xaangabshoow fudude
Xujur galiye saasaa batiyo howl xanibayaale
Xanaaniyo wanaag kii mudnaa xaabuq baa dilla e
Xikmadaha asaageen watee xooga lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayira waa xujiyo yaabe
Xalaal quute kii sheegan jiray ama xadraynaayey
Xaabxaabka dagan wuu yaqaan inuu u xeebtaaye
Wuxuu ribada xoogaa faraha kaga xantaystaaba
Hadhowbuu xashimo buuxsadaa xaydhna bararaaye
Boolida xantoobayso iyo xagafsi mooyaane
Xikmadaha asaageen watee xooga lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayira waa xujiyo yaabe
Is xalxalidu way fiican tahay la xaragoodaaye
Intuu xabawarkaa yahay aduun ee xiqdigu yaalo
How xilan xariirtoo dhan waa la iska xooraaye
Dadku inuu xamaashaa ka roon inay xaraamaane
Xikmadaha asaageen watee xooga lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayira waa xujiyo yaabe?
Adduunyada xinbow yaala iyo xadhig maleegaase
Xaska haatan laysugu jiree gool xawariyoobay
Xadaafiirta maakiban hadaad yaraha xaalayso
Xodxodada wanaag ha u malayn waa xarfado baase
Xanbaariyo tabcadi dhaaftay iyo weerar ku xaabare
Xurmo laysku gaadaa jirtiyo xeelo dhabar wayne
Xaataa hadaad odhan lahayd muu xayi u sheego
Xublayntiyo is xuuraanka iyo xooftadiyo baaqa
Xulub socodka goob xaadhashada xagarro food saarka
Xoodh labixida laas xadhandhansiga xooxsi kala boobka
Xufuufaynta xabag giijintiyo xeego daba roorka
Xagagabadka xoodaanmiskiyo xabag dhunkaal siinta
Xuduud dhowr xamaan waabashada cimilo xayndaabka
Xaskul guradka xigin faagashada maylimo xaquuqa
Xalaash tumadka xanaf taabashada waramo xiirsiinta
Xakab dhigadka xalay oon baxsiga xorod karkaar goynta
Xaq duudsiga dantaa xurubsadkiyo god u xayaanbaynta
Xidhiidh tacabka xarun booqashada xaafad tamashlaynta
Joornaal xaradhka duulaan xirsiga qolo xajiimaynta
Run xasaynta been iyo xasaradd xayn isugu yeedhka
Xusul duubka xoon beerashada hadal xawaasheynta
Xasil doonka xadataysigiyo xannano oodayska
Xaladaynta xaashiyo qorkiyo war isla xaydxaydka
Xis ka luminta duur soo xulkiyo xuub isagu gaarka
Xaad u fudhida xowdheer qarsoon xoodh iskaga siibka
Xareed oodka dhoobada xargagan haamo ku xamaynta
Xatooyada is daba xiinka iyo xaajo qiranwaaga
Rag xaftiyo xigtoodaba ka maal oo xunbo u reebka
Xoday iyo xangeeyo u liskiyo xoor dusha u saarka
Xanfarkiyo xugtiyo toobinkiyo soo xinjiro nuuga
Xashiish buulka xaasaan dabkiyo xaabo guratayska
Xawaaraha ka dhacay xuutaddiyo xuunsho dalandoolka
Xanto gaadhay xidinxiidka iyo jiif xamili waaga
Adduunkii xasili maayo oo laysla wada xiiqye
Xiddigiyo markii aad waqtigan xaalufka ah dhowrto
Xunguguro tirsiga faalku sheeg oo ximroow baxayee
Qoladii xagluhu ay dabcaan xays balloow di'iye
Siddii xamar gammaan bay walee u xakamaysnaane
Hadaad xaydaan xaydda Soomaliyeed sii xiribo baadhno
Inagays xakaaree markaan muran xidaynayno
Murtibaan lasoo xaadiraa waliba xeeldheere
Xagtimaha dhexdeenaba waa ka xantanaynaaye
Xurguftii aan weynaynba waan xarakadaynaaye
Markaasaa Xirsiyoow xaa shidaa lagu xabeebtaaye
Is xaduurintaas oo kale iyo xararoow mooyaane
Xurfadaha gumaysigu qotiyo dabinkuu xoodaayo
Xaqiiqada waxaynaan arkayn taa xanuunka lehe
Xidaarnimo maxay tari haddaan la is xil qaamaynin
Wixii nacabka layskaga xajaa sow xarbiga ma aheee
*** *** *** ****
Buugga Garnaqsi
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta &
Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso
waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|