|
Gabaygii Xiin Finiin
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
Nimanka Taarikhda weriya sy sheekeen Sayid Maxamed Cabdille baa doonay Faadumo Islaam Aadan oo dhalay Islaam Faarax Ialaan Aadan oo madaxda degmada Mudug ka mid ah. Sayidku xoolo badan oo geel iyo fardo leh ayuu yarad ugu bixiyay, xurmo iyo xiditinimo wanaagasana waa muujiyey. Hase yeeshee, dhugi geel dhaantay, dhex socotana dhul dhaantay, hadallaa Sayidkii iyo Islaan Faarax loo kala geeyey.
Xiditinimadaas Sayid Maxamed wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan Faarax iyo dadkiisa uga helo si uu Jahaadku u xoogoobo. Sida xeerka Soomaalidu u badan yahay ninkii gabadh laga guursado wuxuun buu cubtamaa, Saydkuna wuxuu gabay ku yiri:
Wax walba wow huraayaa ninkii ii walal noqone
Dabadeed Islaan Faarax wuxuu Sayidkii waydiistey faraskii Xiin Finiin, xaashi arrintaas ku saabsanna wuxuu u sii dhiibay Faarax-dhabansenge.
Daraawiish farduhu qaali bay ku ahaayeen, gaar ahaanna Xiin Finiin Sayidku aad buu u jeclaa, hase ahaatee, sidii loo yidhi "dhagtaa kaa war dheer, ishaaduna waa kula fil," xaashidii Islaanku soo diray hadday Sayidku u tagtay wuxuu gudoonsaday faraska inuu bixiyo si aan loo xaman.
Dabadeedna isagoo xil iska reebaya, Faraskana xaragadiisa u dhameeyey ayuu ninkii loo diray gacanta ka saaray kadib markaasuu gabayga Sayidku Tiriyay Wuxuuna yiri:
Xayow Faaraxow hadal rag waa loo xutubiyaaye
Nin xishood leh baan ahay haddaan lay xistiyihayne
Xabiib baan ahaa jeer kufriga laygu xaasidaye
***
Adna xaashi baad iila timid xaakin soo diraye
Xaddigii adduunyada haddaad xoolo iga dooni
Marna anigu kaama xistiyeen xaalaad leedahaye
***
Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa geel xawaar badane
Kumanyaal xawaadaan lahaa xawd u sii mariye
Markaad Xiin Finiin damacday baan kaa xanuunsadaye
***
Walaalow xirgiga qaarkii waa lagu xujoobaaye
Waxaan kugu xutubiyaaba waa xuuradaan nahaye
Nin kalaan xafiilaba adaan xaayda kaa rogaye
***
Xigto iyo qaraabiyo hadduu xidid i weydiisto
Xayow iyo qayuumeey haddii la igu xoodaansho
Xubigayga kuma hayn inaan xiisow bixiyaaye
***
Xamar weeye oo midab fardood kala xariir roone
Xawaariyo kabti iyo raaxo iyo xawli iyo jeefag
Xaggii loo eryaba waa Gammaan xulashadiisiye
***
Xubna toosanlow neefku waa xaalad gooniya e
Goortaan xusuus ula noqdaa xiisa ii qabanne
Waxaan xarafka diimeed ahayn igaga xeel dheere
***
Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa xoogsi ugu fuule
Isagaan xatooyada lahaa xuurta ugu looge
Xiniinyaha ku goo baan lahaa gaalka xaylka lehe
***
Xayskaa da'aayaan lahaa Xallin ka dooyeeye
Xaqaygii maqnaa baan lahaa xag ugu raacdeeye
Meesha iyo xeebtaan lahaa xiito ka eryoode
***
Xujey-reebta reer Hagar anaan xabashyadii ruubin
Xinjoortoda dhiigga leh haddaan lagu xaraaraysan
Xaaqaamaquuqiyo haddaan xaaluf laga yeelin
***
Xiddaysane ma dhiibeen anaan xaaladday bogane
Xaaraami uun baa arlada xula abiidkiise
Wuxuun bay xushleeyaan, sidii xabashi Iidoore
***
Aniguna xogtaydaan ka baqi inay xumeeyaane
Xashaa-liillahiye nin goba xamasho waw ceebe
Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne
***
Intii aniga lay xaman lahaa xil iga soo meerye
Aduu galabta kuu xoolo yahay xamarkii dheeraaye
Waa Xiin Finiin neefka aad xadhigga haysaaye
***
Xayawaanka oo idil naftey kala xaroodaane
Mar hadduu suldaan igu xil lihi igaga xayddaantay
Xariggiisa qabo aadmi kale kuma xushmeeyeene.
Diiwaanka Gabayadii Sayid Mohamed
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|