|
Talo
Aduun
Qamaan Bulxan
Toolmooni hadal waa inuu tol u dhexeeyaaye
Tuushkii xun iyo wiil yar waa la isla tiirshaaye
Waa laysku wada tiirsan yahay sida tis oodeede
Taabbaa la sii furi hadduu kibir ku taabtaaye
Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha
***
Tamed aad ah adigoo tagoo faro ku taagaystay
Tunka yaa kusoo qaban haddaad tered ku xaajooto
Tarsigii la joogaba haddaad turuqdo kii aad ah
Mid unbaa tusmada kaa raroo lagugu taagaaye
Wallee ina raggow tallo adduun taada uun ma aha
***
Wiil taaninimo loo qiray oo sida tarmiiggaas ah
aann lagu tawixin oon lagdini tima boodhaynin
Mid unbaa tab kula soo baxoo laga tixraacaaye
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
***
Tufta iyo tahliishii wadaad culimo towxiidka
Tacdaariye haddii awgayow lagugu tiimeeyo
Mid unbaa tembiih soo dhigtoon tacajib yaabnaaye
Oo tuug ka dhiga kaan lahayn waa tixdii nabiye
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
***
Haddaad kaligaa inaad taajir tahay tuhunto uurkaaga
Toodoowga xoolaha ninbaa tulud kusii dheere
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
***
Tafa xaydka xaajada haddaad taqasho waayeelka
Tolkaad riixday aaqibi haddaad yaraha taabsiiso
Mid unbaa tallahida marooy tiisa noqotaaye
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
***
Tobonkii kob joogtaba haddaad turuqdo kii aad ah
Kan danbaad signiin tahay inuu kugu tubeeyaaye
Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|