|
Taariikhdiisa
oo kooban Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Sayid Maxamed wuxuu dhashay markay taariikhdu ahayd 1856
guga la baxay ama la odhan jiray " Gobaysane"
Wuxuu ahaa gu' barwaaqo ah oo dad iyo duunyo wixii
dhashay hanaqaad noqdeen. Wuxuu ku dhashay baliga la
yiraahdo "Sacmadeeqo" oo 7 mayl u jira
Buuhoodle kana xiga dhanka waqooyi guud ahaanna dalka
waxaa loo yaqaan "Nugaal". Hooyadii waxaa la
odhan jirey Carra Seed Magan, Qu'aankana wuxuu ka
raacday xer fadhiyi jirtey Nugaal; xarunyeeduna ahayd
dooxada la yiraahdo Casuura iyo Yaaheel.
Abbaaraha 1892kii wuxuu u kacay Makka iyo Madiina; waxay
israaceen 13 wadaad oo ay isku rer ahaayeen, laba gu'
iyo dheeraad bay Makka iyo Madiina ku maqnaayeen;
1895kii ayaa Sayid Maxaded ku so noqday dhulka
Soomaaliya wuxuuna ka so dagay xeebta magaalada
"Berbara" oo markaa muslin iyo galaba aad loo
deggenaa.
Waxaa la yiri markuu Sayid Maxamed doonniduu la socday
ka soo degey ayaa Ingiriisku ku warsaday dekedda cashuur
inuu bixiyo. "Wuxuu ugu afceliyay "Adiga yaa
canshuurtii kaa qaaday markaad halkan ka soo
degtay?" dabadeedna afceliyihii baa ku yiri
Ingiriiskii " waa wadaad waalane inaga daa".
Sidaa daraaddeed waxaa Ingiriisku ku magacaabay
wadaadkii waallaa.
Dagaalkii u horreeyey
1900kii ayaa Ingiriisku col lixaadleh soo qalqaaliyey si
loo damiyo dabkaas ka baxaya intuuna dhulka ku fidin,
haddaba xabbadii maalintaa la riday waxay dhaceysey 20
gu' iyo intii u dhaxaysay.
Inta la hubo ama taariikhahooda la hayo 41 goobood bay
Ingiriiska ku kulmeen; kuwii ugu waaweynaa ama dagaalka
xumi ka dhacay waxaa ka mid ahaa kuwan;
Afbakayle waxay
dhacday
3/5/1901
Fardhidin >>
>>
16/7/1901
Beerdhiga >>
>>
10/8/1902
Cagaarweyne >> >>
17/4/1902
Daratoole >>
>>
18/4/1903
Jidbaale
>> >>
10/1/1904
Ruuga
>>
>>
9/10/19013
Dayuuraddii >> >>
1/1919
Ingiriisku dagaaladdaa wuxuu u qaybiyay saxddex duullaan
oo mid waliba socdey dhowr gu' mid walibana lahaa tabo
iyo xirribo gaar ah iyo xoolo loogu tala galay, in
kastoo aan guul laga gaarin.
Dadka Soomaalida markay rumi run geyday wuxuu u kala
jabay labo meelood ; dad Ingiriiska raacay oo garab iyo
gaashaan u noqday iyo dad daraawiish oo dagaalkii la
galay.
18 gu' markii dagaalkii socday, habeen iyo dharaarna
laysku aloolna, labada geesoodna lugu hoobtay, dad iyo
duunyana lugu caydhoobay, daraawiishina ku lugabaxsatay
buuraha Ceerigaabo iyo arladaas badyarada Cadmeel
ujeedadda ayaa Ingiriisku arini ku caddaatay, dabadeedna
talo wuxuu ku goostay in daraawiish dayuurado lugula
dagaallamo mooyaane aan si kale waxba lagaga qaban
Karin.
1919 bishii Janaayo ayaa Ingiriisku Daraawiish kaga so
duulay cir iyo dhul, bad iyo bari intaba. Siddeed (8)
dayuuradood oo ugu horreeyey waxay duqeeyeen Mirashi,
Jiidali iyo Baran, meelahaasoo Daraawiishtu qalcado ku
lahayd. Ceeldheer meesha la yiraahdo ayaa lugu so riday
dayuurad sideeddii dayuuradood oo ugu horreyey ka mid
ahayd, maalintii dambena Taleex bay ku duuleen inkastoo
bamkii waxba ka tari waayey.
Lasoco Qaybta danbe………
Diiwaanka Gabayadii Sayid Mohamed
M Ibrahim
Qorahay Online
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|