Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Sayid Maxamed Cabdule Xasan

 
Gabay: Isna waa Shiddiyo hoog

----------------------------------------------------------------------
Rag badan bay Sayid maxamed wada hadleen ama isu gabyeen waxaana ugu dhiiranaa. Cali Aadan (Calidhuux) oo Sayidka u mariyey gabayo badan oo foolxun. Inkastoo Sayidku arrimo kale ku daray,masafadan ujeedadeedu waxay ahayd af xumadii Cali Aadan!" markay sayidka la kharaaraatey ee uu u jawaabayey Sayidku wuxuu mariyey gabaygan waxuu yidhi:-


Nimaan sharaxa diimeed,sheynaba ka suurayn
Hadii aad u sheegtana shaqfadloo,aan gararayn
Adiguna aad shiikh tahay,usaguna sharmuud yahay
Oo kula shikaayoon,illeen waa shiddiyo hoog

Nimaad gabar la shaaximay, shuqduf ilaxir ugu gelin
Oo shuqul gobaadeed,shararraaxin ugu dari
Oo sheemadii geel,boqol xerada ugu shubi
Oo shaharka jiilaal,shabcanaaya caanaha
Oo sheelka gurigaa,shirka talada loo wici.
Oo kuu shisheeyaa,usna waa shiddiyo hoog!!

Bal nin adiga kuu shara,adna adan shaxeexayn
Shuqulkii yimaadana,shiqiyoo aan yeelayn
Oo aan shaqaaqiyo,shuushuuda deyneyn
Oo shiranka madashaa,sheeddoo isaga bixi
Oo shalay wuxuu dhigay,maanta kuu shirtirinayn
Shareecadiyo khayrkana,shifta aan ka dhiganayn
Shaata haddaad ka baridana,shanshada kuugu dhigahayn
Oo shuuqiyoo kari,ibleys baa shidaayee
Shanfac oday Alluu-naar,usna waa shidiyo hoog!!

Bal nimuu shakaashoo,u shaqeeya ferenjiga
Oo shan iyo toban beri,shaabuuga lala dhici
Shafshafana la siinayn,kolay shaata mida tahay
Oo shaaca waaberi Cadan,shacabka ugu kici
Aan shuuna oranayn,usna waa shiddiyo hoog!!

Bal nin gaal la shaarugay,shaabbaddiina lagu dhigay
Oo shurugga fuudoo,shaarubbada aan xiirayn
Oo ama shukaan wada, ama shuqul kaluu qaban
Muslinkana shabbihid kule, usna waa shiddiyo hoog!! .

Bakhayl shaacug weynloo,shiila duxa aan lagu qorin
Oo kuu shumbucullayn,intuu mara shullaha dhigo
Oo sheegiyoo been,shaadir barale kugu wari
Oo kuu shafeecayn,usna waa shiddiyo hoog!!.

Nin shaaficidu reebtee,ku shuhroobay fulannimo
Shimbirahana aan hubin, hadday shababaxleeyaan
Oo aan shahiidkiyo,shiishkiyo xarbada tegin
Sharaarna aan deyneyn,usna waa shiddiyo hoog

Gabay niman shib ka ahayn,misna shaacir ku ahayn
Aan shaqalka ugu dhigin,madka iyo khifiyo shalaq
Oo xarafka sheegiyo,xuduuddana shirrabihayn
Oo shooliyoo oran,shafkaygaa wax jiifaan.
Sheegaye midkaasuna,usna waa shiddiyo hoog.


M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.