Search for:

 

Suugaanta Qorahay Online

 

 


   

Sayid Maxamed Cabdule Xasan

Gabaygii Xuseenow ninkii laable baan

Tiirka koowaad oo Daraawiish dad jirkeedu ku dhisnaa wuxuu ahaa “Gabayga” iyagu dhexdooda wax ha isugu sheegeen ama dadka kale ha kaga ciil beeleene, wuxuu gabaygu ula mid ahaa halka maanta ay idaacaddu adduunka u joogto. Waxaana loogu sid tiring jirey sida xilliga guga oo kale. Daraawiishtii goob-joogga u ahayd waxay shegeen Xuseen Maxamuud (Dhiqle) oo gabayga Sayidka naawili jirey in laga filaayey galab galbaha ka mid ah inuu gabay keeno Farxadda Gabaygaas oo awel uu Sayidku horey u qaybsiiyey. Hase yeeshee Xuseen Dhigle waa uu suura geli wayday, inuu gabaygii mariyo.

------------------------------------------------------------------

Gabaygaanna ujeeddadiisu waxay ahayd canaan uu Sayidku u jeediyey Xuseen Dhiqle, inkastoo canaantaasu wax barid iyo layli bixin ahayd. Sayidkuna wuxuu ku caddeeyey in gabaygiisu saddex saddex meeris yahay. Wuxuu yidhi.

Xuseenow ninkii laable baan, luminin weedhay e
Maantaad lixyowdiyo adoo, laylafoo qabana
Waxa badan baan sidii laan quraan, looxa kuu dhigaye

Niman kii laqda kuu akhriyey, waa ku limiyeene
Lallabankii ay kuu sheegayeen, laasin ma ahayne
Waxay kuugu luggooyeen jidkii, laallada ahaaye

Lucda weeye hadalkaan sharciga, laabud ku ahayne
Mar haddaanu luuligu is-hayn, labacu ma ahayne
Laqwad xumo ha joogtee macnaha, kuma lihiinsiine

Lakab oodan bya kugu rideen, laqammaddiiniiye
Anigana lur baa iga qabsaday, layli bixintaaye
Laxdnigii aan kaa jaray ka badan lag iyo aalaafe

Marka laaqiskii iga ba’’ iyo, laacdankii gole ‘e
laandeyr haddii aadan qabin, kama lay iigteene
anigoo ladaadyeysan bay, lar igu oogeene

lidda malaha sooryadu haddaad, meel ka liilliyiye
liqmada iyo dhuuniga wax baa iigu laabudane
lis xaraarle bay ii dhadhami, labanka caanuuye

loolkiyo lammaa layska xiray, laabatada qoyska
haddaan laamandoodsado hurdada, waanan ledihayne
lahanka iyo caradaan qabaan laba legdeeyaaye

leecaanta Soomaali baa, luri calooshaye
luufluuftadaasaan u dhiman, laafa lugudkeede
maandhow laftii iga jabtaan, luudayaa weliye

maandhow raggi Laxar jiree looraraa yimiye
loxoskii horey ii ekeayd, liinka gubinddiiye
maandhow lix seben buu fadhiyey , laaso iyo Cayne

maandhow lixaadkaan qabaa, laacib baan ahaye
maandhowlib baan kala tagaa, leexa dirireede
maandhow laqdabo waa ka duuf, iyo Laalayse

wax badan baan libeystoo gashaday baal laglaga dheere
aarkuba hadduu soo lallabo, laga lanleemooye
gaashaan nin lowga u dhigaa , waa la’aan jirine

maandhow waxa igu lammaan, duciyo liilaafe
liibaanta Eebbiyo waxay, laray Daraawiishe
waxaa igu laxaammadan kuwaad, laxam wadaagtaane

haddaanan diinta laayicin xaqaa, lagu labaadaaye
in kastuu lukuuk daba kufrigu, lbirka ii keeno
waxaa igu lilaahiya inaan, layga lalinayne

maandhow wax badan baad lurriday, gaalka luunka lehe
wax badan baa waraabuhu lud iyo loogsin kaa helaye
wax badan baad lakiday ferenjigii, loloshka dheeraaye

marka igu ladoo gabaygu yuu, laydha iga raacin
maandhow adaan laxow ku hayn, leylana ha baajin
adigaa lammaantaye ka dhowr, laakadiyo ceebta

listaankii horaa kugu jiriyo, luquf habowgiiye
in kastaan ku laal baray fahmadu, kuuma looshana ‘e
maandhow ha leellin yay, leexan maansaduye

luuqdana ha bi’in sowdku waa, laaxibboon yahaye
maandhow lukowlaha ka dhowr, labana haw hoorrin
meeshaanad lowga u dhigayn, kor uga laameeri

maandhow halkaan kuu laqimay, malaha laakiine
waa laqan madaafiica iyo, danab lifaaqoone
waa liifad duushiyo rasaas, leeba oo dhiciye

waa laas xariira iyo jookh, liqicyadiisiiye
waa liinta khaylida ku taal, ligiyadeediiye
waa luungad iyo shaadir iyo, luulka oo kale ‘e

waa loollimeyntii baddiyo, mowjaddoo lulane
waa lalan daruur curatayoo, laagga soo rogiye
waa lugugya hooriyo hillaac, lagagacdiisiiye

waa xamash liiqanahayiyo, luunta beeraha ‘e
waa laan cagaar bixyayoo, leyranoo ruxane
adiguba lubbiga waad ka garan, laaca geedaha ‘e

maandhow ladnaan baad qabtaa, belo ku laaqneyne
maandhow sidii leyf martaan, kuu liyaafadine
maandhow luddaan kuu ridiyo, lacandidaas qaado.

M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Free Counter
Contact: contacts@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2005, All rights reserved. Qorahay Online.