Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Sayid Maxamed Cabdule Xasan

Gabay: DARDAARAN

1919 markay taariikhdu ahayd ayaa ingiriisku ku soo duulay daraawiish isagoo dayuurad iyo ciidan lixaadleh wata.

Halkaas waxaa deganaa xarunta laanteeda sadexaad oo khaliif shiikh abdile madax ka ahaa kadib xaruntii waynayd waxaa laga dhigay "qora" "shiniile" iyo "horushagax".

Inkstoo dayuuradihi iyo ciidamadii ingiriisku nabara xun daraawiish u gaysteen hadan xoogoodii iyo lixadkoodii ma dhimin, waxayna waxayna ku tala jiren inay col u qalqaalan ingiriis iyo ddakii raacsanaa, hase yeeshee aduunku ma dhammi buu dhashaye,duumo, tacluus iyo fruq baa ku habsaday, daraawiishtiina tarab tarab bay u le'atay.raga madaxa ahaa badidoodiina wa geeriyoodeen.

iyadoo daraawiishta heerkoodu sidaas yahay ayaa ingiriiska iyo dadkii racsanaa guuto camaryalay ah ku balaariyen, waxayna ka heleen geela labaxay hagoogane.

Magacasna wuxuu kula baxay ninkii waxka saanyooday kibir buu la hagoogtay,ninkii ka qadayna ciil buu la hagoogtay,ninkiilaga dhacayna calool xumuu la hagoogtay.

dabadeedna sayidkii iyo wixii daraawiish ka haray wxay tageen Iimey, oo toga webi shabeele xagiisa sare ah.

ragna talo kamay dhamaatee hindisa kalay hanka ku hayeen,hase yeeshee, sayid maxamed geeridiisii aya waxkastba baabbi'isay.gabaygan soo socda sayidku wuxuu mariyay mrkay Iimey degeen, dhaawac yadii loogaystayna ka xafaaroobeen.inkastoo si toosa wax noogu mariya aanan helin ku tiri ku teen waxaan ku maqalay cali dhuux ba gabay digasha ah daraawiish u mariyay markey jabeen.

waxuu gabaygaas hal ku dhigiisu ahaa:
"wa lagu digtaa duul haduu kuu darnaan jiraye"
"daduufka ina abdula xasan waan ku diirsadaye"
"baldayooy wdaad kii wakaas sii dabaysadahaye "

Sayidkii gabaygan wuxuu kaga waramay dad iyo duunyo wixii lumay oo dhan,duumadii iyo furuquu naafeeyay, iyo tabaha gumaysiga iyo talaabooyinkuu maagan yahay iyo ciribxumada kuwa u adeega, waakan gabaygii dardaaran ee sayidka.
----------------------------------------------------------------------

Mindaroofle aqal daahya weyn, dadab la heedaamay'
dermo iyo firaash lagu gam'iyo,daalam iyo googo'
aniga oo wxaan doonayaba, darajaday haysta'
iyo duni wixii nagag lumay, darrakii ceel dheere'

dab wax guba dayurado kufrigu,nagu dul gowdiidshay'
dunbuq subuca degelkana ka kacay,dahab wixii yiilay'
dakhal jabay wixii daar burburay, ama bukaar duug may'

didibtii banaaneyd wixii, dad iyo maal jiifay
diric iyo waxay shiikh dileen,ama duq waayeela
maxajabad daboolayd, wixii gaal dukhulaayay
dabatoobka iidoor, wuxuu darayay caarkiisa
lo'durdura wixii daable geel,nala ka sii daayay

dulihii shareeraa wixii, daal na caga gooyay
dirrowgii qabsaday reerkayaga, dalankicii gaaray
dulkuneefle kan soo agmaro,duulan ka horgayska
dan la'aanwaxay nagu faleen,darab nijaseedku
doonyaha shamaalka ah, hadii dakhalka loo laalo

maruun baa dabaylaha sidaa, koru dandaanshaane
oo doofaradii ku jiray,daraxu caynshaaye
dabro cudura duunyo iyo furuq,waxa dadkii xaaqay
anagu diidi maynoo marbaa,dayin noo wacaye
ninkiise tiisa loo daynayaa, haygu diirsado'e

kolna hadan cidlaga daynahayn, mowdka dabaqdiisa
ninkii hataan nagu diganayoow, dan iyo xeeshaa
dangaraaradii nagu dhacdiyo,webi dabaashiisa,
inksatoo daleel nala dhigaan, doocan nagu cayman
duuflaaladii naga harow, dan iyo xeeshiina

doodna waxaan u leeyahy, dadkeer hadalka dayn waayay
niman yohow damiinimada, waalagu duloobaaye
daku wuxuu jeclaysta waxaan, duxi ka raacayne
dagaalki nasaarada anaa, daalib ku ahaaye
dalka malihid anigaa ku iri, doora weynahaye

daliilkii rasuulkii anaa,doonayoo helaye
anaa diiday maantuu lahaa, deeqadan iga hooya
diinkayga anigaan ku gadan, dabiqii naareede
anan labada daarood tan hore, darajo moodayne
markay duushay gaaladu, anaa daabbadduu rarinye

goortay dareeraan anaan, diiraduu qabane
anigaan dariiqiyo wadada, dowga sii marine
anaan doora weynow kufriga, daacadnuu galine
ferenjiga dilayska leh anaan,duudxamaal noqone

sida doxorka iidoora anaan,duudxamaal noqone
doofaarka ayga ah, anaan daarihiis galine
anigaan dilaalkiyo ardiga,duubiguu xirane
anigaan dariiqada aliyo, diinta caasiyine
daarood ismaciil ma oga, dowga loo qodaye

waa wixii durban tumay, mrkaan dowga sii maraye
waa wixii dayooy yiri, intuu soo dabbaadegaye
dadow maqal dabuub taan ku iri, ama dan how yeelan
ama dhaha darooryiba jiryaye,doxorku yeelkisa
nin ragay dardaaran u tahaye, doqon hamoogaado
dawo lagama helo gaal hadaad, daawo dhigataane

waa idin dagaayaa kufriga, aad u dabcaysane
dirhankuu idiin qubahayaa' dib u go'aysaane
marka hore dabkuu idin ka dhigi, dumarsidiisiye
marka xigana dabaqadda yuu,dareen siine

marka xiga dalkuu idin ku oran, duunya dhaafsadaye
marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye
marhadan dushii adari iyo, iimay dacaldhaafay
maxaad igaga digataan, beruu siin la soo degiye

Waxaa ku deeqay Mustaf Xaaji Said, Mahadsanid Mustaf,

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Free Counter
Contact: suugaan@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2004,All rights reserved. Qorahay Online.