Search for:

 

Suugaanta Qorahay Online

 

 


   

Sayid Maxamed Cabdule Xasan

Gabaygii Nin Ilaah yaqaan

Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaala
Ashahaado loo qoray nimaan, kala allaaweynin
Oo aan inkirahayn xaq waa, la oggolaadaaye
Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya
Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin

Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sabanka
Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin
Oo gaalka ooradu ku taal, u askaraynnaynin

Nimaan abuurka Soomaliyeed, ka anfi taageynin
Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin

Nin jahaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya
Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh

Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
Asaraar ma fiicnee runbaan, lagu arooraaye
Ninkii aynigaa lagu yaqaan, saw islaan ma aha?

Shir aguugay waayeel abyamay, tala ashaaddowdey
Irda jiqa albaabo isku xidhan, eel la bixin waayay
Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay

Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaygu loo saaro
In kastoo ayaan iyo ayaan, lagu aloollaado
Ninkii maalintaa ka aarinsha, aaqil aw ma aha?

Uu uuda qaylada haddii, uubatadu yeedho
Sengootida ilwaadda leh haddii, agabta loo qaato
Awaaraha buska leh maalintuu, xamar abraaraayo

Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo
maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay
Maantii isaaya la dhaco, idil dagaalkeeda

Maantii fuluu naga ordoo, alabasoo rooro
Maantii raggaan loo ileyn, naga ugaadhoobo
Mantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?

Nimaan edebdarrooneya xil, waa laga ajoodaaye
Aflagaadda aan jirin nimaan, kuula imaneynin
Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya

Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya
Abtirsiinya kii xigay nimaan, iriq u dheeraynin
Addoomaha Ilaahy nimaan, kala irdhaynaynin

Ninkii aamusoo shib ah haddii, eray xun loo geysto
Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo
Aan xaaja awawgeed la gubay, ubucda jeexaynin

Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
Oo xeedhyo soor lagu akhtimay, eber ka yeelaynin
Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin

Intuu aqalka baanjiyonimaan, aradda guulguullin
Aagaanta ciirtaa nimaan, aaska dhiganaynin
Oo aan qumbaha awdanoo, ilaxidhkow jiidan

Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin
Oo kuu ixsaan fali intuu, edeg adduun joogo
Oo aan abaaldhaca aqoon sow, ikhyaar maaha?

Adhi badan lo' iyo geel intii, mulug adduunyaada
Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unnun gooyey
Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya

Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxidh loo yeelay
Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo khayli
Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami

Nasteexiyo wanaag iyo ninkii, ilindi kuu keenay
umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya
Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya

Ninkii maalintaad iillaan tahay, aana kugu qaataa
Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
Itaalxumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?

M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Free Counter
Contact: contacts@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2005, All rights reserved. Qorahay Online.