| Maxaa
Sababay?
Kolka hore waxaan salaamahayaa
dhamaan umadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba sigaar
ah waxaan u salaamahayaa Shacbka Soomaalida Ogaadeenya
ee gundiidka ah iyo hormuudkooda halganka hogaaminhaya
Waa Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya
J.W.X.O.salaantaas dabadeed bulshada Soomaaliyeed waxaan
ugu deeqahayaa gabay aan kaga hadlahayo dhibaatada is
daba jooga ah ee gobolada Waqooyi Galbeed loogu gaysto
guud ahaan Soomaalida gaar ahaana kuwa Ogaadeenya gabaygan
oo maagciisa la yidhaahdo Maxaa Sababay? waxaan
tiriyay dabayaaqadii sanadkii 2004 hadaba anigoo si
xoog ah u Canbaaraynhaya falalka fosha xun ee ay ku
kaceen kooxda maamusha gobolada Waqooyi Galbeed arimahan
oo soo kordhahaya baryahan dambe ayaan ku Eegaynaa gabaygan
oo u badan su ‘aalo aan Jawabtooda ka sugahayo Waxgaradka
iyo bulshada caafimaadka qabta ee ku dhaqan gobolada
Waqooyi Galbeed yaanan raajinine waa kan gabaygii lamagac
baxay Maxaa sababay
Abwaanaad saloolee murtida aad ukala saara
Xikmad inay sameeyaani waa sahal illahaye
In la siiyo mooyee majiro Ruux sawirayaaye
Bal Ogoow hadana surin la aan sawdku bixi waaye.
Ninba si uu u qaadaba hadii Gabay la soohaayo.
Salka wuxu ku leeyahay koleey shay siyaado ahe.
Sidaa iyo darteed waagi aan curiyay suugaanta.
Ee aan siqiirkiyo ahaa sabi an qaan gaadhin.
Een sida daruur hoorayee lay gilgilay saabka.
Qiirana isaamaysay een seexan kariwaayay.
Deedna aan laasro kacay anoo la i saluugaayo.
Wixii sabaaby jeerkaa hadii aan salkaba taabto.
Soomaalida waqooyibay ahayd oo saqaafe ehe.
Sabaankaa wixii dhacay anoon siiba hadal haynin.
Sikin iyo anoon rabin in uu saacad iga qaato.
Socdaal baan ku marayaa hadana saydun aragtaane.
Sifaheeda baahida jirtiyo sadar xusuuseedkan.
Siqiirkaaba garan iyo koleey sabi caruureede.
Aniguna inaan saro koleey waa lasuga yaay.
Siyaasada Waqooyee guracan sabad xumaanteeda.
Suryaday ku libidhiyo kobtay salalag laynayso.
Siday aniga ila tahay anoo sudhaya miisaanka.
Anigoon sagsaagaynin oo saxar ka dhawraaya.
Hadii uu isaamaxo wakhtigu waa in aan sugo e.
Adna sabbir dhagaystoow intaan hadalkan saafaayo.
Aduunyadan salaankii sharciga aan ku soconaynin.
Xaqa laga sokeeyee dulmiga laga saraysiiyay.
Saf safkaa is wada laynhayiyo saban colaadeedkan.
Sawaariikhda lali iyo hubkaa la isku saydhaayo.
Waxaa sababay oo Caalamkii loo sal dhigi waayay.
Waa ruux sad haystiyo mid raba inu ka saydhaaye.
Sidaa iyo darteed nabadba waa laga santaagaaye.
Saldhig iyo Nin aqalkiisii xoog lagaga saaraayo.
Surkana lagaga jari baa batiyo sabi agooneede.
Sanahaabiyo qaxarkankada samada rooraaya.
Ninba si uu u taabtaba dhibkani meelo badan saaqye.
Iyadoo saxmadi ay jirtoon buuqa lala seexan.
Suruur iyo hadana dunida qaar faraxu saameeye.
Sareediyo nasiibkoodu badi samo kunooleeye.
Soomaaliad Ogaadeenya Waa murugo saad
keede.
Sadri damac wadiyo kaanagoo maya lasoo taagan.
Isa seeg kayimid baajiriyo saymo dirireede.
Zaciim kii Gureey ee kufriga sirin sirqaysiiyay.
Seeftiisa jeerkuu labaxay waliba soofaysan.
Soo doolki noo yimid wuxuu sun u walaaqaaba.
Solay wuu u diidiyo inay soor dhadhamiyaane.
Sumaduu ku reebaa unool wali sideediiye.
Sarartiyo cadkoo dhiigibay iligta saaraane.
Sanadku bilaabiyo ilaa subaxdan Aanjoogno.
Halgankaa sutida loo hayee uu susumi dhiigu.
Sababtiisu waa inan Xornimo Calan kusaaraaye.
Saaciido wuu mudan yihiyo gacan lasiiyaaye.
Sadkolkaanu dhawraynay iyo samo fal taageero.
Sokeeyihii dhamaantood gafbay nagu sameeyeene.
Sinta koonfur iyo soolka bari dile saraakiil e.
In kastoon su’aal qabo ragaa sababta loo laayay.
Sahal Ruux in lootoogto oo saabka laga shiisho.
Ama seenyo geel iyo la dhaco saami lacageedba.
Soomaaliday dhaqan u tahay loona garan siif e.
Suuq baa ku soo biiray iyo saylad lacageed e.
Siday Reer Waqooyigu falaan baa siyaado ehe.
Martidu soo dhawayn bay lahayd sooryo sharafeede.
Seerahaaga Ruux yimidna waa magan sideediiye.
Socotada in laga ganacsadiyo sarafka diifaysan.
Oo bahal sibraha looga xidho hilib ku suuxaaya.
Ma wax suurto galyaa jiroo guudkanaga saaran.
Su’aalahan Jawaabtooda waan wada
sugaayaaye.
Sidaadaba Hargaysaay inaad seegto marinkaaga.
Waa soo jireen dhaqan ahoon idinka suulaynne.
Soomaalidoo nabad ah oo samo kudaaqaysa.
Seedhibaad Afuufteen intaad salaw abuurteene.
Calankii sudhnaayee bulshadu wada salaamaysay.
Sarihiyo guryihi Aad dhistee nee sanado qaatay.
Sal fudaydku Waa waxaad digada uga samayseene.
Siiroo kolkii laga dhigiyo saylad laga guuray.
Dadkiina wada sabooloobay ee aad u asxariiray.
Sonkorta dabaqyadii wada noqdiyo suuqi laga yaacay.
Seeskii bur buraybaad markale dib usan cayseene.
Saxalkii inuu idinka baxay baad sawirateene.
Khaladkiina lama saxahayee waad ku socotaane.
Saladnada waxaa wali hayoo sida hogaankiina.
Sahwigaba kuwii beeray iyo silici waagiiye.
Seeftii boqnaha idin jartay soofe mariyaane.
Iyagaa saxare idinku furay suudigoo kulule.
Suq suq bayna idin xulinhayaan ood ku saalasheene.
Sarar orodkibaa idin ku jira wali sunaysnaaye.
Maamulkaad samayseen haduu suruq idiin raacay.
Ama suus dhex galay shacabku waa inay saluugaane.
Saqajaanka iyo ceebta waa laga sariigtaaye.
Sumacdiinii qaarbaa kaagaday Xabashi suudhleeye.
Suniyihii miyaad xiirateen kama siqaysaane.
Soomalilaan sheega iyo sawrac madhadkiina.
Siqiir iyo kab biir waan hubaa inaad sexeexdeene.
Sarajoogsi gooniya haduu sahanku goobaayay.
Masal kaa itoobiyo Ahaa yood ku socoteenba.
Sal saloolashaad gacalka iyo Cadaw la saaxiibku.
Sahli mayso citiraaf hadii aydun sugaysaane.
Saylac iyo Hargaysoo Tigrey wada sabaynaayo.
Saldhigyana intii looga furay goobo laga siiyay.
Soomaalida in loo diido ooy seexan kari waydo.
Oo siyaaradii timid Xabsiga lagu dhex seeteeyo.
Sarwadna loogu daro iyo garaac diirka laag siibay.
Maxaa sababay oo keeni kara waa
su'aal kale e?
Sinjigaaga lama diido iyo siidhka aad tahaye.
Saaxiibku way kala hadhaan la is naseegaaye.
Sinalooam jaro dhalasho oo way sal wayntahaye.
Sokeeyaha intaad riixdo oo saado nacabkaaga.
Surka xadhig nin kuu galinhayoon rabin samaantaada.
Sadiiq inaad u aragtiyo ninkii uurka kula seexday.
Maxaa sababay Oo keeni kaar waa
su'aal kale e?
Ehel kiini siicdee hadii laga san taagaayo.
Amaad sahanasteen qolo kaloo sagal idiin muuqdo.
Saantiyo badala hadalku waa baadi kala sooc e.
Sadana daaya oo magac labaxa meelo kale saaran.
Calankaydun sidataanba waa suurad gooni ehe.
Salka geed kanaafoobay oo suuqmay xididkiisu.
Sadhadiisa lama fuulo wuu seexan kaaryaaye.
Itoobiyo inay tahay sidaa waad la socotaane.
Sakaraadka taliskana haday sabab idiingaysay.
Iyaba toodi baa saabatooy sin ula ciireene.
Sanacooda idinkoon aqoon baydun sudhanteene.
Kamana soocmi doontaane way idin sidaysteene.
Sunbadaa wayaanuhu haday idin sabaalaysay.
Amay sixir idiingunuday waa saan koleey qabo e.
Soohdin lama wadaagtaane waad sahal dhaqaaqdeene.
Saqsaqdiyo intaad aayartaan siigadiyo boodhka.
Sakaarkiyo hamiga naga lalee samada dhawraaya.
Indhaha saabka looyeelay iyo suusad lagu jiiday.
Ee suursan kala qaada waa laga sokeeyaaye.
Sac kalumay nin daydayanhayoo sumad ku goobaaya.
Yaaban seexo looquudhi karin sulub haraad cayne.
Umad sarakacdoo cadaw ka dhacay sabadi ciideeda.
Soodh iyo halgaad ula tagtoo sabab ku laynaysa.
Saxna ay kutahay inay dagaal kaga sifeeyaani.
Sakiin laguma xagi karo Tigrey oo la sari maayo.
Hadaydaan siloonayn maxaa idinka
siinaaya.?
Salaadiin wax garadiyo cilmiga qoladi loosoocay.
Siyaasiga fayoow een caqliga dhoobo laga saarin.
Saadaasha iyo aragtidii umada Soomaali.
Sakal inaad gasheen lagu cadee ood sirgaaxnteene.
Suuntiinu way gu i hadaad sidan ahaataane.
Sumad guur inuu idinku dhoco yaad ku socotaane.
Sikastaba hanoqotee anaga magaca Soomaali.
Sibraa rbuuba nooyahay biyaha aan ku sidanaaye.
Samaantiina waan jecelihiyo inaad sinaataane.
Sadnadeeqi weeyaan hadaad saafi noqotaane.
Saxma weeye hadalkani haduu idni solaayaaye.
Saqajaanka naaga daaya waa dawgu suuyahaye.
Rooda Ibraahim Cabdi [Afjanno]
Afjano2004@yahoo.com
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|