|
Gabaygii Gad Horleh
Waxaan marka hore halkan ka salaamayaa dhamaan umada
Soomaaliyeed meel ay joogaanba, Waxaan si gaar ah u
salaamayaa inta jecel nabada & midnimada Soomaaliyeed.
Waxaan ahey gabadh Soomaaliyeed oo Gabayda, taariikhdu
markay aheyd 10/02/2005 ayaan curiyay Gabay kaas oo
ku wajahan Gabadh yarta Soomaaliyeed oo ciqaab Jidhdil
& falalkalaba loogu gaysta Magaaladda Hargaysa,
taas oo taariikhda umada Soomaaliyeed ay u tahay tu
kucusub. Una furtay baal cusub oo meel ka gashay taariikhda
umada Soomaaliyeed. Hadaba gabaygan oo sidaad kagarandoontan
ku wajahan xaladda gabadhii yarayd ee dhawan laga sii
daayay xabsi kuyaala magalada Hargaysa gabaygan oo ah
midka deeqtoon kana hufan in wax loogu dhimo cid aangalabsanin
ayaaa waxuu tibaaxahayaa meelo badan hadaba anoon jeclayn
in aan ka hordhaco ujeedada waakan gabaygii GAD HORLEH
Zamzam gabayadii lootirsheee gagida loo xaadhay,
In kastoo nan goortay, xidhnayd kaygaa garabjoojin,
Maantan kadabagayanyaa gaaxdimansade,
Gaawahan ucugay iyo marka hagolaha ii yaala,
***
Allaw anangaagixin anoon gorofka canaynin,
Abwaanada gurmaday ee dhaman wada galiilyooday,
Ee gabadhasan ugaxunahay silici loogaystay,
Garadkooda cabiray ee fahmada badan ku geeraaray.
****
Webebkii guntaday ee bandhigay gacalo hawsheeda,
Idilkood hagaadhoo u diray gacan salaameede,
Ana kamanan gaabsane xareed galalaclaynaysa,
Af-koolabada gabi marahayoo sida gugow hooray,
****
Balaan gaacsho waxa soo fakaday ilo gufaysnaaye,
Aadmiga gin gimana dunida ee gaaliyo islama,
Luuqaduna ukala gaar katahay ee ku kala guuray,
Gibilkaacad iyo kuwa madoow gobolka maariin ah,
****
Gees buu qolabadhaqan u yahay aadku garataye,
Gurigeena Soomalinimo loogadaal noqoye,
Guuraagawaagaan ahayn samo ugeedwaabta,
Ee aan magaladalagalin lana galbeedoobin,
****
Ee gogosha aytalo lahayd lagurfaynaayay,
Gabdhuhu waxay ahayeen xariir aan lagoynkarine,
Guudkooda calanbaasudhnaa goor iyo ayaane,
Sharaf lagu galaday iyo xurmaa gooni u,ahayde,
****
Guuyo iyo nin aan maal lahayn geeswalba ufoofaa ,
eeGaabanoow adhiga iyo badanin geeliisu,
Giirbay, lo, aad iyo fardana lagu gashiimaynin,
Girinoofna aan haysan iyo qori maguuuraan ah,
****
In uu guursada way adkayd gaari shaaximane,
Goobtay istagaanba waalagu gadanaaye,
Iskadaa gidaarlagu lagdoo ay galgalataaye,
Ninkii gabadh canaantaayi wuu gabagabaysnaaye,
****
Hadii manta loo soo gudboo gacanta looqaaday,
Oo garaadadii laga jaroo kuu shi laga gooyay,
Deedna lagu gaboood falay yartii gacal u soo xiistay,
Ilbaxnimo lagalaybaabashaw loodiwaangaline,
****
Gad horleh iyo lalabaddalaw geel,habeedkulehe,
Ku wagaystay ee ficilkan xumiyahay,go’aankooda,
Gardarada xigaalkiyo dulmina gob is ku moodaaya,
Waagartood abwaanadu inay wada ganaxaane,
****
Geesna looga wada jeedsadoo lagu gadoodaaye,
Waliba gawda laga saaro oo lagu xidhaageede,
Geerida horteed waxa haboon inay,go doomaane,
Hayeeshee gaftaal iyo maqabo gacal wax yeelayne,
****
Guurtida Hargaysiyo Burcaba joogta gudohooda,
Gadhcasta iyo salaadiinta iyo sheekhyo garandiinta,
Gu,yartiyo aqoonyahanka iyo hooyo gurijoota,
Gabayada hadii aan intaas kuba gadaafayno,
****
Oo lagu galaalxooro shacab aan wax wada gaysan,
Gurac iyo waxay noqonkartaa gabi ka soo duule,
Garta adiga oo dhab urogrogay deedna dhigay,
Gawska xikmad gola kafuuliyo murtida lagugu gaaryeelay,
****
In taad galiso meesheeda ood geeswalbana dhawrto,
Xaqagacanta siiyoo adaa lagugu guuraaye,
Geedigali abawaanoow waxaad noqotay gaadiide,
Bulshada midbaan gaaru,odhan gordhaw dabadeede,
****
Gaagur iigu xidhan kayn cidlaha baanlaga layaaye,
Waxaa wali igu biyoon kusocon gabadha teediiye,
Goortaan ka soo jeedsadeen gacan banaanaado,
Insha allaahu halal guudmaraanfiida kaga goyne,
****
Dantuna wayba ii gayn koleey meelo aangarane,
Gudoonkay martiday iyo raggii gabanta eedeeyay,
Nimankii gilgilay ee ilmaha ugub garaafeeyay,
Guhaadana ku reebee yartaa gocosho oo yaysa,
Ilmadeedi gabax sii yayoow waad xadgudubteene,
****
Garaadkii fayaw iyo caqliga xaajo gali wayday
Gobolkiina wada dhaawacdaad galin samayseene,
Guyaal horana wataad gasheen godobo waaweyne,
Waxa soo gur guuranahayana wabi ka guux weyne,
Isu wadaba geeyoo waxa galaya taariikhda,
Gad,horleh iyo waalabada law geel.habeedkulehe,
****
Go’ooyinoow.hadii madax layahay dawladnimo gaadhay,
Gobanimana aad sheegataan calan ku gawriiro,
Gacalkiyo so keeyaha maxaa looga gali eedda?,
Maxaad.ugu gantamaysaan bulshada.afarta goonyoodba,?
Maxaa gabadh idiin timid faraha loo la wada gaadhay?
Geesbay umuurtani ka tahay gaaliyo islaame,
Sharci meela kama soo gashoo waad xadgudubteene,
****
Garaadkii fayaw iyo caqliga xaajo gali wayday
Gobolkiina wada dhaawacdaad galin samayseene,
Guyaal horana wataad gasheen godobo waaweyne,
Waxa soo gur guuranahayana wabi ka guux weyne,
Isu wadaba geeyoo waxa galaya taariikhda,
Gad,horleh iyo waalabada law geel.habeedkulehe,
****
Haday guri nin weyn gabadhu timid oo laga ranwaayay,
Gaadiidka idinkaa lahaa keenay goobtabe,
Guutooyin iyo maynan wadin gaas col soodiraye,
Gantaaliyo hub kale maynan sidan ama is gaadhsiine,
Gacanteeda qalab laguma arag lagu go’aayaaye,
Goormuu shakigu yimid inay dhib idin gaadhsiin ah,
****
Garaadkii fayaw iyo caqliga xaajo gali wayday
Gobolkiina wada dhaawacdaad galin samayseene,
Guyaal horana wataad gasheen godobo waaweyne,
Waxa soo gur guuranahayana wabi ka guux weyne,
Isu wadaba geeyoo waxa galaya taariikhda,
Gad,horleh iyo waalabada law geel.habeedkulehe,
****
Gablantala aduuneey yartii farax la soo guurtay,
Xigtadana usoo gudubtay waala isu gooshaaye,
Giriig baaba looqaatay iyo gaal shisheeye ahe,
Garab weyn ragga lagu fasaxay ood ku gudubteene,
Gujo iyo intuu laadkudhacay baad gagabiseene,
Gundhin umayarayn iyo af-xumo lagu gureeyaaye,
****
Garaadkii fayaw iyo caqliga xaajo gali wayday
Gobolkiina wada dhaawacdaad galin samayseene,
Guyaal horana wataad gasheen godobo waaweyne,
Waxa soo gur guuranahayana wabi ka guux weyne,
Isu wadaba geeyoo waxa galaya taariikhda,
Gad,horleh iyo waalabada law geel.habeedkulehe,
****
Geenyo curuba hoosoo baxdoon wali garaadoobin,
Gar allee xajiin ku mahabana gurisan mooyaane,
Hayeeshee nasiibkeedu gali oogodlagutuurye goof iyohabaasbaaladhigaytimogardhaaleeye,
xabsigiigaboobeeqaniinloogakalaguuray
Gujuf iyo kud kude laguxareegogol la aaneede
Darin inaad ugaysaan maxaa loogugaranwaayay,
Gasiinkii maxaa loogu miyaydheef tilagagooye,
****
Garaadkii fayaw iyo caqliga xaajo gali wayday
Gobolkiina wada dhaawacdaad galin samayseene,
Guyaal horana wataad gasheen godobo waaweyne,
Waxa soo gur guuranahayana wabi ka guux weyne,
Isu wadaba geeyoo waxa galaya taariikhda,
Gad,horleh iyo waalabada law geel.habeedkulehe,
****
Garabaduub hadaad uba xidheen lanagawaan raacshay,
Gurna loofigeeyo xubanaha laysu wadageeyay,
Gogana lagatumiyofeedhah oo arami aygaadhay,
Ruux gunaanadkii seegay oo gagansidiimaydka
Intii loo gurguurtay badhkiin guraca saareene,
Maxaa gabadha loo qaawiyoo ceebtu gudawayne,
****
Gambadii maxaad ugafurteen guudka madaxeeda,
Maryihii ku gaaraa intii geedlawadasaaray,
Geedada maxaad uga sudheen koronto guuxaysa,
Maxaad uga gubteen naasahoo ibaha loogooyay,
****
Garaadkii fayaw iyo caqliga xaajo gali wayday
Gobolkiina wada dhaawacdaad galin samayseene,
Guyaal horana wataad gasheen godobo waaweyne,
Waxa soo gur guuranahayana wabi ka guux weyne,
Isu wadaba geeyoo waxa galaya taariikhda,
Gad,horleh iyo waalabada law geel.habeedkulehe,
****
Oday goxosh ah oo BBCda hadalo gaadhsiiyay,
Way gaamurtiyo wuxuu lahaa waalaguursadaye,
Isagoo is giijinahayoon unagaraabaynin,
Gugay sheegatuu qaar ku daray oo ku gaacnsaydhye,
Kol haduuba galabtii ladhalay qirayo goorteeda,
Isagaaba gacalugu dhawaayoo ugarantoose,
****
Gablamuhu intuu gadhadhaclayn muu kafuro geedka,
Ama muu ka gaabsado aduun waa isdabaguure,
Guluubada rayiga waahoraad shaw ka gubateene,
Gibin iyo haday tahay dhalaan.aan waxgaranaynin,
Ama ay gashaantiba tahooy gacanta saydhayso,
Ama ay gabawtahay dhacdooy guudka kacadatay,
Gees u dhaafimaysoo haween gaasir lagu sheegye,
Gafna may samaynin oo waxay gaysataanjirine,
Falaadha haad ganteen ee ku soo laabtay gibilkiina,
Sidaas ku am go’aayaan waloow aad gilgilateene,
****
Garaadkii fayaw iyo caqliga xaajo gali wayday
Gobolkiina wada dhaawacdaad galin samayseene,
Guyaal horana wataad gasheen godobo waaweyne,
Waxa soo gur guuranahayana wabi ka guux weyne,
Isu wadaba geeyoo waxa galaya taariikhda,
Gad,horleh iyo waalabada law geel.habeedkulehe,
****
Gadhcadaadiyaashiyo raggaa,gabadha iimeeyaya,
Ee sida guduudane miciyo galiyay dhuunteeda,
Guurtanaa qabtee sida ama hal oo gagaranwaayay,
Gooradana jaray sida haramacad ee isugu gaadhay,
Kuna guuxay ee sida shabeelkii isugu gaabshay,
Gomadahana rudhay sida dhurwaay ee boqnahagooyay,
****
Kuna giirtay ee sida dacawad ee uga dulgiileeyay,
Geed qaaqlayaashaa ku nool gacalkadhiigiisa,
Guntigaan ugalaycadawga ee gubaya raaskooda,
Gayina waan xukumaynaa lahoo galalaf meerkiinu,
Goof madaw inuu idinku ridi oo godlagu daadan,
Kolkaan gabay ku sheegayi walee goortan ma ahayne,
****
Garaadkiinu wataanlaha wuu gabaabsiyaye,
Galabtaas wax ii muuqday baan idin garwaaqsiine,
Gabigii huduuduban arkaay ood ku gamadeene,
Galad iyo haday ceebi tahay guusha lagufaano,
Maanta waad gudoonteen koleey gogoldhaceediiye,
,
gabadha,iyohorteedwiilashii aydungadteenba ****
Waa labagafoo aad u culus nimanka gaystoowe,
Waa labagantaal iyo ka daran gubato qiiqaade,
Waa laba wixii gacal ahaa aad u kala gayne,
Waa laba nafaluhu gocon hayaangoor iyo ayaane,
Waa laba gurdumi iyo lamida kala gadoonkiiye,
Gorortay oo xumaan kale mahadhin ood gongomisaane,
Balkusoogunaanadaintasmadaxu guudaanye
,
Inata aanan gayn maansadaa Godey ka soo foooftay,
Gabdhahoonwakiil uga ahaa guriga suugaanta,
Gamboolayda Soomaaliyeed gabi ahaantoodba,
Gurmadbay ahaayeen intay gabadhu ciilnaydee,
Kama aygaboonayne way gaaclobooqdeene,
****
Oo khaladki lagagalahayay gocosho ooyeene,
Laga wada gilgilay oo siwayn looga wada guuxye,
Galkaas ee ftilagabixiyay oo waangudbinayaaye,
Go’aan baa kasoobaxay,waliba dumarku gaadheene,
Nimankii gulaalee kuriday gabadha booraanta,
Gacandhiigleyaashaa waliba goostay hilibkeeda,
****
Goor kastaba hanoqotee maxkamad inay horgeeyaane,
Ana gabagabayntii waxaan hadal ku soo gaabin,
Gabadhayahay guhaad badan qabtee gorodalaalaadin,
Xabsigay ku galiyeen ku waadgaaclka soomooday,
Iyo wixi ka sii gudubsanee xumo ku soo gaadhay,
Gacandhaafki ay suubiyeen nimangadhwaawayni,
****
Hadaadgocoto oo ay niyadu kula gariirayso,
Gartaaweeye oo waxa ku helay koox garwaala ahe,
Hayeeshee ka gudub waa aduun gabidhaciisiiye,
Gacan caafimaadbadan qalbiga guule kaamariye,
Gargaar eebahay kaagafidi aad kugamadaaye,
Gawsaha ku qabo sabbirku waa geed biroojabine,
****
Garuun iyo hadii ay jug culus gaadhay badankaaga,
Oo ay feedhahaagii goteen sidad ugaajootay,
Haday ku gugubeen koronto oo sida nasoogaadhay,
Geedada dhimbiil kaasudheen wixi ku guulguulay,
Jidhkaagii guduudnaa haduu gibilmadoobaaday,
****
hadaad gocoto oo ay niyadu ku lagariirayso,
Gartaa weeye oo waxa kuhelay koox garwaanla ahe,
Hayeeshee ka gudub waa aduun gabidhiciisiiye,
Gacan caafimad badanqalbiga guule kaamariye,
Gargaar eebahay kaaga fidi aad ku gamadaaye,
Gawsaha ku qabo sabir ku waa geed biroon jabine
****
Midkalana garwaaqsoo intaad galisolaabtaada,
Gunud inad xusuusnaatid baaloogoleeyahaye,
Gabdhaajira sidani nolol u tahey, gu iyo jiilaale,
Gurbood adiga kula ayniyaa lagu gandoodaaye,
Oo lagu gabood falahayaa goor iyo ayaane,
Gurmadana waliba aanhaysanoon gacal u ooyane,
****
Waxa saa ugalayaana waa gaal shisheeya ahe,
Waa gumaysi waa hore qabsaday goboladoodiiye,
Waa cadaw go’aan kiisu yahey inu gumaadaye,
Waancab ku soo guuray jeer deena gaamuraye,
Giriyaad waloow aadamrtoo gawle ku guyeedhay,
God abeesna aad mooday aqal gogoli kuutaalo,
****
Hadaan waxan ku gees dhigay adiga geeri kaadarane,
Gafkii dhacay ka sooqaad waxaan adilaguugaysan,
Gacan caafimad badanqalbiga guule kaa mariye,
Gargaar eebahay kaaga fidi aad ku gamadaaye,
Gawsaha ku qabo sabir ku waa geed biroon jabine
Rooda Ibrahim Abdi (Af-jano)
afjano2004@yahoo.com
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|