|
Gabayii Yaa Dirsaday
-----------------------------------------------------------------------------
Damiin macalinkiisiyo isagii ha is dacweeyeene
Ninba dowgu leeyahay kolkii dooda aan u dhowro
Ardaygii da' loo yeedhiyee diminta miim saaray
Kol hadduu tacliin doonayayoo deel xafidi waayey
Garta haddaan la daahayn isaga sow danbigu ma aha
Aniguna mudada doorka een ciidho diriraynay
Ogaadeenya cadawgii dalhriyo daadufkii sirayey
Midna kama dabooline dirkaba wawga digay dhaaxe
Dabaalsiiyey hadal diiriyiyo sheekho duur xul ahe
Mar u daday baryana daahay oo dooxay maansada
Daraf iyo dhawaaqii anoo dacalba gaadhsiiyey
Tix aan sogordihiyo faallo dheer miday durduurtaanba
Danaaniga la garay muusanoow inuu ku duubnaaye
Nin dalluunshay baaq inaan ahayoo qaylo dananayso
Dusha guud naxwaha sidaa ha u dareemeene
Darxumadaan ka qaylyaayey iyo dulucdii hoosaysay
Ujeedadu halkay daaranayd baal ka daawade
Mid ka dude ee tii kale macnaha looma daadagine
Aan ku daalo taagay amaan seego danahaye
Faqna durugsadoo ruuxba ruux laysku wada daarye
Warar laga danqado duulba duul ha u dawaafsheene
Dadku badi sidaa iyo darteed haba dadaaleene
Dacdarada badhkeed iyo wixii dilay Ogaadeenya
Duleystiyo daldalihii xaggaa ugu dammaan leeyay
Oon laba dugaag idhi mid bay daaqad ka arkeene
Waligoodba dabarkii hore oo duuga bay garane
Inkastooy dakano taa ahayd oo dulkaba tiilay
Wax soo degay ammuur nooga daran tii darraatabe
War daabaana qaadka ay matali dawlada Af-weyne
Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?
Rag ninkii ku daandaansda ee durqin u jeeda
Dood iyo dagaal baa mid uun lagaga duufaaye
Danqashiyo waxaa murugo kulul dibirta qaarkeede
War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha
Duumiyo xanuuniyo adooy diifi kugu raagtay
Dugduglay ha joogtee adoon wali kasoo duudsan
Oo deyr-xumaad yahay waqtigu ama diraac dheerba
Hadduu gaas col waa dumi jiree lagugu soo duulo
Kuray daqaqamoo tagay halkuu daaqi jiray geelu
Galabuu kaaga soo digay inay doonyo ka carrawday
Makhrib dabadii goor ay ahayd waa cawaw darane
Ooy damug kusiiyeen xeryaha diricyo soo dheelmay
Ku soo daaya adigoo leh oo doobke uuminaya
Colkii doomanaysaa hadduu weerar kugu daacsho
Geelaagii oo dihin haddii lala dawaareeyo
Deris nimaad ahaydeen adigoon qaylaba u diranin
Durba hadduu kusoo gaadhoo doodi kugu dhaafo
Digdigtiisa orodkaad tidhaa wuu ku daaficiye
Isagoo dalleen weyd ah iyo daaci kugu sheegay
Oo daali maayo leh kolkaad aayar daba liicdo
Gudcur damug ah goor ay ahayd oon dayaxu muuqan
Waddadaba hadduu kaa duwoo duur fog kula aado
Dariiqaba intuu kaa lunshoo dogob ku jiidhsiiyo
Markuu dalawyo baas kaa ridoo dawgii kaa lumiyo
Intuu darafta xanan kuugu maro ama dusoo leexdo
Dabragoyn intuu ugu dhuftoo dadab u sii baydho
Duulkii geela loo waday hadduu diilintaa u jeedsho
Damaacina hadduu galo si uu kaaga darib quuto
Dilaal iyo haddii uu malaal kuu diyaarsanayo
Daldalooladaada oo batiyo dabacsanaantaadu
Dabiib uu ku naaxiyo markay daawadiinoqoto
Dallada iyo guushaadu waa dabar gu'iisiiye
War duunyada raggii kaa dhacay ee dawrshay xeradaada
Ogow daalinkaad aamintay baa kaaga sii darane
Dingaraaraduu kugu ladhi tii dagaagnimo e
War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha
Haddaanse reerka deyrku u adkay dagagar mooyaane
Libaaxii dinaahshee ciyaa waaba kuu digay
Markaasaad duddada oodataa ood dab shidataaye
Marse hadduu duleedkaaga yimid diilalyana hayso
Isagoo dibnaha kaa xidhayoon maalka didinaynin
Hurdo-dakharta leylkii ahiyo duhurkii mooyaane
Intaad dibadda jogtaba hadduu soo daf odhan waayo
Oo duunyadii eber ka dhigo amuu dad kaa laayo
Labada aar ka dalandoolayee aamusaa darane
Soomaaliya dabcigu waa tabtaa daacad ay bidiye
War daabaana-qaadka ay matali dawladda Af-weyne
Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha
Daruur curashii maagan iyo daad arlada buuxsha
Markay di'is diyaarka u tahayee qayo udgoon daacdo
Tiixa diliqle mooyee intaan dhibicdu soo duulin
Qaanso-roob daliigani hadday baal iskaga duugto
Unkadkiyo daryaankeeda baxa amase dawdaw leh
Danabkiyo hillaaciyo waxay dununucaysoo dhan
Allaaba waa dix ay soo rogtiyo doox waraabsama e
Hufo iyo dabayl bay noqdaan diririgteediiye
Ha ku daalin waa duuf xareed laga durduurtaaye
Daadufnimada Soomaaliya ee durugsiga u jeeday
Dubaaqa iyo ra'yiga keen ah buu saa u dumiyaaye
War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha
Annagoo dalkaa weyn leh oo dad iyo maal buuxna
Ninka yidhi duq weyn baan ahayoo raba daryeelkiina
Ee daakhilkiinaa ma jiro laba ka doodaa leh
Waa shay dantiisa wuxuu noo dirqiyayaaye
War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha
Dux ay nagu qabaan bay darteed noo dalfinayaane
Kolba taladii door noo ah bay daaf ku ridayaane
Indho-duubka saasay wax badan nagu duduubteene
Waxay dacayda nagu jiidayaan dawlis xoog badane
War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha
Dubaax shiilan bay naga heleen oo dalaal tubane
Beryo inay na darandooriyeen oon usii dararay
Dawarsiga carbeed inaanu nahay daasad lagu qaato
Dalbashiyo in magaceer baryada dibada loo haysto
Daabaqd in laynagu dhuftayoo doofil nagu heesay
Ninka yidhi duq weyn baa ahayoo raba daryeelkiina
Adna dalandalkii baa tahayoo weydin daadihin leh
Xagna dabinka saan ugu galloo noogu rido daanka
Iyo si uu cadkeena u dubtiyo daabax nala maagan
Kaba dacar khadhaadh ka i dafaye ka i dagaa ba'ane
Dirgashaduuba naga dhawrayaa digatir mooyaane
War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha
Dagdagluhu darbadahoodu way sii dalacayeene
Kuwa sharaftideenii dafiray amase noo diidan
Dugsan mayno inaan daa'inkood diriro mooyaane
Qof aan doocba hayn iyo ma oga kii damiin ahuye
Damiir laawe iyo dawdar iyo doqonna yeelkoode
Danbi kuguba haasaawin iyo been dacaayad ahe
Runta inaan ku diirdiiray taa waxaa u daliilkii ah
War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha
Buugga Garnaqsi
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|