Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Abdullahi Macalim Dhoodaan

  Gabayii Tusaale

Gabaygan Tusaale, oo inta badan ka kooban maahmaahyo murti uu dhoodaan gabay ahaan u khaafiyadeeyay, wuxuu tiriyay bishii Jannaayo sanadkii 1970 kii, isagoo jooga magaalada Muqdisho.

Intii kahoraysay sanadkii 1970 kii, jacbur iyo riwaayada raadiya mooyane gabay dhoodaan kama uusan siidayn jirin raadiyaha Muqdisho. Gabaygii ugu horreyay ee dhoodaan ideecad ka sii daayo wuxuu ahaa gabaygan Tusaale, oo ideecada magaalada muqdisho laga siidaayay bishii jannayo 1970.
-----------------------------------------------------------------------------

Inaan tiriyo geeraar markay toogo iiqabato
War taariikhahaan fiiriyaa saacaday tahaye
Kolkii uu teembadii iyo wakhtigu kay isugu tooso
Halka tuhumadaydu jirtaa gabay ku toogtaaye

Saakana midaan taaban waan sii tilmaansadaye
Tulud baratay laba geel dhurwaa suu tafta u laaco
Awrkii tagtooy ahna libaax suu u kala tuuro
Ama tuug dharaartii la helo saan u turuq goyno

Ama taarkii loo dhigay dawaco say isagu taagto
Ama taqalka qoortii la sudhay say u tananayso
Dabeed habarta naysheeda tabi say tib ugu boobto
Taariikhda saas ah oo miyiga taallay waligeedba
Tabtaas oo dhan ooy tahay baad wada taqaaniine

War maahmaah tisqaad ah baa jirtoo aanan talaabayne
Murtideenii toosnaydna waa in aan tixraacnaaye
Ninka yidhi qof tiisiii dayacay tallo ha waydiinin

Qayrkaana wixii u tabcado taranso oo yeelo
Tubtuu mara lahaa iyo kolkaa wuxuu tilmaamaayey
Waa qaryrkiin ha tuugina macuhuu taaban hadalkiiye

Dhagaxse taabashiyo tuujin iyo inaad tantoomayso
Saddexdaa midaad ula tagtaa waa isu taage
Nin wixii la toosani mid unbuu tuur la leeyahaye

Oo waanada abuurkaa tirtira oo ka tabar roone
Qofka aan tirininse maalkiisu waa wada tasoobaaye
Maradiisa kaan tolan dhaqsay uga tifmaysaaye
KA tashiilan waayana ma dhalan suu ku taajiro e
Anoon toobiyee hadalka iyo tooxsi uga jeedin
Taasina runtay inay tahay baad wada taqaaniine

Tafaraaruq nimuu gaadhay oo bari tabaaloobay
Rag murtida tafniidaa wuxuu jeer kasoo tabiyey
Dadkaygu baahi buu talaf la yahay waana caydh tubane
Tartiib xumana maalkaygiibaa teer ku baylahaye

I taageer oo gacalkayoow yey la talinaaya
Talankiyo ninkaa Xabashadii taxadka gaadhsiisay
Tacadi buu wixii mutaye uma timaadeene
In tabaabushiyo beeshu ay dhaqashadii tuurtay
Ooy waliba taab gaaban tahay idin tusaysaaye

Hadday shinidu malab toonsato oo meel tif kaga siiso
Intay tuduc walaalo ah tahay eey toobada u joogto
Geedaha taraxan kama naqaan mid ay ku taalaaye
Markayse talaqi guurayso eey balo taftaafayso

Tu waliba anaa talin hayeey kob isla taagtaaye
Markaasay dhawaaq tay odhan midiba taagteede
Xiinkeedi baa u taga dabeed cadow ka taag roone
Oo reerkay tigtiganaysay baa toobke loo guran e
Sidaan loogu turin baa dabeed wada taqaaniine

Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye
Ninkiise taag leh waa kii la yidhi tahar buu goostaaye
Soomalida taxaabkiyo tabciyo tuur qabsiga keentay
Turuq sheegadkeediyo waxeer lays tumaatinayo
War taashkeedii noloshaa intaa loo tartamayaaye

Dadkiise taag yaraan lagu arkaa tuubo loo ridan e
Soomaaliya rag bay tabi inay taabka galiyaane
Tuugiyo badheedh cayn kastay noo tamadiyeene
Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye
Taagtiyo tawaankeen haddaan badino towfiiqda
Itoobiya in ay ina tixgalin yaa tolaahayahee.

Buugga Garnaqsi
M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.