Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Abdullahi Macalim Dhoodaan

  Gabayii Takartii

Gabaygan mahayno sababta uu abwaanku u mariyay hadii aad hayso aama aad ogtahay fadlan noo soo gudbi.
-----------------------------------------------------------------------------
Caqli gacalkii toosaa fakara nolosha toolmoone
Maskax tacajibkeedii batayoo tamani ooyeysa
Oo cadha la tiicdaaba waa taydan oo kale
Tafantoof dadkeenuba siddii loo tafaafulayee
Tahantooge oo waa tabtay ii tawaliyeene
Ragbay wali tabaysaa hadday soo tircinayaane

Talalkiyo catowgiyo ilmadan iga tiflaynaysa
Siddii tiixa roobka ah waxay iiga tibiq laysay
Owr taabadiyoo daaqi jiray tooma doog bixiyey
Jirri inay taftaaftay baan arkaa dhiiga tey kalehee
Jirri inay taftaaftaan arkaa dhiiga tayga ahee

Tafta dhuuga miirtiyo huryada garabka tuutaysay
Wali dhabarkii kuma teedsanee shaarubteey timidee
Afka muu u kala taakiyoo timir sideed ruugo
Labadaba, aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene

Aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene
Talalkiyo catowgiyo ilmadan iga tiflaynaysa
Balaayadan I taabo leh miyaan toosin kari waayey
Taariikhda Nuur Jiir siddii looga soo tabiyey
Mar uu taakhirkaaygaa galay buu ciil tawaawacayee
Tanaa taxadka uga sii dhow oo tahan ka sii dheere

Inkastoo taxgalin ay rabtayoo tooxna lagu sheego
Tabar xoogu ma ahee ileen garashadaa taag leh
Tanfaraaraq mooyee hadday dhimato towfiiqdu
Tashi qeyro waydaa ileen taaba galin mayso

Rag hal taa ah toodii ka dhiga ama takooraaya
Tilmaantiyo markhaatiga ileen kuguma taageero
Tab uu laasahaaga u dhurtiyo tuugo nin u jeeda
Hurduu kugu talaaliye ileen toos ku odhan maayo

Maska iligta kugu tiifayee kaa turquday dhiigu
Tashaq micida kaa tidhi ileen kaaga turi maayo
Nimaan teerigaagiyo jeclayn toori aad xidhato
Tunbukh iyo ileen kuma yidhaa tobanle yaal iibso

Tukashada iblays kaa duwiyo toobadkeenimadu
Ma taqaanid mooyee ileen kheyr ma taban taabsho
Indha lagu turbaayaa ileen tuug iskama dhowrin
Tuxsadaada shiishaa ileen toogti lama seego

Taraan geel irmaan kii carrada igu tiraabaayey
Tuluda u tarmaysiyo ileen tooyad ma iloobin
Dadkii maal turaabta ah laheen taajirba ismoodin
Caydhuu ii tagaabee ileen kuma tabiinaysoo

War maansadu tastuur bay heshayee kuma taraarsiine
Waxaan toobiyeyniyo halkay gacan toglaynayso
Tuduc gabay ah uma taawiloon ama tix geeraare
Indhawaydba hadalkaan tidcaa waa tabaantabisee

Kana looma tixin saad hortii igu taqiineene
Tirtirsana tawaan uma hayee waan tartaarsiyeye ee
Siday haatan iga taagan tahay waa tol la’ayeeye
Oo takartaa maroodiga liqday baan soo tuf leeyahayee

Anna tiriyey maansee kuwaan ugu tayaagooday
Agoow tuubadii lagu jaqiyo talaxtagii moogee
Tatab iyo laxaadoow hadaad ii tukubi wayday

Taageeradadaan Allow tiigsan waligeyee
Taladay Arbaca toomantayoo taar Allaan diranee
Tubta nolosha loo sii mariyo toorahaan damacnay
Tugtug rooni ma ahee Allow noogu tali guusha.

M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.