Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Abdullahi Macalim Dhoodaan

 
Gabayii Halgaad

Dhoodaan isagoo jooga magaalada Addis Ababa, dabayaaqadii sanadkii 1979 kii, oo galabtaas ku qayilaya Hotel Harar, ayaa waxaa qolkiisa ugu yimid nin ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Soomaaliya, ee intii ay dhaawacmeen goobihii dagaalka lagag cararay, ciidamadii Itoobiyaan kuna ay qabteen, markaana magaalada Addis Ababa ku noolaa isagoo dhaawicii ka bogsaday. Ninkaas sargaalka ahaa waxaa magiciisa la odhan jiray Dhamme Xuseen Jaamac.

Markii waxoogaa Dhoodaan raggii la fadhiyay ay sheekaysteen, ayuu Dhoodan tiriyay gabaygan "Halgaad". Sida uu Dhoodaan qoraha Buugga Garnaqsi usheegay Mohamed Gurxan. in uusan Dhoodaan raali ka ahayn in uu tiriyo gabaygan, hase yeeshee cadhadii uu ka cadhooday sidii foosha xumayd ee ciidamadii Soomaalidu uga carareen dhukii ay qabsadeen & dadkii dhulka daganaa ee shacabka ahaa waxyeeladdii xoogga lahayd ee ka soo gaadhay cararkaas, ayay ahayd sababta ku kaliftay in uu tiriyo gabaygan.

-----------------------------------------------------------------------------

Rag hawaystay qaar kale hantidood oo habaabinayey
Hindisay wateen lagu hirgalin himiladoodaase
Wax la yidhi habeen niman dhac iyo bowdfur ku heshiiyey
Hayin reer intay xadahayeen ama horweynkooda
Hablahoodii qaarbaa hurwiyo hello sii tumaye

Hadda waxaa hilaadeed ku yimid ama hannaankii leh
Soomaaliya intay ku hamiyeen say u hano qaado
Iyagoo markaa nala hubsaday dawladii hurudday
Xafiis iyo hareertana ma garan hogagii xeeleede
Markay horror kasoo hoyo tidhiye haasta nagu qaaday

Hoboow heeda waagay tuntaye nagu hilaabowday
Hiyi kaca danaysiga aheey nagu hanqaaraysay
Hal-jir iyo nin harag dhoofsadiyo beer ku haramaysta
Habarwacashadoodii intaan laba ka haasaawin

Hawhawdii Xamar ee sidaa noo hawadinaysay
Hantaqa waa markaan ugu dhacniyo goof hadoodilane
Huf iyo been hadh kaga saar ah bay nagu hungeeyeene
Hoheey waxaad habheebta u gasheen waa isku halayne

Dadkeenii hayaamayee xagaa loo habqaminaayey
Waa isaga hanbaabicin jiree waxa u hooseeyay
Hanbooriba inay nagu wadaan oo hurgumo jiifto
Oo halaag Soomaaliya tihiyo halis inoo baaqday
Lama hadin hubsada ee aayar baa loo hogaansamaye
Hoheey waxaad habheebta u gasheen waa isku halayne

Haligaad inay nala damceen had iyo goor taagan
Hingalahay dadkeena u xidheen haatan ood aragtay
Wali hanuunsigiyo beentii bay daba hublayn qaare
Rag haydaartadeenuba u tahay halabadii guusha

Hamhamtiyo warkoodii aan jirin kama hadhaysaane
Hoheey waxaad habheebta u gasheen waa isku halayne
Keenaa hulaaban baydin hodoo hiiqin waligiise
Markaasaad hadhuub caano iyo hilibba siisaane

Hararkiyo darmana loo gogloo hadhacaad waabtaane
Hadhuudh iyo qaxwana loo karshey habacsan dhay geele
Ragna habadka waxa nooga dhigi waa hangoolada e

Hubkaad sidato badow haysta iyo hoorri kugu dheelye
Isagoon hallaba kuu ogayn jaahil ku halleyay
Oo idiin hanjabayaad waqiin u habranaysaane
Hus baad odhan lahaydeene waa leys hagranayaaye

Hadhowto iyo Soomaaliyaad haybadda u siine
Hiiraan iyo Hargaysiyo asgari dhaafay hilinkooda
Oo haadkaagii soo galay markaad hiil u daydayato

Haladaad haday nagu tumeen hubanti waad siine
Hobyo iyo hadday tuuga Xamar idin halaakaysan
Halkana qaaqlihiinii ka tagay lagu hagaagaynin
Umad hoogi baad ila tihiin huuti yahay baase

Garashiyo haddaad hadur ka tahay maamul heer sareba
Gobonimadaad haabhaaban ee lagu hadaaqaayey
Haddaan hororba laga waabiyeen kugu haliilaaya
Maba hanan karayside maxaa taana laga haybsan?

Hayeeshee haddaad ku hamidaan hodonso ciidaada
Halyeynimana lays bidahayood haysan kari doonto
Hanti waaba lagu leeyahiyo hoo adays ka lehe
War heelada iblayskaa mindhaa idin halmaansiine

Muqdishadii habeediyo qalbiga haarufta u yeeshay
Hanbaggiyo war ay kugu qubtaad hooy u leedahaye
Haloosiga Af-weyniyo jinbaad la hidiwaasteene
Wixii idin haboowshaa badhkiin sii hiigsanayaane

Hagaga looma baahnee haddaad hubanti doonayso
Xukuumadaa haraadka u bakhtiday way hantaaticiye
War hawl yari dhulkay maaganayd inay ku haaneedo
Ee habeenno shicibkii lahaa lagu hor maalaayey

Inkastoo dad yari howd galay oo taagii hudinaayey
Halaqiyo hangaralahuu dirtiyo haramacadku waashay
Humaajooyin way nagu dhufteen haayirka i boobay
Hollin ma aha koobaade way nagu halaaqeene

Annagoo habsoow nagu dhacayoo hiil isaga baahan
Hanadadii Ogaadeenya oon waxba iskuba hawlin
Horusocodkay noo soo dirtoo haaligaa yimide
Horimada malaysiyada iyo wiilashii hudmaaye.

Buugga Garnaqsi
M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Home

Free Counter
Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.