|
Gabay Falaadkii
Horaantii sannadadi todobaatameeyadii markii jahawareerka
siyaasadeed ka taagnaa somalia ayuu tiriyay Cabdullaahi Dhoodaan
gabaygan, wakhtigaas wuxuu gabaygu aad u diidanaa, aadna u
dhaliishanaa siyaasadii dawlada ee giraanta ahayd.
-----------------------------------------------------------------------------
Falaadkii adduunyada haddaan fiiro ugu laabto
Ilaahay farsamadiisu waa ta ugu fiicnayde
Eegana haddii laga fakaro say u fududaatay
Fasahaaad inay gaadhay baa laysu furayaaye
Waxse kuma fillee meel xunbuu fallagii haystaaye
Fahmaddii wareer baa ku dhacay faylasuufiga ee
Garashadu markay foorarteey faalo dhimataaye
Kol hadday finiish iyo fanaash geed walba u fuushay
Danba haatan kii faalin jiray woow fadhiyi meele
Fooruhu ayaantuu kacee fiintu ciyi wayday
Fiidmeerta shaadhkii maxaa looga wada fayday
Caanaha falleedha leh maxaa loogu fura gooyey
Isagoo faraadhyo leh maxaa udubkii loo fiiqay
Fongor buuxda sowtii lahayd fanaxda yoow jeexay
Ragaad bay fadhaayeen shantii wiiga fooraraye
Kuwa falanfalxada maalayaa ha isu fayteene
Beertii faraacida haddii faashka lala seego
Qudahay fajaastee biciid ma u fangali wayday
Fiddidiinka cawshaan hadduu fiidkii soo tagaye
Wayba faraxsanaayeen kolkay ceebta fuliyeene
Kii u feedha buurraa sidday Faadumo u diiday
Fanacowdu qaarkood armay ficil darro u gaysay
Shirkii dooda culus faanbiyee dooda kulul faagay
Fagaaraha dhaxdiiseey dorraad kala faqaayeene
Arintaa fadhoociga ku jirra yaa fashilin doonee
Fardo gulufa bay fuushan tahay oo fariin wada e
Hayeeshee ninkii fiirsan jiray faalkii garan waaye
Feedh bay ciyaar ugu jiraan fuusto riixyaduye
Gugii furuqle fooxay shideen qiiq fatahi waaye
Hilibkii fantada loo karshaa xuudku faanbiyeye
Jinni fuudkii laga daadiyoo fiixdi laga boobye
Sheydaankii fuuqsaday waxbaa foodda kaga yaale
Kuma jirro findhicilkaad ogayd foolasha iblayse
Waxaa faanka lagu eedayaa faarafaaraha ee
Farsamooyin adag bay dhashaa fookanayntuba ee
Falxad bay u haystaan wallee gaal fashiista ahee
Doofaar finaaqeey hadhow furar ku maaleene
Wataa subaga faarka leh cuntee faraxal yoow dooni
Iyadoo fidoo kala baxdeey qaar u fidhayaane
Fayoobaanta Eebow kariyo inuu furdaanshaaye
War faa’iido waa tii Allee ha I fadqalalaynin
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|