|
Gabayii Duraaqsi
Wuxuu tiriyay Ha-abuurku gabaygan dabayaaqadii sanadkii 1980
kii, isagoo jooga magaalada Diridhabe, markii ay soo gaadheen
gabayo silsilad ahaa oo loogu magac daray "Ergo Daarood"
gabayadaas oo ay ka mid ahaayeen kuwii la odhan jiray, dood
nin leh dood abwaan & durbaan dhiillo.
Isagoo u arkay in gabayadaasu aysan ku haboonayn xiliga doorku
yahay maanta, aaminsanna inay durbaan dhiillo tumahayaan,
Soomaalina isku dirkeed iyo kala dilkeed inay ka shaqaynayaan,
Wuxuu kaga jawaabay gabaygan uu ugu magac daray "Duraaqsi"
isagoo rumaysan in qolyaha soo gabyay ay u adeegayaan taliskii
Maxamed Siyaad.
-----------------------------------------------------------------------------
Daarood Ismaaciil sidii deero kala yaacye
Mare lagu dareershiyo falbaa deegta loo sudhaye
Waryaa Daarood Ismaaciil aheey durugtay ceebtiiye
Falastiin halkii lagu dagaan daaqad ka arkaaye
Iyaguba darxumaday qabaan dar Alla ma ahayn
Dukaamadiyo beertii kolkii daarti laga iibshay
Ee dalkiiba laga saaray bay dibad u yaaceene
Yaa Daarood Ismaaciil aheey duruqtay ceebtiiye
Raggaa faraska doolaal ah iyo goolkiibaa dagan leh
Sharafteenii bay doonayaan inay dumaalaane
Yaa Daarood Ismaaciil aheey duruqtay ceebtiiye
Darajada walaalkeen sitaa waa mid noo dan ahe
Waxba yuusan deeq badan kusiin ama duubaax hooye
Hadduu kuu daraadana nin kale kaaga...................
Shisheeyuhu kol uu kaaga dido duubkuu kuu xidhane
Yaa Daarood Ismaaciil aheey duruqtay ceebtiiye
Haku darina diraceena go'ay kaa dudada taagan
Intii laysku kiin diri lahaa idinku daaweysta
Dubaaxdaad shisheeye u kadeen siiya doqonkiina
Yaa Daarood Ismaaciil aheey duruqtay ceebtiiye
Qofka duday waxuu ka duday doona xididkeeda
Nin rag ahi dudii kalama hadho geel hadduu dido e
Anna dooda maansada tolkay baan ku dumayaaye
Inuu daawo yeeshaan rabaa ubadka Darood e
Yaa Daarood Ismaaciil aheey duruqtay ceebtiiye
Gabayo sidaa u socda ayey ahaayeen Ergo Darood. Jawaabtii
Dhoodaan waxay ahayd sidan
Hoose, isagoo abwaanku su'aalo u badiyey gabaygiisii.
Wuxuu yidhi Dhoodaan:
Muqdishiyo docdaa gabay dhawaan igaga soo duulay
Gabay daallan aadna u dalfaday oo durqumi taan leh
Gabay dood abwaan loola baxay ama durbaan dhiilo
Oon kuba dareerayn xilliga doorku yahay maanta
Oo doola bay soo dardaray waanan daawadaye
Soomaaliya intaynaan u dagin teedi daakhiliga
Niman kiina darandooriyee gabayga soo duubay
Falastiin gumasigi dafaad uga daraateene
Dalka Yurub Israa'iil dajine xoog duldhige Naato
Uma dixan-dixaysaan agow waad ku digateene
War xoolaha damaankiyo sidii qalab dukaan yaale
Danbiil lacaga, doolar iyo dahab ma gooyaane
Dhulkuna ma aha daaqada dhar iyo daas qof leeyahaye
Umadaa cayda loo diiqayaa ma aha dawgoode
Ha iskana dulqaateen anaa xaal dagdaga siine
Soomaaliya ku soo durug bal aan dayno Falastiine
Dagmo, balad, in dallag beeratiyo daaqsatada guurta
Shacbigaan danqaabiyo dhex ool dira-diraa toona
Shacbiga isu deexdee kalgacal wada dalxaynaaya
Umadaa wadaniyiinta eed dooni sharaf tooda
Walaalahan isdaaraynin ee ooda wada dayrta
Maxaa loogu doolaabayaa duhur in lays boobo?
Kuwase qaar falbay nagu dabreen cid u dareensiiyay
Waxna furdaamis bay dooni yidhi sixir la daandaamay
Danbigooda lama dhaafayaal waysku dilayaane
Soomaalina danteed kama hadline waa dariiq lumise
Kaa dunuunucaayow adoon duulal kale caayin
Adoon daala dhaaf iyo af xumo qaar dacaayadinin
Soomaalida dalka u siman adigoon kala dambaysiinin
War duuf iyo dhaleeciyo adoon ceeb dusha u saarin
Danbas aad ku saydhiyo adoon deeb marmarinaynin
Kaad durraamanaysiyo intuu deeqi hadal kaagu
Eed darood kusheegayso maad aayar daydayatid?
Dafdaftiyo maxaa meel kadhaca idin dabaalsiiyey?
Kuwiinaa dardaarmiye lahaa aafadii darartay
Ee Daarood sidii sheekh digriyi ugu garaar daayay
Ma tu laydin dirayaa dirqigu waa ba dooc kale?
Mise waa dubaaq iyo waxay damacday laabtiinu?
Xukunkii dakhaakhulay uunbaa show duraaqsadaye!
Ragga gabayga dirayow hadaad nabad ku doonayso
Ood xumaha diidoo samaan ugu dacwoonayso
Soomaalida maxaad uga duwdeen idinba Daaroodka
Dacdariyo dareenbey ogtahay dhiilo danantaaye
War qaylada dannaaniday anoon daalacba u raacin
Dad soomaliyaa wada lahaa calanka doogaayee
Maxaa keenay Daarood haday dowladnimo joogtay?
Hadiise dacayda loofuray qabiil sidanna loo daaco
Duntiyo kay wadaageen jinsiga ama degaan koo dhan
Soomaalidii aan Daarood ahayn dibad miyey aaday?
Mise roobab duufaanle baa daad iyaga qaatay?
Dadyowgii kalee Dir u badnaa tolow damiin yow ah
Kolkaanse baaqa loo dirin ayaga maw dardaarwarisay
Soomaliyi makala daah adkayn dayro iyo deeqe
Diif hadduu badh qabo reer majiro daranyo beelaaye
Dacatigiyo waa loo sinaa deexsi nololeede
Inta qaar ladaayacay miyaa gobol la baar daajay?
Dubbayn uga ma jeediyo macnaha sii dacaayadiye
Dabroo celi su'aalihii madayn ii dihnaa waliye
Dhulka waad kasoo dayriseen daakhil kiina ahe
Dildilaacintoodaan rabnaa wararka dihimoonee
Dakaniyo haday timid colaad lays ku wada dooxday
Dabbow duur gub hoosaa jirtiyo ollol dareemooye
War duumiyo, dabayl cudur ah iyo durrayga yaa beeray?
S-du haday dabbuur tahay D-dana eega lagu doorsan
Soomaaliya dabeed lagu badalo magacan Daarooda
Ma qabyaalad baa dami kolkaa sow dallici mayso?
Dayaxa Afrikaad baan nihiyo Xamar qabiil duugtay
Maba durugsanayn taa kolkay soo daldalayeene
Daarood qudha maxaa wacay inuu kaligii daaduumo?
Is durraamad kiinaa bixiyo dhawr dublaa jirada
Ku darsoo iblays darajaliyo doofillaa wadaye
Dhibaatada daryaantee sidii danab u yeedhaysa
Balaayada markii lala dardhaday dakharka yaa gaystay?
Ragiise loo dabaaldagi jiree Xamar ka doobyaaya
Inay nabada daanyo u noqdaan ma isku dayi waayay
Badhkiin eray duxluu noogu daray tii uu daabacaye
Waxaana maansadiina u da wayn doona xididkii e
Qofka dudaya duulbaw gafaye sheeg ninkii didiyay?
Dallanbaabigiyo oohintiyo ciil la dabandeebka
Sida lagaga duudsado hadaad wax u dabiibayso
Horta dibada maad soo dhigtaan kii danbiga gaystay?
Doxor iyo danaystaa ku jira dayrka reeraha e
Taliskii dakhaakhulay unbaa show duraaqsadaye
Idinkii duliga sheegayiyo dacarta kii qooshay
War Daarood maxaad uga dhigteen boqor dumaal yeeshay?
Hadiise maamul daadihinayaa dulin abuuraayo
Daalimiinta iyo daacadii ha isku duubina e
Kuwa idin dakhaakhullahayee ruuxba ruux dubo leh
Ee dhaardusmayn jiray miyaa idin leh Daarood dheh?
Dibindaabyadii laga cawdiyo dawgalkiyo eeda
Markaan dayay ujeedada ku dahan tiina dulucdeeda
Saw malihid Irrir baa isku dira qoladan Daarooda?
Hadalka qaar diciif kaa dhigiyo dawdar baa jira e!
Tolbaan dumida aad leedihiyo daawo maan xidhano
Haday malab dibnaha kuugu tahay qaarna wow dacare
Ma dalliil cadeeyaad i siin taa in lagu diirsan?
Mise doobabkay badin inay dacawada u loogto?
Daleel madhan ciyaar looma digin kaydun deydeyi e
Markuu didayo Daarood sidii deeradiyo cawsha
Dhaqankiyo dabeecadu ma ridin dayradaa culuse
Waxaan daayinkood horay u dhalan yaa dorraad curiyay?
Diilintiyo maxaa gubadka dhigay dagaladii beesha?
Xeradii dugsiya een lahayn diga xajiimaysa
Ardaagood dab weyn ugu shiddiyo dogob la soo jiiday
Haddaan neef libaax kaga dhex dilin amaan col duubaynin
Sidee nimanka deydey lahow geelba uga daatay?
Kolse haduu dilaamihii kacayo sii dardaro bowdka
War geelii dudada jeexayee dibadaha u yaaca
Ninka soo dabaal yidhi miyaa saamo dabo jiiday?
Haddaan waliba doocdoociyeen tiina uba daayo
Dayac tiridba how dacal ordiyo damici shaaleeye
Ma daryeela wawga dari dhay madaacuhuye?
Dumar iyo da’ waayeeshay iyo diliq caruureedba
Durduriyo bilaash kuma neceen dagalladoodiiye
Maba daqaqamaynine shacbiga yaa dagaajinaya?
Xagiinaba kuwii faras dalbaday ama doraad fuulay
Iyaba way kusoo daba socdeen kuguma diimayne
Waase daabad loo wada sinaa nin iyo doorkiise
Ragga calanka doolaab ah iyo goolkii baa dagan leh
Haduu iguday yidhi waaba daw inaad u daysaaye
Xil uu daadahayn karo maxaad kowdii ugu diiday?
Xoriyad doomanaysneyd intaad dawliska u ridato
Shubaal lagu daliiqiyo adoo maaxdii dawdabaya
Kolkaad doqonka Daarood tidhaah wada dibaax siiya
Soomaalidii kalaa dulmanoo daris ahaydeene
Miyaan diric kaleetiyo wadani daacad ihi joogin?
Duunyaba halkii lagu darbayn waa ka durugtaaye
Gardaro iyo daandaansi ba'an qoomkii lagu doontay
Hayeeshee dulqaataye idaa maanta dabadeed leh
Raggii dilay darbadahaa kolkuu waana daminwaayo
Ficil lala dirganayaa jiroo way digiigaxane
Ku danqaaday mid kibir diidsanaa waa la diriraaye
War Daarood maxaad uga dhigteen boqor dumaal yeeshay?
Daarood qudha maxaa wacay inuu kaligii daaduumo
Duq dhixiyo hadaad daanyo tahay ood dacwadi qaado
Dar Allaaban kugu dhaarin iyo diinta eebahaye
Dahaadh maleh cadaaladi gartee labada kee dow leh?
Dagaal waajib ma u yahay kuwii dhiiga laga daadshay?
Mise dabar go'ooday sugaan jeerkii laga daalo?
Oo way dagdagi baad odhan la isma daafoco e?
Dabci jaahil baan sii daniyi meeluhuu duriyee
Diyaar siduu difaac ugu yahee duurxul uga yaabi
Dulalaati buu dalaq odhan waa ma laydagiye
Kuwaa gabayga daranyayn jiree deelka fiirsadayna
Xigmadaan durduursiini waa kaga digtoonow e
Taliskii dakhaakhulay wakaa sii duraaqsadaye
Ka diidanee ku daran jiidhayoow dan iyo yeelkaaga
Buugga Garnaqsi
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|