|
Gabayii Dhugasho
-----------------------------------------------------------------------------
Soomaalidaan dhiidhiyay ugu dhamaynaayey
Dhan kastaba ha joogtee dadkaan dhiirigelinayaayey
Dadkaan dhiiga hoosiyo qalbiga wada dhalaalsiiyey
Runtii aan u dhakaabiyo dadkaan dhaabadda u sheegay
Dharaar iyo habeen qayladaan kor u dhawaaqayey
Ujeedada dhankii loo wadee layska dhaadhiciyey
Inta dhinac marsani waa kuwan garasho dheereyne
Caqligay ka dhaawacan yihiin waana shay dhab ahe
Oo dhaandhaamo baas waxa ka dhigay dhuuni raacnimo’e
Shaydaankay dheesha u tumaan wuu dhakaandhabiye
Umaddan dhabaalyeyn jiree aan u dhawaaqaayey
Dhabar dhabar hadday wax u fahmeen yaa dhibaato ahee
Dhaqankiyo asluubtaan macanaha kugu dhansiiyaaye
Raggiise aabbayaasheen dhalay baa dhaafay hadal weyne
Maahmaahyadey noo dhiseen midaan ka soo dheegay
Dhinacyada hadduu kaaga jiro nacab ku dhaylyaaya
Intaadan sacabadow dhigan lahayn nacab ku dhuudaaya
Si uu dhoomo inaad buuxsatoo dheregtay kuu moodo
Dhafoor xumiyo cadawgaagu yuun dhuubni kaa garane
Waxaaba loogu soo dhaashadaa dhuux sagaaro e
Markaad hadalku geestuu u dhacay sii dhadhamisaanna
Dhudhunkeeda taa lama lahayn dheef ka raadsade e
Macnuhu waa dhiggaa lama beryee ceeb ka dhawrsade
Dhirta iyo dabayshiyo dhulkiyo dheefta iyo ciidda
Wax dhulkeena lagu dheehay oo dheeriyaa badane
Inkastoo dhallaan iyo gabow ciidda lagu dhaarto
Dhaqdhaqaaqi meelaan casrigu wali ku dheereynin
Dhallinyaradii aan sheegaayiyo taan dhegaabinayey
Maskaxdaa dhan hadalkiina way dhihi yaqaaniine
Dhimir iyo garaad way qabaan fiiro dhumuc weyne
Oo qaarkood murtiday soo dhuftaan waabad dheygagiye
Dhabbahaan marayniyo libtuna waysku dhaw dahaye
Dhaqso horumarkoodiina way dhagagsanaayaane
Isxilqaanka noo dhimman maxaan uga dhabcaalownay
Dhurde ma laha dhuux iyo laf iyo dhiibsanow muruqe
Dhirtana waa ka miidduu ka dhuray lala dhamaayaaye
Intaan ubuxu dhadhin ee ku yaal laanta dhaladeeda
Ee uu mankuba dhaadan yuu tacab dhitaystaaye
Hadhow buuse wuxuu sii dhigtiyo malabki dhuuqaaye
Haddaan eegno dhuunyaalihiyo anigan Dhoodaana
Billow aadmigii aan u dhashaan yara ku dhaamaaye
Geedihii dhulkiyo hawlkarnimo igaga dheereeye
Aboorkuna dhareer iyo wuxuu ciid isugu dhoobay
Ee uu dundumada uga dhigay amuu u dheeraystay
Waa jidhacuu dhiilada ka qabay inuu ka dhuuntaaye
Haddaan cadawga soo dheelmadka ah la iska dhooroofin
Dhexda maalintuu kaa galee dhagarna kuu geysto
Dhirif iyo cabaad sida runta ah kaama dhiciyaane
Dharbaaxadu intay kaa fogtee soo dhabbacanayso
Lama dhagabsadee waa inaad dhab u dareentaaye
Markaasaa dhangado loo gurtaa dhaax la diriraaye
Oo dhawrta lays kaga gudbaa dhacamo waaweyne
Geedaha dhafmaa lagu yidhaa waysku dhoon kaniye
Dhig baan udub ku taagayoon ku xidhay shay dhegaatiyahe
Mana dhalleecsan hadalkii anoon sii dhubqaaliyine
Ruuxii i dhageystow macnihi waan ku dhaadhicine
Cudurada wax dhaawaca jirrada lala dhukaamayo
Ee sida dhinbiilaha dabka kaga dhagsiinaysa
Iyo gumaysi dhuug iyo ka daran baalcaddii dhagaxa
Oo inuu dharkaba kaa furtiyo dooni dhaxalkaaga
Labadaaba wixii kaa dhacshaa ma aha dheeldheele
Mid walba waa dagaal dhiif leh oo dhuubka loo daro e
Dhanka kale waxyaalahan dharaar nool idhaa taaba maan dhuganno
Dhakhtarnimo ka soo qaad bal waan kuu dhildhilayaaye
Caanaha dharkaynkiyo haddaan dhirindhir soo hoorsho
Oo aan dhammaajiyo ku daro xabagta dhiigsaarka
Oon dhiil xareediyo intaan dheri ka soo buuxsho
Oo daboolka aan u dhuujiyoon dab u dhardhaarreeyo
Kolay boogta dhaymo u noqdaan lama dhalliileene
Ma dad dhoohan baan nahay maxaan taa la dhugan weynay
Haddaanse laamo dhaadheer ka qodo dhuundhas xididkeeda
Oon xadhig dhan kaga soo xidhoon dhinac u laadlaadsho
Oon weel u hoos dhigo biyaha way dhidhibicdaaye
Inuu dhibiq tifleeyaba qoryaha waxa ka soo dhiiqa
Haddaan waliba dheecaan Mawiyo dhamstana u geeyo
Oon dhaal ku wada shiilo oon dherilo ka soo buuxsho
Inay dhabarka daawo u noqdaan way u dhawdahaye
Ma dad dhoohan baan nahay maxaan taa la dhugan weynay
Markay Uneexo rays dhaadhidee dharabka doogowdo
Dhawr geed haddaan soo rujoon dhamac yar taabsiiyo
Markay dhuudhi roortee humrigu dhidid ka soo daayo
Dhudhun lagu maroojiyo intaan xoog isugu dhaabo
War dhaydaan ka tuujiyo waxaan dharaq ka soo miiro
Kob dhawrsoon intaan sii dhigtoo dhababo oon huursho
Oon Jinow dhanaan iyo haddana dhoon Tobboga keeno
Oon tiina taa dhiil qarsha ah kula dhadoobeeyo
Dhuubaan kolkay soo baxdoo dhiin casuus noqoto
Qof dhilmaayo soo tuurtay oo kaar u dhimanaayey
Haddaan xidid sintaa kaga dhufto oon dhash! kaga siiyo
Dhaqso inuu bogsoodaaba way dhici karaysaaye
Ma dad dhoohan baan nahay maxaan taa la dhugan weynay
Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo Dhayga badhidiisa
Dhiqle mayna reebteen waxbaba yey dhurwaa diline
Dhiidhiitiida kama liidateen laygu dhacayaaye
Ma dad dhoohan baa nahay maxaan taa la dhugan weynay
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|