| Gabaygii
Daba la’a
Asalkiina hadal aan
dadnoo daahle inaan sheegno
Iyo ku aan daboolayn inaan dibadaha u saarro
Labadaa dariiq baa miduun dawga ku haboone
Markii docadocays loo waday daala dhaaf imane
Sidaa iyo darted maansadii layska daba keenay
Ma diidaniye qaar waan hubaa daw inuu yahaye
Hayeeshee badhkeed waa daleen amase deel-qaafe
Kama dhigin macnaha doodif iyo deero ka hal wade
Danbaaburiyo gaaraabidhaan fiid is dabayaacay
Danbas iyo wax nool kay yihiin daa’imaan garane
Dab iyo qiiqna waan kala aqaan saa duq baan ahaye
Deleb iyo shax labadaa mid baan dheel u degayaaye
Dixiyo dareemiyo ridhmiyo duurba kala jade
Cagaar roobkii dayr hore baxshiyo dogobna waa geede
Haddaan damal ku weydiinayood dhir isku duudqaado
Dur iyo daabacay kala noqdaan haysku daar toline
Ninkii awr dibjiray goobayoow duunyo hay odhane
Inaad doomanaysaan kolkii gabay la doonaayo
Hal duwaaya dulucdaad rabteen looma daawado e
Adoo xubinta sii daawaday oo tii macna leh doortay
Waa in midhihii lagu daabacaa ha is dabooleene
War maansooyinkuu diray Siyaad amuu dabayl raacshay
Ragga dookha Ina Ciise lee dumarada u heesa
Halkay daaranayd waa sidaa dulucdu Caynleeye
Mar labaad kolkaan dayo tixdii deel ku soconaysay
Kollay damacu waa fiican yahay oo ku diirsadaye
La durduri fariintaad lahayd xuurtii dalandooshay
Walow ujeedada duleed kaa dadaal noqotay
Waxaa jiray odhaah kaa dustoon laga digtoonaane
Doqonimiyo badow laysku sheeg oo dacaayad ahe
Kaftankii duleedada markaan taa isaga deyno
Daliil run ah markii lagu socdeen daacadda u baydhno
Diirdiiranaanshaba haddii loo dacwiyo manta
Amaan lagu danbaabayninoo beenta laga daayo
Taariikh aan dumayn baa u taal degalladeenaase
Siyaadoow dadkeeniyo cabsidu waaba kala duufe
Hundo Dixa dul iyo dooxo iyo duudo iyo laago
Docda Nogob ah togag soo durdura daacadii webiga
Hadday tahay dhul reeruhu degaan amase daaqeen leh
Ama dooggii haro buuxsantiyo ceel diraac-shubad leh
Maansada dhulkii daraf ka daraf Yuusuf kaga daalay
Dabdhac geesinimo loo qiraa waa intuu dego e
Geerina dadkeenaa ma jiro ruux ka didayaaye
Cabdi Walina aan kuugu daree tuu dareerinayey
Kelmad dalab lahayd buu yidhi oo waan dareensadaye
Dogob iyo gidaar kugu dumiyo daad ku jiidanaya
Naftu wixii dardarayoo kalay dhaax ka durugtaaye
Marse hadduu dad kula qayr ahaa sharaftii kaa diirto
Siday kuu dulleeyaan haddaad cadho la diihaasho
Adoo dibinta ruugiyo isagoo kibir la diidaaya
Darbad kugu gubyaa iyo dibtaa dacar ka leeftaaba
Waa inaad dubaha qaadatood kaga dig siisaaye
War duudkaaga ceeb saran iyo diilintiyo jaaha
Waxaaba duug roon ado meyd dafuufa ahe
In kastood difaacdo oo warmaha lagugu daaduunsho
Siday kuu danqaan nabaradaa diifta kugu reebay
Isagaba dilkaagaa u dhibiyo dakharadaadiiye
Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow waa dameernimo e
Daafidaanse kaa qubi kaa tidhee digirta siinaysay
Kama aadan daadinayn dheef duxliyo doobi caano ahe
Waaba digo ka saydh taasi oo darib u geedeeye
Wararkiinii daanyoon markii aan isla doondoontay
Rag dayuurad iyo taangi loo saam ku diriraaya
Oo ciidan soo dumi karoo dawladnimo haysta
Iyo qalab rag daydayan hayoo dalal xoraynaaya
Oon dunida loo sheeginoo doocba laga haynin
Oo hoosta laga duugayoon dibadda gaadhaynin
Oon deeq rasaaseed helayn daynna cidi siinin
Oo walo dakanadii maqnayd diilalyo u hayso
Oo dabar xanuujiyiyo hoggaan lagu dadaabeeyay
Labadaa dariiq baad miduun degashanaysaane
Dubaaqiinu suugaanta maag walise diimoone
Ina Biixi hooskii dayacay amuu kazoo dayrshay
Malaha wiil kun doofaarre oo maal dudada buuxshay
Oon weligii doog iyo abaar darar ka waayaynin
Inuu buur dilaacshana karoo xoog dardar ah haysta
Oo guurkii dacar loo marshayoon dumarba eegaynin
Doob-guun sidaasuu rabaa inuu duraantaaye
Yuusufna waaba dow inuu yidhaa da’ Allay badaye
Nin da’ yari hadduu soo tirshooy manso xagal daacdo
Daldaloolkii ay yeelataa laga dulqaataaye
Kuwa lala degdegiee dhawaan dilaya taariikhda
Haddaan madaxu idin daalanayn amaan la doorsoomin
Hal delagan maxaad ugu darteen waa duntii gabaye
Wararkiinii dayraa markii aan isku duudqaado
Haddaad dayr rimaysiyo haddaad been durdurinayso
Dabalaay inaad gugan dhashaa taladii loo daystay
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|