Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Abdullahi Macalim Dhoodaan

 
Gabay Alleh Bari

Isaga oo Hal-abuurku aad uga walbaharsan, Isbadallada dhaqan ee ku dhacaya dhallinyarada Soomaaliyeed guud ahaan rag & dumarba, & rajo xumada mustaqbalkooda, ayuu abwaan dhoodaan Ilaahay ku baryay gabaygan sida aad ka dhadhansan doonto. Wuxuu tiriyay isga oo jooga magaalada Hargaysa sanadkii 1974 ayuu tiriyay.

-----------------------------------------------------------------------------

Boqoroow Allahayoow adaa baaqiyoo jira e
Bari iyo adigaanay galbeed kula balaadhnayne
Sawaariikhda adigaan ka baqin oo iska soo baxa e
Adaanay bir orod dheer ku helin amase baabuure
Baylood cirkaa mari adaan buur ka hoos galine
Adigaa wixii aad burburin berina joogayne
Baryadayda ii yeel adaan kuu bandhigayaaye

Barashada cilmiga diinta yaan baafiyaa waliye
Masaladii la baadhoo dhan baan baal ka taagnahaye
In aad diinta ii badisid baan kaa baryahayaaye

Nin waliba bilaadiisa wuu barako maalaaye
Baradaydii gaal baa fadhiya buuran tabartaye
Mana badheedhi karoo ninkaa baaqsadaan ahaye
Inaad iga bixisaan rabaa oon kaa baryahayaaye

Boqollaal rag oo wada fadhiya badhaha suugyaasha
Oo turubka baandhayn hayoo adigu ii baaq leh
Oon baabka waysiyo salaad boqonta maydhaynin
Bogga naar inay dhigahayaan baabka lagu sheegye
Umad baylahda u diid yaan kaa baryahayaaye??

Bangi lacag ah geel badan rag loo adhigu uu buuxo
Oo aanay baahiyi haynoo lo'dii bowdka miranayso
Oon bakhaylnimo sakada barina dhiibaynin
Bogga naar inay dhigahayaan baabka lagu sheegye
Ummad bixisa oon diidin baan kaa baryahayaaye

Xeroow aan bilowgii cilmiga baran kitaabkiisa
Oo imaamyadii wada billaa balah u sheegeeya
Isaguna inuu baastar yahay baabka lagu sheegye
Barqankaa inaad bi'isid baan kaa baryahayaaye

Barbaar aan cibaada Alliyo Boqor adeecaynin
Oo baarka siinaay kalkii bal u budlinaaya??
Oo buuri nuugoo ilkaha dabarku uu buuxshay
Inay bohosha naar galahayaan baabka lagu sheegye
Dhallin aan ibliis bi'inin baan kaa baryahayaaye

Bogga kale haweenkiyo haddaan baal kale u leexdo
Iyadoon Billaaahi iyo Islaanimo ku buuraanin
Asturkii kolkii laga baxay bay sii burburiyeene
Waxay baratamaayaan kob aad uga ba'aysaaye

Boggaa qaawan bowdada cad iyo naaska badhidiisa
Barta xaluska kaga taala iyo bari dabkii gaadhay
Adoon baadhin baad heli kartaa booska uu yahaye
Hablo badanka soo wada qarshaan kaa baryahayaaye

Beeshii haddii aan wada marayoon baal walba u eegay
Biyo lagu rogyaa iyo Jibriil baalka mariyaaba
In halaag kusoo beegan yahay baabka lagu shegye
Bulsho kheyrka wada raadisaan kaa baryahayaaye


M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.