Search for:

 

Suugaanta Qorahay Online

 

 


   

Abdullahi Macalim Dhoodaan

Gabaygii Qalbi karbaash

Abwaankii buxuur ahi markuu gabayga baandheeyo
Bidili weeye bayd uu ka tagay ood bedeletaaye
Rag horaa bisleeyee halkuu gun iyo baar sheegay
Markhaatiga bakhayl yaanan noqon uga ba’aayaaye

Barkhad Casba sidduu Feberweri bacawnimo u saaray
Sannadda isku buuxda intay kaa dul bilanayso
Mid bay bilidu kaa foorartaa oo balaayo ahe
Midna badhaadhiyo khayrkii baa lagugu beegaaye
Bishan ay tilmaameen iyadoon dhawr kal barakownay
Mar ay laba tobnaad buuxsantay ooy barina sii dhaaftay
Birmadkiyo kacaankii dhashay ee baylah tiray ciida
Ee booli quutaha eryiyo kii shacbiga boobay

Ee gacal isbiirsada ka dhigay beeshii kala guurtay
Ee banaanka maatadii qubnayd beer cunto leh geeyay
Ee inay sirteenu baxdiyo baadi ka ilaashay
Ee baankii noo soo dhacshiyo waliba batroolka
Ee yidhi bilaash nama dhaqdee aan runta u baydhno
Ee yidhi xaqiyo baadhilkii aynu kala baadhno
Ee yidhi ninkii boobayoow joogso bi’i waaye

Ee webi butaacsada na yidhi oo baryada diida
Ee yidhi dhaqaalaha badh bay naga bulaayaane
Inaba beero aan yeelanee badar inoo shiida
Ee yidhi jahligu waa balee aan tacliin barano
Ee yidhi baryadu way xuntee beero aan falano

Ee boqol kun baadiye u diray oo buraashado leh
Raga bigilka dheer noo tumiyo madaxda noobaaqday
Barwaaqo iyo guul baan Ilaah uga baryeynaaye
Iyagiyo bishay noo kaceen waa wax loo bogo e

Haddaan nahay bad iyo hawlwadaag bacad kasoo guuray
Amaan nahay walaalihii la baxay tawrad barakaysan
Burgada saan baqoolaha filkeen baac u wada dhaafno
Waa inaynu boogtoo dhan iyo bararkii doonaaye
Dabeedna ay bogsootaa halkii cudur la buurrayde

Balan adag sidii loo dhigtay een daacad ugu baaqnay
Amase hawsha laysugu bartiyo barantanka u yaacnay
Bilcan iyo duq boosh ah iyo dhalaan ama barbaar wiil ah
Nin beerliyo nin baadiya jiriyo balad wixii joogay
Burhaantii aan soo marshiyo baaqii daba joogay??
Bayaan amarkii waataan u faray badhaxna ma ahayne
Laakiin bishimo gaabnihii dib u biqlaynaayey
Ee bariba nooca u ekaa haatan soo badaye

Burjuwaasigii ciil qabay baa buul madoow galaye
Hadba wuxuu mid soo buufiyaa amuu bilkeydaaba
Badhar jaad ah madax loo gadoo biir cabtuu helaye

Markaasuu barkimo u dhigtoo been ku duufsadaye
Basarkaa inay suubiyeen waxaa buruufkii ah
Ha bariidsan beec qaaliya iyo badaw cabaadkeeda
Barbar kale markaan fiiriniyo suu dadku u buuqay
Billaahi baan ku dhaartiyo Allihii baaqiga ahaaye
Gardaro loo badheedhi baa jirta oo laga baroortaaye

Shaqaaliyo reer balad qofkii bayr la garansiiyo
Madaxduna u baantaa xafiis wuu ka baygagiye
Xaq bidhaamay oo jira qofkii laga bacaad saaro
Wax baan kuu banaanayn haddii lagula soo boodo
Waa si ay niyada baariga ah uga baduugaane
Berri maxaan sameeyaa unbuu baaqi ku ahaane
Inkastuu bad qabay ruuxu soo dan u bukoon mayo?
Oo qalbigii budh weyn lala dhacaa soo burburi maayo?

Boqno gooye saas ah baa jiroo meel u baarqab ahe
Dhawr badatay iyo reer haddaad bahal ka oodayso
Bilcil iyo haddaad geed quwaax buuran ku adkayso
Dugaagii baruur cunni jiraa bawd ka soo dhiciye

Buntukhaagii fiicnaa adigoo boodhka ka afuuftay
Bariisada haddaad raadsatiyo waaga barigiisa
Cagta bagafsan meeshuu dhigiyo buruqdii kuusnaydba
Buur iyo dhul baadlaba intaad bixiso raadkiisa
Barbarkii dabayshiyo urtana aad isaga buusto
Isagoo bogga cadaynayoo geed barqadii jiifa
Intaad bidix kasoo toogataad balaq ka siisaaye
Sidaasaad libaaxii ba’naa kaga badbaadaaye

Kuwa baday dadweynaha sidaa amaan ka booyayno
Raggiina aan baqayninoow inaad baafisaa jid ahe
Oonu booca sidaad ugu dhagtaan baga nidhaahnaaye
Haddii kale baq dhay lagu daraa barradii noo yaale
Buqbuqood hadduu subag burcada dhali baxnaaneeya

M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Free Counter
Contact: contacts@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2005, All rights reserved. Qorahay Online.