Search for:

 

Suugaanta Qorahay Online

 

 


   

Abdullahi Macalim Dhoodaan

Gabaygii Mujaahid

Intuu horay musheekh naga daldalay ama masuul fiican
Ismaqiiqyo jeerkii hadaan dhuunta mudi waynay
Kolba intuu muftiga weerariyo macalimiintiiba
Oo masaajidkii naga dunshiyo mawlacoo idilba
Kolkii mood Afwaynow layidhi waaba mudankeene

Midabkiyo codkuu uga egyee ma'aha Soomaali
Maqsadkuu ujeeduu matali milayba waa nooce
Mana aha mu’minnee gaalka waad isaga malayseene
Muslinnimo Habaar-biiray baa muudsadoo cunaye

Musaliini baa u sheekh ahaa waana maafiyo e
Waa inagu maxaabsaday waase tuug Majuusiya e
Mufsid iyo basaas buu ahaa maakhadayn jiraye
Kol haduu masiixigii ladilay uba masayraayo
Masaafada uu galay muuji caawaba e??

Madfac kula tagyaa iyo shacbiga la isku madhiyaabe
Inkastoo miyiyo magaalaba badiyay mayd kooda
Makhnuudka makhluuq badan kadhigay muu'dal kiristaana
Wuxuu saaka marayaa inuu maydho diintaba e
Quraan kana hadaynaan mintidin wuu masaxayaaye

Mashqac buu hortii nagu dayiyo madaqsi xeelleede
Maqadhooyin kuu xidhay siduu noo mashquulinayay
Hadba wuxuu miiq nagu hubsado oo mus noo galaba
Iyo wuxuu maluugada rogoo xadhig maleegaaba
Ayaamahanba waa ka is mutaxay Ina-makaaryoose

Bal aan mihindis kaygii ku dayo inaan majiiraaye
Malmaloogii baa dhalay inay murugto hawshuye
Magaceena Soomaaliyeey wuu murdudayaaye
Waa inaan u miciinaa wakaa muusanawga ahe
War guul ma'mutihii hadaad kala mildhawdaane

Bal aan mihindis kaygii ku dayo inaan majiiraaye
Habaar ba'ayna madaxa ha isqoree malaha meexcaade
Wuxuu abidkii noogula maqnaa waa mu'aamarade
Sidii muuq wayn lagu lahaa waa midnimadiiye
Maqrib iyo mugdiga fiidka iyo muuni subaxeed ba
Muriidkoo madiixiyo ladiid mu'adimiintiiye

Mu'saliina salaad uma mohdee maarta ka cabsooye
Islaamkii mudici waa haduu gaal makaakiyo e
Naf aad mahadisaa kuuma hadhin kii Muslin ahowe
In mujaahid la isugu baxaa waa inoo madale
Mucdigaa Habaar-biiray iyo kii maciisa ahba
Hada inaan makalo goyno waa lagama maarmaane

Muqdishaba in lagu weeraraa maanta ku haboone
Mataa faraha beentuu hadhow macanjilayn doono
Maslaxaad markuu sheego ee hadal madhoodheeyo
Maqlimayno baa u taala iyo maya sagaal goore

Maraadkiyo mallees kuu watiyo muunyo uu diraba
Maqlimayno baa u taala iyo maya sagaal goore
Maareeye buul ah iyo wasiir loo maxlallayaaba
Magmagow sayaa iyo shaxaad daba manuus yaaba
Kolba qaar masuuliyad aan jirin lagu mashaysiiyay
Madiido u samee khaa'in kii macasha dheeraaye
Maqlise mayno baan leenihiyo maya sagaal goore

Bal aan mihindis kaygii kudayo inaan majiiraaye
Muslimkii xaqiiqada ahaa ways makaabsadaye
Masa garan Mareexaan wixii mawqif kooda ahe
Xog maldahani way soo mudhbixi maragna taariikhe
Mooraduugyo Soomaalidii dhiiga laga miirtay

Qoladaan mandabo loogu shubbin amaanse loo meerin
Iyo madax kuwii looga dhigay lana mihiib siiyay
Kolkay miirdilaacaysay waa moogan dabadeede
Soomaalidu mulkiga ay lahayd moodka iyo noolba
Mabtii iyo dadnimo dayda iyo mooshin dawliyada
Mac suruhu waaka lag joojiyee meehanawga ahe

Mareexaana waa gooni oo lala masayn waaye
Inkastoy u miidhaan misheen xaqii nalaga maydhaamay
Kolkay miirdilaacaysay oo moogan dabadeeda
Dadkaasay la meeqaan yihiin lagama miidheene
Musqaad kale hadii laga heliyo mugucyo dheeraad ah
Mareexaanka soomaali waa laga madhaayaaye
Lana garay muraadkooda iyo muxurtadoodiiye
Muddana waa inaan majiijinoo seef la mariyaaye
Markay dani minjaha soo xidhee uu mulindiyaynaayo
Ama uu macatabkii gooye ee maandhaw ku cataabo
Maqlimayno baa u taala iyo maya sagaal goore

Soomaaliyo Mareexaan kolkii aad isu miisaanto
Meelmadhan inay noqonayaan kama murmaysaane
Maryihii guduudnaa kuwii madaxa loosaaray
Muftiyaashi iidana ladhacay mootehiyo baaska
Ee boqol masiixigii u dillaan murugsan doonaaye
Mashaqada intaa le'eg haduu falay Mareexaanku

Malcuunkii Habaar-biiray bay midigta siiyeene
Maroorkiyo xumaatooyinkii uu macaamillayay
Dadna waa ka wada maagtay way is kala mukhuurteene
Wuxuuse u hormuudaaba waa moolki geerida e
Oo ma malakumawd kiini baad malabsanaysaane
Mardhaw waxaan filaayaa kuwaa dawlada ismooday

Inay magac yadoodii dafiri amay mamnuucaane
Amay niman Mareexaan ahaa ay midgaan qirane
Maslax iyo mindhaa Xoosh-kibroo laba madqaal sheegtay
Kola mudashaday kaa aqbali maanka yay galine
Salxaanoo madhmadhayaaban show biri masuugayne
Macdallaa maqaawiirta dhaaxa kii masruufsadaye
Maraykan iyo Carab kii tagiyo Moosko iyo Jayna

Ee qaba mag Soomaaliyeed miinadow dabane
Maraydayda qaar waa lakiis maati dooxyadu e
Waana mudh iyo deebaaq waxay mala bullaysteene
Isxaan in laga aqbalo maanka yay galinnin
Ama musaabaxaad laga aqbalo maamku qori waaye
Mardabaale waa inuu dhintiyo miila boob yaduye

Mitad diidki dheeraad hayaa wow mandadayaaye
Idinkiyo manqada kii siraa muufadii xadaye
Laadaa danbigu waw manaa maasuqiinta ahe
Masiifaha xun waran maylin iyo malag adeegaaba
Kursiguu miskaha saari jiray waa la maanacaye
Dabadeedna kii miliqsadaa loogu malaqsiine
Dadka kale marqaan haw dhashiyo mahadnaq Eebow e

Bal aan mihindis kaygii ku dayo inaan majiiraaye
Hadba waa tilmaan muxubadoon yaraha muusoone
Maskax waayo arag baa kolay maaxatoo furrane
Magrigiyo xusuustaa qalbigu mawjad soo kicine
Soomaaliba masiibada heshee kaga madluun siisay
Waxaa ka mid ah maqaarsaaradiyo minister beenaade
Miidaan qarisku waa magac-uyaal kuu magoogani

Masawir iyo waa moobayaal ama mayeedhaane
Maxbuus taliye lagu sheegayaa wuu ilmiriglayne
Haka suggin magdabin uu wanaag soo madaahibo e
Manqas buu la daba taagan yahay kii maqooradaye
Oo miinshaartii Habaar-biiray bay maylal ka arkeene
Ninkuu mudiba suu u lahaa mudaca kaasaa leh

Mid waliba inuu madi noqdoo kaligi meeraysto
Marxabeeya say ugu noqdaan wuu u maamulaye
Ooy maraga beenta u furraan maansolugalayda
Maradhaaro kala joojiyoo waa majaloseege
Anigoo sheegay inuu moolihii yahay gaal maliyi raaca

Alla magane waxay kaa martiyi maansadaan tiriyay
Mullaaxada dhankale ha u gadiyin oon mashiiqsado e
Uma gar amaanadaa jirtoo waan mudacayaaye??
Mucjisada Afwayniyi qabkii haba maquunsheene
Musaraardillaac iyo waxaa maanshoreer adag leh
Soomaalidu maraan iyo inay noqotay maansuuq e

Dhamaan teedna uu mehersadaa reer miskiin ahuye
Ma min sheegaba wiil kii dhashaa loo mashxaradaayay
Rag mutacalimiin iyo sargaal meeshidood gaba e
Askartii madfaca ay daddiyo kaarahiyo miiga
Ama kii maraaya badiyo qaybta minawaarka

Laga waa sargaal soo mudh iyo maahir geesiya e
Mid waliba malkhabadduu xidhoo wayska maarsadaye
Mushtarkaan isugu qayshaniyo suuq magaagyada e
Dibjirkiyo malaalliinta iyo maxasta ooyeysa
Iyo kii mucaaradi jiriyo ururradii meeye?

Mareexaanka eeda leh markii aan iska miihaaho
Maariin san dhuubanniba waa ruux mataanka ahe
Masaartiyo magliga xiirayaa ama mariid dhooban
Waa in lagu madkeeyoo dagaal ugu maliiqnaaye
Inteenii kaloo mid ah jahaad miigan aan u yaacno
Minjoxaabo kii nagula kaca amase miirshowle
Umadana muddaahano ku wada ee murkucinaaya

Ismul-maalig waa inaan ciyoon ugu marreeyaaye
Masuubiyo waxaan kuu hogsaday macadhar Eebahaye
Inta mi'ah mid uun laga dhimee magac Illaahay a
Toban miim ka kacayoon cuskaday lagugu miineeye
Murtidu waa Habaar-biiray iyo kuu miciinsado e
Wixii nagu maraardayan hayow madal ku ceebow e

Maskaxdiyo mariiqaba adoo madhan lagaa yeelay
Adoo moxogga uurtiyo wadnaha malax lagaa yuuqay
Minjahaad ku roortiyo adoy midigtu naafowday
Maalka iyo moodkaba adoo maalin lagu dhaafshay
Adigoo masruufkaad liqdaa dhuunta mariwaayay
Dhuunigii kuu macaanaa allow malaxdu kuu dhaanto
Afwaynaa maraaqiyo ku guban moobahuu shidaye
War ha maqaalufaysteen umaduu kala maqnaan siiyay

M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Free Counter
Contact: contacts@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2005, All rights reserved. Qorahay Online.