Search for:

 

Suugaanta Qorahay Online

 

 


   

Abdullahi Macalim Dhoodaan

Gabaygii Likaaco

Aadmiga hawaa lagu larbee waxaa u laacaaya
Kolba libinta qaar Eebahay waa u liilgaline
Qofna lurkiyo ciilkaa bartoo luun afka u mariye
Ragse laqan fariiduu noqdaa amase waa liide
Ana labada cayn kuma jiree laan badhaan ahaye

Nimaan luggi jabnayn baan ahiyo xooga lawyadu e
Hayeeshee lixaad kuma socdee laangadhaan ahaye
Madixiyo laabtay fayow oo xiskay ladane
Waxse kuma lilloobaane waan garasho liitaaye
Loog kama qadoo dheefta ways kaga ladaadtaaye
Waxaanse luumanayaa majiro amaan liqaayaaye

Anoon lag iyo darib quudanayn subagna leefaynin
Nin ladaadyo qabataan ahoo laqanyo haysaaye
Ma laafaalugdo xoolohoo waan lexejeclaystaaye
Anunbaa kuwaygana lunshoo loofar baan ahaye
Dadka sidii libaax dhiidhiyaan wadar u laayaaye
Hadbase kaanu wada looltanaa way lagdahayaaye

Soomaaliyaay liciif baad ka dhigi laqan ahaantiiye
Lac midka u yidhaa ceelashee laaska dhurayaaba
Ligligiyo wadaamaha kaluu gadawga laacaaye
Oo maax lo'yowga u dhurraa ama laxdiisiiye
Oo ladaadsi dhaankana xareed ligica siiyaaye
Taydana maliibaanahaa laayacaa helaye

Waxba liiga tagay yuu sarmaan ii ladqabatayne
Amase yayna lii-liijin say noo lingaxayeene
Loolida qarsoon tuug rasaas nagaga liishaanye
Waxba liigii tagay yuu sarmaan noo ladqabatayne
Likaacadan horteed baan ogaa leebbabka i mudaye

M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Free Counter
Contact: contacts@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2005, All rights reserved. Qorahay Online.