Search for:

 

Suugaanta Qorahay Online

 

 


   

Abdullahi Macalim Dhoodaan

Gabaygii Jare iyo Luuf

Dhallaan jariyo luuf dheelayaa amase leylaystay
Mid la yidhiye waxay looli waa laba ciyaaroode
Dhir bay labi galool wada yihiin kalase liil roone
Lammadaadi ilig sooh ah iyo jaro shan laagood leh
Isku ladhay leg iyo caynka oon liig madow sudhiye
Afka xadhigle way kala nuglaan luuntu waligeede
Gabayguna lud iyo dhuuxba waday laaxina u dheere

Isba ma laha waxaad leedihiyo laabatiyo seede
Kala liiday waana isku magac eraygu laakiine
Anna kuma laclaafee haddaan tuduc laqmaynaayo
Kuma daro naxwaha laangadhiyo weedh laleemo lehe
Waxse aan laba lagdeeyoo naxwadi igu liqdaaraydba
Kanay lahashadiisii soo riddiyo laafa lugudkiiye

Lahjaddiyo lisaankiyo codkay laabtu garanayso
Reedhyoowga soo lalinhayiyo laaqda iyo heesta
Lixdankii xornimaday heshiyo calankan laalaada
Soomaaliya intay luuqda dheer noo lalabayeenba
Qalbi lulidu waa xeelahay nagu lug gooyaane
Lilaahida warkaan moodno way nagu liqaayaane

Tabtay nagu lisaan waa anaa laanbad kuu hurine
Luflufaaga gaadhigu rartiyo lacagta soo duusha
Laboodkeena waxaan dhaafsaniyo lo' iyo geeliiba
Lurka iyo dhitaan quudaniyo xoolahaan lumino
Waxba kuma lilaynee sidii loofar baan nahaye

Soomaaliyey ladnaansho u noqdeen oo ladaab heliye
Oo waa kay ladaadyadii nimcada laqanyo daacaane
Waxay nagaga liibaanayaan looxa beenta ahe
Lohloh iyo mardabaday gashee libinta noo diida
Liddinimada taasaa ugu wacan leedda fuulka ahe
Markaasaay na looyaamin ooy nagu likaacoone
Wax lafteena ruugana iyagaa noogu laad culise

Lubbi iyo haddaan sharaf lahayn way libdhinayaane
Waxay labac jirjirin baydibay nagaga leefaane
War dhaaxay na luuseen siddii laxam baruureede
Soomaaliyaay cadkaan laaci waan kaa libdhinayaaye

Adaa lahan qabee mooyi saad laalufka u dayne
Ku laqwide dadkay hadduu seeftii looshadaye
Ligligaanu qaban baydidaad libiqsanayseene
Luxluxa ay ku faa'iidayaan Xamar lamaankeedu
Lingax adag intaan kaga xidhnoo laama kaga oodno
Luqluq kama helaayaan biyood luumashana daaye
Lulumayntii horre waanu goyn ee rag laasimaye

Waliba soo laayada oo waad laba kaclaysaane
War leecaansigii maanta waa lee'ashadiiniiye
Mase jirin laxaad kiin ah ood nagu lagdayseene
War Xaylaa na loogaye duqii laalufka ahaaye
Lowyaha intuu naga xidhuu ciiddan laayacaye
Loolida markuu naga ridee laydhkii noo damiyey
Dalkanagoo lushaad kiini saa igu lifaaqdaane

Kolse hadday lucuumeen qofkii ma ihi luufluufe
Dibna nooma leeleelin karo baaq labeebuhuye
Soomaalidaa liciinka ah haddan liilin karayaaye
Lambarkiyo sharcigii aadmigay laad la dhacayaane
Xuduudkan ayse liiliijin waa limitka Baarliine
Wixii laydha soo gala xadka ee lugaha soo saara
Waa sidii libaax baadi helay inaan u laynaaye

Af-weynaa na liicshayoo sidii awr na leylyadaye
Isna waw larbaynaa si uu mar u liciifaaye
Labxashiyo walaalnimo dhintiyo laxawsigii beere
Laamadoodin maynee rag waa liifada u saare
Isu lexejecloon maynee waa inaan is laynaaye
Leeb sun ah Soomaaliyaay ragaad luuqa kaga saydhay
Ma ladaan xigaalooyinkood mana lulmoodaane
Casrigii laqmaday baa tolkood liili murugoone
Kugu ligan ladhkii aad badiyo laxawga jiifaaye

Adigana laqdabo waa ka duuf tooda soo laliye
Oo liishaana way kaa badshaan ama lihiin dheere
Kugu ligan ladhkaad soo badiyo laxawga jiifaaye
Rag leegleegsanahayoo maxaa liinbasho ah taagan

M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Free Counter
Contact: contacts@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2005, All rights reserved. Qorahay Online.