| Gabaygii
Isweydiin
Kolba warshadahaygii
oo waayo horre sheegay
Oo waayihii dhacay i iloowshaa waaba qaar heliye
Kol haddaan shalay wuxuu ku yimid milaygu waydaaran
Waldhan kabina waa u yaal haddaan waayo qaarkiine
Waa tanee sidaa aawadeed maqal is weydiiya
Sidii calanka wilicda ahaa wacanba loo taagay
Wiil iyo haweeneey dushaa lagaga weeraaye
Waligiinba Soomaliyeey wadar ahaantiinna
Wacdi iyo waxsheeg baad waddiyo waana abidkiine
Hadal lagu wardinayaan intaa weeye leenahaye
Qof kastaba wanaag bay u taal weedha uu yidhiye
Erayadii wacnaa dhagaha waa laga waraabshaaye
Waddan iyo wax qabadkii markaan dib isu weydiino
Waxoogaa intaan fiiriniyo suu wakhtigu yeelay
Wixii laysku wada waafaqiyo wixii is weydaarsan
Waa in lays waraystaa sidduu waajibkii yahaye
Walow laga wahsado howshiiyoo been la warinaayo
Wallaweyn wayiig haba dhex galo reer waqooyiga e
Wid dee ha is yidhaahdeen illaa woodkii berigiiye
Siimaba wafaysnayn haddana waajilaadduba e
Is waabwaabin fudud bay ahayd oo walaalnimo e
Waliba way wateen doodo gobol oo iswaansi ahe
Ha yeeshee waldaafyeynta guud la isma waayayne
Iyagoon wad kala eersan iyo weerar dibadeedna
Labadaba ku waydhooqsaday oo wiifsadaa helaye
Iswaaciidsi meeshay rabtaye horumarka u jeedday??
Wantatacoowba lama waayin iyo waytabaaqsaniye
Ballantoodii waafiga ahayd yaa u rogay weyda?
Arrimihii rag horre waa baxsheen yaa wanjeecinaya?
Yididiilo way waakataye yaa wajaaf mariyey?
Waanwaanta kama maarantee nabaddii yaa wiiqay?
Nolosha dooni inay waarto yaa waasac uga dhaartay?
Nafta sii waraaq wiigag jecel yaa udardaar wariyey?
Waaya-arag hadduu talin lahaa yaa wax fudud mooday?
Waddo horumarlay sheegataye yaa iska weecday?
Dadkan woohabaynahayiyo shacabkii yaa wiiqay?
Shaqaalahan wasiisigu ku dhacay yaa ka weyrixiyey?
Waraar hoose yaa qodahayoo geedo sare waabay?
Yaa intuu wadaagii qawaday keligii weel miistay?
Wiyeel ceel waddaniyiin lahayd yaa wir dhaansada leh?
Yaa irmaan waraabsiga tabcayoo kiisu wagab yeeshay?
Wadaamihii aroor kale sitana wabaxa yaa u diidday?
Soomaliya wayaakadii u tiil wagare yaa boobay?
Waxoogaayadii baanankiyo weelkii yaa madhiyey?
Qabiil uu ka waantooba yidhi yaa ku waliimaystay?
Waabeeyo shiil baa jiree wadhidan yaa geystay?
Kumaa walam xafiis weyn yidhi oo boqol u wiidaystay?
Wanbarkuu fadhiyey eexo yaa kula wareegaystay?
Wadiiqihii sharciga yaa duway oo luuq widwid ah rooray?
Walaa xawla iimaan la'aan yaa u wehel yeelay?
Waxyi been ah yaa soo maqlay oo wahab u sheekeeyay?
Intuu warar ibliis qaato yaa gees wiyila fiiqday?
Wadaad sharaf lahaayoo dhan yaa weylo koriseeyay?
Cadaaladdan wafaaqaysa yaa wagaradka u siibay?
Waalidkii xurmada loo ogaa woodhaq yaa u bixiyey?
Ummad aan walaac badan lahayn yaa wareer galiyey?
Qalbi wabadar kuma fiicanee yaa waswaasinaya?
Walbahaarka laga soo cawdiyo wahanka yaa beeray?
Weedhii Alliyo diinta yaa naga wadeeceeyay?
Wahaabigu run kuma dhaaranine yaa wallaha jiidhay?
Soomaalida widhiidhigu dhexgalay weercad yaw xidhaya?
Walaalooba waa taan maqlaye wadajir yaw diiday?
Sheydaan walhinayaa jiree walafka yaa oogay?
Wakiil madaxa yaa isaga dhigayoo reero wadhaf tuuray?
War qaylaa willane yaa dadkii waydan kaga yeedhshay?
Siddii waylo baadi ah maxaa kaga wadhaac siiyay?
Waraabaha qarsoon yaa noqdayoon ruux wajiga moodnay?
Dadkoo wii leh gaajana witigay walanqo yaa ruugay?
Waageeni badi yaa ka dhigay oo walleedh koriya?
In yar baa kuwada wiirsatee yawgu wacan beesha?
Waadi hadhac ah yaa laga fishoo bacad ku weeyeeyay
Wabi malab ah yaa laga fishoo sun u walaaqaaya?
Wanaag iyo xorriyad waa dadkuye walaxdii yaa qaatay?
Wareegto iyo durbaan yaa tun yidhiyoo walasaqo u dheelay?
Intii ay wilwilo boodayeen wiishka yaa sudhayey?
Waleecaadka yaa u laba rogayoo weehataye laalay?
Washakh laabta yaa kaga shubayoo waa baryaba ciilay?
Waddan caasi lama doonayee wacadfur yaa keenay?
Wirigwaarigtii xeesha Yurub waligii yaan daynin?
Garasiyaani wiil yaa u noqdiyo wariyihiisiiba?
Fariid waraca hoos yaa u dilay ama wareenteeyay?
Waqii siddii Kamaaludiinna yaa wadaraha u laayey?
Ma waayeelo jaajuuse yaa wiifin jiray Leego?
Wecelkii gumaysiga ahaa waliga yaa mooday?
Inaan waran la gaadnaan rabnayee wananka yaaw loogay?
Sirta niman walwaalaa jiree yaa warqado dhiibay?
Wakhti horre waxyeeladu ma tagin heerkan waligeede
Wigta qonofka dibirtuu rag waday wagagacdaa yeedhay?
Wax la is weheshan iilama ekee ways waddacitaane
Haddaan madax wakaaladi samayn amaan wasiir yeelin
Narsaallida wagdaha laa og iyo xuur wijiirida e
Dusha muxuu ka waandhooliyaa wuu wajaqiyaaye?
Runtii inaad wadnaha taabataan kuu sakaar wadhiye
Wadhafkiyo huluumbaha sidaa wax u warjeefaaya
Arrin lagaga soo waaqsan karo bal aan isweydiinno
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|