| Gabaygii
Higlo
Xasanoow higlada waan
arkaa soo hadoodilane
Celeen hamash ah waatii lahayd roobna wuu helaye
Had iyo jeerba waa lagu yaqaan higilka doogga ahe
Maroodiga hurdaa gedka u jiifo hadhaciisa
Hiyiguuse daaq buu jeclaa taana hidin waaye
Hanqaloocsay oo gaadhi waa xiid haraadanuye
Kaasay hangaralihii dhulkiyo habasna laaceene
Jiilaal hawaarsaday abaar laysku wada hiifay
Habar-adhi humraa soo dhaciyo hogo kaliileede
Hanqadh iyo hillaac baa xigiyo daad haraaciye
Dhagar heetisaa meesha ay ku hangalaynayso
Honboboro-libaaxeedda waad sii hannaan garane
Dab ay huriso waa la arki jiray digo hulaaqdaaye
Hudubaan khasaaraa ugu jira ciirta uu helaye
Dafo hiilinaysay ahayd taa hagooganiye
Haataadhus-laysaye waxay beeni huguntaaba
Hurgumadiyo maashiyo wuxuu nabar hafeeftaaba
Higashiyo waxay heedadoow ku hunbulaataaba
Mid bay huri hillaacyada bariyo hawda karameede
Haylaha casaaduu arkaa galowga heesaaye
Halabada bislaateey ogowd haadan socotaaye
Boodada haldhaagaa ka weyn haara faashadaye
Barruu haramacadkii dhaansanaa cowl hogaansade
Hareeri iyo galool saadambay caws huwanayaane
Huduf jiije kii doortay bay hadi ku saaraane
Nirig hadaftay iyo hooyadeed way is helayaane
Haddaan haraga haasaawihi kaaga wada hoodho
Harar iyo halloobiye mar iyo Helele meeshiisa
Heerahaad la taaliyo dadkii howdka kula joogay
Umaddoo dhan haysugu halayn kaasi waa hebel e
War suugaanta hano yaan adeer haybadaa lumine
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|