Search for:

 

Suugaanta Qorahay Online

 

 


   

Abdullahi Macalim Dhoodaan

Gabaygii Gocasho

Agoow gabadhkii qowqowle da'ay sahankii guureeyay
Geedi iyo nagaadiba mid way ugu gudoonsheene
Gobonimada way sheegayaan garanna maayaane

Godobtu uma soo waaridiyo eed la ganac haysto
Garashada baqaysiyo inuu geesi fulayoobay
Gabayadaan kusoo sheegi jiray gool xawariyoobay
Iyo guuguulihii faaliyee baalasha is gooyey
Garnaqsiba intaan kuugu daray geed ka fara weyne
Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

Tanood gudubto guul weyn in aad gaadho la arkaaye
Gorayadu ciyaartaa lugtooy galiso mooyaane
In ayna meesha gaynayn ta kale soo ma garanaysid?

Awr-gaal nabarkuu ogyahay la gagabi waaye
Gafarkaan la jiidaynin ee goofka lagu tuuray
Gunta dharo ka jeexnayd baruur gadowga loo saarye
Gaajada qamaamaysa waa u gaardaymo iyo ceebe

Fardo guul aroor iyo cokani looma kala goyne
Geelaan ceelka tubay looma darin gaawe maax kulule
Gargaar Eebahay baa la siin sharaftaa goomoone
Gudguduudkii waagaa u baryaye galabba ma ahayne
Qof walaalkii gaday meel shishaa laga ganaaxaaye
Gar fidaa'i lagu jiifiyaa kii baday gugiiye??
Gacal uu xigaalkood hagraday gocosho dayn waaye
Haddii awal gafuurkii xidhnaa jiitin laga gooyey
Gabayadaan kusoo sheegi jiray gool xawariyoobay
Iyo guuguulihii faaliyee baalasha is gooyey
Garnaqsiba intaan kuugu daray geed ka fara weyne
Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

Lib gadaanka saarnayd majirin ood u gaardidaye
Hashaan soo godlaayeyba markii layga gaagixiyey
Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

Gurmadaha run sheegiyo itaal beena geedada e
Gulufna raadkay hayaan waa curyaan daba gurguurtaaye
Godobtu uma soo waariddiyo eed la ganac haysto
Gabowgoobi inay soo wadoo laaska gudhinayso
Imisaan galbeedka uga digay waa gu'yaal badane
Wakhti aan gadoodaba dan baa iga guclaysiine
Aqoon dheer haddii lala gabado xeeshu gaasirane
Kolley mooyi sida loo gadiyey garashadaadiiye
Gargaar iyo gunaad igu dartaa kii ku gowracaye
Siddii wuxuu gandaal kuu sidaad daba gablaysaaye
Meel unbaad ka gaasirantihiin guulahay magane
Gagabada malihiina kale waa il-gabadhlayne
Miyan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

War gaaraabidhaankaa uu la tagay waa gugubihiiye
Xuunshadii guyaal badan fadhiday garaska baalkiisa
Goodaado inay raadgadoo good ku soo fidhiyey
Intaan idinku guubaabshay waad gama'sanaydeene
Waliba qaar gadaal soo socdoo geesaasa kaa bixiya
Ood cadho garaarta u dhacdoo kaa gilgilasiiya
Iyo gocondho kuu muuqataan goor dhow filayaaye
Waxba kama gadayn faaladaan jeer gunaanadaye
Tixda eraygaa gaashaaman een kaaga soo gurayo
Gedgeddiga saddexan baan rabaa inay gorfeeyaane

M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Free Counter
Contact: contacts@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2005, All rights reserved. Qorahay Online.