Search for:

 

Suugaanta Qorahay Online

 

 


   

Abdullahi Macalim Dhoodaan

Gabaygii Gar-naqsi

Cabdi Gorad garaadkii markuu gabayga saaraayey
Gablan talo adduunneey wuxuu ugu guraabaasay
Macnahuu ka gooraamayaan Biixiyoow galaye

Kol hadday garkaa iyo garkaa geesna qaban weydo
Inaad gebi dhacdaa way xuntahay ood galgalataaye
Bari iyo galbeed xaajo waa mid u gawaan raace

Ha yeeshee gadmaan doodifeey geeri loo dhalaye
Kurus gool sideed jira mar bay guduri dhaantaaye
Guduudane marbuu kuu noqdaa aar gaboodyo lehe
Gendi weheshad baa kaaga roon xuunsho guluc dheere
Gudcurkiyo cadadu waa midkaan gibilku saarayne

Gojooxada ka weynee guntiga lagu gufaynaayo
Iska gudub gantoobkeedu sheeg taana way gabiye
Ka gilgilo gantaal kugu dhacaa kaaga gu'i waaye
God-dhaw goori iyo gawracdii laysla garan waayey
Cilmigaan ka goodinahayaa taa ka guda weyne

Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase
Gucunkeeda maansadu halkay gacan-togaalaysay
War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay
Goljeex iyo madaaboow way helaan inay ku goobaane
Ma gartaan gibaankoo dhan iyo jaale goray-ciile

Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane
Gocorkiyo ardaa niijiyoow hooy gabaan idhiye
Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare
Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye

Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiye
Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dheh
Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan falaye
Gamuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisa
Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e
Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone
Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye
Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede

Giddigiin ka soo guda halkaa goor horaan idhiye
Adigaa garaad lehee Cabdiyoow nimankan gaagaaban
Guddoon waxaad u sheegtaa ergada kii aad garan weydo
Galoofyahow garaadkaa intaad gaar isula shawrto
Shaki hadduuba kaa galo adoon goolka dhalinaynin
Kubbadaa gabaacuulsan laad haw giraan-girin dheh

Tix gamuuran oo gaaban oo caynka lagu giijay
Waxaan arar gadaanka ugu sudhi amaan u guud saaray
Suubaan galgalineed kolkuu marayo geeleenu
Waa say awrtu ugu guuxdo ooy halo u goojaane

Gondadegay galshadii aan dhuraad galaxsan doontaane
Gorod iyo gammaan iyo lo' iyo xiliyo gaadiidba
Gabaahiir dad laga joojiyoo gaydh qabaan nahaye
Igadhkaan gandaalka u sidnaa gaagaxoo lumaye
Anna galalafkaasaan rabaa cidaan galaaftaaye

Galbi dhabadka ciil iyo guraan goonida u nahaye
Gaboodaha xajiinta leh jarcada kii aan kaga gaaray
Gofaniyo abees gaamuriyo weliba goodaado
Iyo gabaska waabeeyada ah hoosta ii galiyey

Goga junida kaan uga madhshiyo halal gamaareeya
Garaad-laawe moog waliba suu ii gabaanadiye
Golxaaliyo galaayuusna waa ficil ganbooleeye
Markuu caga gubyeysnaa ninkaan jaamaha u galiyey
Isaguna kabtaydii gubaan gacalkay moodaayey

Markuu geed koraayaba ninkaan badhi gantaalaayey
Isna laanta ila goynayaam gacalka moodaayey

Gabadhuu jeclaadiyo ninkaan gaarida u meheriyey
Isna taydii iga guursadaan gacalkay moodaayey

Gurgurshaaga kii aan u rareen gabanada u saaray
Isna kaygii soo gowracaan gacalkay moodaayey

Gacantii maroodiga ninkaan galab kasii daayey
Isna gaws libaax igu ridaan gacalkay moodaayey

Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey
Isna shalay gollida ii dabraan gacalkay moodaayey

Ninkaan xoolihiisii gudhnaa godol kusoo taagay
Isaguna hashaydii gujaan gacakay moodaayey

Galooftii madhnayd iyo ninkaan gorof u aabeeyey
Isna gaawahaygii jabshaan gacalkay moodaayey

Ninkaan cidhibta qodaxda uga gurayeen gunnada siiyey
Isna waranka ila gaadayaan gacalkay moodaayey

Ninkii aan galoolada ka jaray een gegidana u xaadhay
Isna gocondhi ii buulayaan gacalkay moodaayey

Garabgal iyo taageer ninkay Goobba iga keentay
Isna ganafka igu duugayaan gacalkay moodaayey

War gaaska iyo guutadu markay gabagabaynaysay
Ninkaan geela uga reebay een gaade ka ilaashay
Isna gulufka igu weeraraan gacalkay moodaayey

Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey
Ama gurro iyo ninkii aan guhaad goor walba u diiday
Isaguna i guulguulayaan gacalkay moodaayey

Ninkaan buurta guradeeda dheer anigu gaadhsiiyey
Ee gunteeda iga sheemayaan gacalkay moodaayey

Hadba gooshigeedee markuu libin ku geeraaray
Ninkaa igu garwaanlaystay baan gacalkay moodaayey

Garanuugta yaacdiyo ninkaan goodirka u celiyey
Een biciidka geeska u qabtiyo faraw gadoodaaya
Isna geenyadaydii didshaan gacalkay moodaayey

Sidaan ugu gadaanaa ninkaa looga wada giigay
Een geedankiisii noqdaye waxaa i gaadhsiiyey
Si aan uga gayoodaba adaa guuldarro i badaye
Gonda-gooye ma ahayn waxaan kuu gardaadsadaye
Nabsi guratay goor aad heshaba waana ii godobe

Maskii good ahaa iyo ninkii loo gar qaadaayey
Guurtida markii loo wacee taladii loo guulay
Cid gungaadha xaajada kolkii goobtii laga waayey
Waxay gocotayoo eersatayoo gabgabo u diiday
Waa masaartu xidadkay gashiyo gabankay aaseene

Nin ganiyo libaax waa ogyahay kii galadayaaye
Adoose goomanaadaa kolkay ila gudboonaato
Nacab aan iskaga kaa gudbiyo hiil gabaabsiye
Geeridii aan kaa celin jiraan gudin u soofayne

Garnaqsaday guddoonkiina waa nin iyo gaarkiise
Gadaafada haddaad odhan lahayd laguma gaadhsiinin
Ninkaa gebiga igu soo dunshayoow soow ku garan maayo

M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Free Counter
Contact: contacts@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2005, All rights reserved. Qorahay Online.