| Gabaygii
Furdaamis
Fadxi-Laahi kama quusaniyo
farad uu keenaaye
Anoo nabi fadligii Eebaheey noogu fududaynin
Waxaan kaaga faaloon hayaa xeel aan fududayne
Intuu finanka ciil iga baxsheen cadho la faadhyoomay
Fakaloolkiiigu gaaxday iyo murugadii faartay
Afkii nala fureeyiyo xaqii waayo laga faagtay
Fursad iyo wakhti baa ii dagmiyo goor fateelin ahe
Firaaqiyo rag saan kula falamo falagu ii keenye
Waxay foolataba eega waa haysku foodhido e
Run faseexad lagu dheehay baan aad u falanqayne
Soomaaliya fakaag waan u rabay loo furfuro buuge
Waxay fadhato xidid fiilo dheer nagu fogeeyaanba
Maantaan u fooqfooqyo goyn oon fujinayaaye
Faan iyo bilaash kuma lug go'o fulayna yeelkiise
Dagaal inaan u faytaa maryaha saaka waa faral e
Dadkay naga fidmeeyeena waa inaan furdaanshaaye
Waxaan kaaga faaloonayaa xeel aan fududayne
Amuur sida faleedh iyo dhega baan haatan faaqidiye
Waana laba farqiye tii horaan kuu fasirayaaye
Cadow taladii faahfaahiyoo fiiro badan yeeshay
Oo falaadha iyo tooridiyo waranba kuu fiiqday
Feedhaha markuu kugu dhuftee faysha kugu gooyo
Tumaatida fashliyo widididii kugu fashaaqaaya
Oo farsamaan aqaan oon hadhow kugu fayoobayn leh
Sidaa nacabku faro kii fishaa soo wax falan ma aha?
Faqa soo dhamaaday ee ogaan loogu fulinaayo
Nacas fooraraa yeela iyo ficilka doofaare
Fariid kamaba suurowdo iyo geesi fool adage
Rag fidaa'inimo sheegta oo meel facshara taagan
Runta anoo ka fuuryeeli waa inaan shir feydaaye
Markii aad shacbiga fuuqsatee dili fariidkaaga
Soomaaliyaad faa'iido u tabciyoo way ku faraxdaaye
Garaadiyo fuluus bay dabeed kuu fasaxayaane
Loomaba fadhiyin waa amuur xaal fashiiste ahe
Darajada faduusha ah waxay fadhato kuu siisay
Amay faraqa lacagtaad ku shuban kuugu fidinayso
War soow taa in laga fiirsadaa meesha kuma fiicna
Qofkii beero faagtiyo midkii xoolo foofsanaya
Faruuryahooda waxa kuu diree dhawr leh fanaxdooda
Ee yidhi lacag baan kuu fatihi ee jara inta u fiican
Firxad iyo figtiyo tooxsigiyo caydh la kala fiijo
Markay fudayd dadkaagu u madhaan eed firkaba goyso
Alif weeye waxay kuu fidshaan eed ka filataaye
Fadhato u shaqaysaye maxaad adigu faa'iiday?
War ma facaayilkaa baan anfaco kugu fadeexaynin
Falsafadaadiiba way kaa fasaqayaane
Soo taa in laga fiirsadaa meesha kuma fiicna?
Fanacowdu maxaa taa inaad fahamto kuu diiday?
Faraacida malayn ee waxbaa Eebe kuu fadaye
Kiina feeyigaadaba markay godad u faadhfaadho
Foodanna ka toogta idin tidhi keena tala fiican
War soo taa in laga fiirsadaa meesha kuma fiicna?
Oo soo fidaa'igaad sheegataa kaa fashilan ma aha?
Fanna cawdu maxaa taa inaad fahanto kuu diiday?
Faataa dhuglayntaa batiyo Xamar faduusheeda
Amarkaa xuneey idin fareen kiinii fulin waaya
Ee foolax-goodiga nacee diida reer filigga
Fikrad waajibuu helay qofkaa faataxaysanuye
Waxba nimanka fiidhoon anoon tooda sii fananin
Ragbaa xamar la fuulo u noqdiyo farasba qeyrkoode
Nacabka soo fangalayeey dhulkii uga fataalaane
Faliidh naga dhex duuluu iblays faagtayoo qorane
Filgin buu noqdaa iyo hangool kuu faraadhyo lehe
Fujaasadu markaasay dhacdoo fool la daray dhiige
Siddii falanfalxada dhayda iyo caano furar yeeshay
Wuxuu fiitanayn kaasi waa fuudkii hooyadiiye
Fujaan ehelkii lagu fiiqsadiyo waa fundhaal cadowe
War feenfeeno gacalkaagiibaa fiicni loo baraye
Waxay facalal kheyrka u tusaan waa fadqalalayne
Maansada farshaxan liiliyoo faarisaa wado e
Falkin weeye xaajadu ninkii fahan wareeroowe
Faleedh iyo dheg oo laba farqiya yaan mid faaqidaye
Ilasoco fannigii soo hadhaan kuu fasirayaaye
Dameer laba qof wada fuushan tahay ii fansaar ma lehe
Soomaaliya fakhriga haysta iyi fadha-madhnaanteeda
Dhulkeedoo fush iyo xaaluf iyo faaruq iyo xeeba
Falaadkoodii waa waxa ka dhigay kii falaagada e
Eey dunida sidii ruux fanto leh uga faquuqmeene
Amay qoloba fay ugu xidhaan fiidba waa dhinace
Markay dawlad shalay faaniyeen maalmo furin siisay
Fujuq laga xanaaqiyo intay cay ku foorariso
Fagaarihii la joogaba af-xummo tay ku figix siiso
Iskagama filaatee barreey faragad weydiine
Wadan talin fadaro maamuloo dani fadeexaysay
Doqon baw faxaaxsada waxbay kuu faraqayaane
Waa xukaamad fidhiqoowday oo loo fongoray ceebe
Madaxdaa adduunkii fajacay faasuqnimadooda
Falxad iyo rasuulnimo kuwaa sidii Fircoon sheegtay
Fasahaad intay nagu rideen oon fiinbabaa noqonay
Ooy firinbi noo yeedhisay bay firiq na siiyeene
Fadhfadhle iyo tuug kama cabsado duul fakarayaaye
Run faseexad lagu dheehay baan aad u falanqayne
War foocaaligaa beenta ah iyo Xamartan fawfaw leh
Faanoole sheegiyo waxbaan soo fatihidooda
Fujur iyo fashlaha wiiq leh iyo gabadha fiidmeera
Fatatooshka iyo heesahay faashle ku amaani
Afar fooq ha joogtee wax kale uguma feestayne
War fuuf fuuf cidla ah bay waddaa fookanays badane
Firdhin iyo balaayiyo inaty weerar nagu foogtay
Markay fidhadu duushay ee shacbigii gees walba u fiigay
Kuwaa fiitamiin naga dhigtiyo faanto la cabaayo
Ee shacabkanagii faasexdee nooga dhigi feefar
Fulaan fulaanto waa magacyaday nagu fideeyaane
Soomaaliya faceedaa yaroo looma fiirsado e
Fallise oo gumaysiba ka weyn aafaday faliye
Muqdishuu fadhoociba degiyo tuug fadlinayaaye
Falkin maayo hadal faasidoo layska faanbiyo e
Aadna waaban uga fiirsada faaladaan jirine
Intii ila fahmaysiyo ra'yigan wixii ku faayoowba
Markhaati baad sidaa iigu furi fulayna yeelkiisa
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|