Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online


   

Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza]

Suugaan-jecesha Soomaaliyeed iyo waliba dadka daneeyo magac-wanaagga Soomaaliya, kana damqada dhibaatooyinka dadka iyo dalka ku yimmaadda. Waxaan halkan idiinka soo gudbinayaa gabay aan ka tiriyay gabadh Soomaaliyeed oon kula kulmay magaalada Khartoum maalin maalmaha ka mid ah ay taariikhdu aheyd 23/1/2004. Goortaan gabadhan arkey iyadoo gidaar fadhido oo ilmeyneyso ayaan anna la ooyay gabaygan ayaana ku xaalmariyay. Waxay aheyd gabadh dalka ka soo tahriibtay ka dib markii nin jeclaaday ay diiddey, ninkaasna uu ugu hanjabay inuu dili doono. Waxaa inantan xadduudka Suudan iyo Ethiopia ka soo kaxeeyey nin Suudaani ah, ka dibna kaga dhuuntay caasimadda dhaxdeeda. Waxaan halkii uu kaga dhuuntay ugu imid anaa jaamacadda ka soo baxay oo rawaxayo. Waxaan ku tilmaami karaa maalintaas maalin muruga iyo ciil badan i qabtay. Shaarkeygii ay ilmadii gabadha ku daadatay waxaan dhaqi doonaa markey dawlad dhalato Insha'allaahu, haddaan ka hor dhintasa waan ka dardaarmayaa, Rabbi inuu igu simmaan rajeynayaa.

WAAYAHA

Haddaan dawlad leenahay, ma aad dibadgaloowdeene.
Dalshisheeya anigoo ku nool, haddaad igu dul-ooyeyso.
Diirkiyo jirkeygaa la guban, adi daraaddaaye.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.

Mid la daadaheeyaad aheyd, lala dalxiisaaye.
Doqon dhoohan baa kuu gafaye, xaal dag-daga qaado.
Iga daa ilmada Deeqaluul, waan damqanayaaye.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.

Nin dammiir leh kugumuu digteen, Dahabadhooleeye.
Adna maadan diideen Hibooy, cara daraaddeede.
Intaad dalamba' liicdaa, maadan dawaafteene.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.

Diihaasha ciilkaad qabtiyo, diiftan kugu taallo.
Iyo Deeqaluuleey danciga, dubaya laabtaada.
Daafaanahaan garan kareyn, dihashadaadiiye.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.

Doowdar iyo daciif baa ku dabay, doowgan saa tahaye.
Dab-ku-noolayaal baa kiciyo, dhiig-daldalayaale.
Dammiir ficilki Soomaali bey, diga ka yeeleene.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.

Duqeyntii Hargeysiyo, Hibooy cilimadii diinta.
Iyo diricyaduu dilay Siyaad, doorki taliskiisi.
Dagaal-oogayaalkaa ka daray, oo dadcunayaala'.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.

Dammaashaad aroos baad mudneyd, Dahabadhooleeye.
Dookhaaga adigoo calmadey, kugu dilaayaane.
Caqligaa dab laga saaray, waa ducufo-sheydaane.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.

Dibjir baan wax ka ogeyn, Hibooy darajadaadiiye.
Dareys iyo duggaal baa tihiyo, dihinti beereede.
Dabab badan adaa naga hayoon, kugu dulnaaxnaaye.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.


Ilmadaadan igu daadanee, igu dareereyso.
Qalbigaa I doorsoomayaa, Dahabadhooleeye.
Wadnahaa I dubaaxshoo, Hibooy waan dardhammayaaye.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.

Waayeel da'yari baa jiroo, laga dabqaataaye.
Deeqooy dhiggaagii hablaha, dalamba' weeyaane.
Dillaal iyo mallaal baa laqiyo, habardugaageede.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.

Xubna-dabacsanleeyeey, intuu dulan ku dhuudaayo.
Eed dacarta deebaaq qabteed, dibadda meereyso.
Dammac guur halkaasaan ku xiri, dawlad ka horoowe.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.

Doommaha haddaad sii kortood, Deeqa nabad dhoofto.
La dardaaran duulkii maqnaa, waa dammanayaale.
Dabuubteydan gaarsii, sidaan hadalka kuu deeqshay.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.


Doob iyo nindoor bey dilaan, namma daryeelaan dheh.
Waxaan doow isaga tuurayaa, diif ka cararkeed dheh.
Ku dacwee adduunyada, anaa kuu daliilfuriye.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.


Abwaannada dalkoodii gabee, uu damqanin uurku.
Ukhtiiyeey dareensii, dhibkaad daalac u ogaatay.
Farriinteydan daaboco, adaan kuugu dawgalaye.
U dulqaada waayaha, mar baa laga dabbaashaaye.

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.