Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online


   

Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza]

QAMRI WAA IGA XAARAAN.

Anigoo ah Abwaan maxe'd C/qaadir Daauud [Stanza] waxaan jiiftadan curiyay 10 July 1999. Waxaana kaga jawaabayay warqad ay hooyaday Safiyo Sheekh Alla u naxariistee ay igu weydiineysay bal inaan jaadka iyo sagaarka isticmaalo, kaddib marki ay dad beentaas u sheegeen, anna waligeyba wax balwad ah maleheen. Markaasaan maansadan ugu caddeeyay xaqiiqada jirta iyo inaan intaan noolahay isticmaaleynin maandooriye.

Qoraalkiyo warkaagii
weedhii qaaliga aheyd
qodobadii wacnaa iyo
hooyo qawlki aad tidhi
qalbigaaga ka ogoow
qayil iyo xummaantii
qolqol meerka leylkii
iyo qurun-adduunyaad
qarshadaa ku naaxdoo
sidii dirir-qayoodeey
nafta qiirogaliyeen
la qashuucay hooyooy!

Qaadkiyo sigaarkiyo
qalbi-dooriyoo idil
hooyo dhilliyo qoomkeed
qamri waa iga xaaraan
naagaha qarriban iyo
kuwa naaska qaawiya
diracyada qafiifka ah
qarmuusida ka doorbiday
ee quruxdi baayacay
qayirmee hubkii dhigay
ma qadariyo waligeey.

Anoo qeyb-jirkaaga ah
sagaal-bilood ku qalayoo
qoomameynta fooshii
dhidid kaa qulqulayood
qabanweyday jiifkii
qalqalkiyo harraadkii
kolba qar-iska-tuurkii
qabri-sigatay-aawgeey
Allaa quudka bixiyee
habeen ii qadkaagii
qaxar igu xambaartaye
haddii aan ku qiimeyn
waa qaran-jab iyo ciil.

Abaalkaaga qurub qura
anaan qaadi karinoo
quruumaha dhammaantood
qofna qeybi maayoo
inaa tahay mid qiro-weyn
quraankaa ku sheegoo
ammaantaad u qalantana
qormo laguma kooboo
qalin laguma saanyado
qudha-diiriyaayeey
qof-walbana ka mudaneey
qaraarkeygu waa kaas

Dadku kala qiyaas roon
kala qaab-hannaansane
hooyo-Qarad-haldhaayeey
qam layaal habeenada
gudcurkoo qammaamudan
qaar tagay siyoonkii
ayaan kugu qarwaayoo
qalbigaad ku laran tahay
sidaad iigu qoolleed
markaan dib u qandhuuftaan
qarracmaa ilmeeyaa
oon qammaandhacyoodaa!

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Free Counter
Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2004, All rights reserved. Qorahay Online.