| DAWGAL.
Gabaygan waxaa curiyay
Abwaanka da'yata ah ee u dhashay shacabka Ogaadeenay
Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]. wuxuuna
curuyay.
10/9/2005.
Nimanyahow da'dii gabay baryahan, maanan daadihine.
Waa kaan ka daaleen ka diday, xiray dabuubtiiye.
Hayeeshe'e dareen baa jiriyo, dhiillo dadab weyne.
Duullaan Tigree uu sidaa, galay dalkeenniiye.
Dabadhilifku Taaj bey xirteen, weyna doobdhabi'e.
Sidaa iyo darteed baan murtida, kaga diryaansiine.
Haku quusta dool soo lumiyo, Xabash duggaalkii dhe.
Sida geela Diilharo dagee, daaqa Gorayaale.
Oo in-badan doog cunoo, gammasha daaqaayay.
Oy xilli diraacihi tohoo, oon la dubayoobay.
Oy duhur cadceedduna tohoo, dhibida daansheystay.
Oo deeshay dhabarkiyo dibnohoo, dununuc reemaayo.
Oo daaqa lagu quustayoo, dul u hayaamaayo.
Oo dawlis loo labalisoo, dibinta laalaadshay.
Oo uu ninkii daajin jiray, hees ku darandoorshay.
Oo uu madaaluhu ka shubi, ceelki Daratoole.
Oo baarqabkuna doobbiyoo, soodhku dananaayo.
Oy diric haleelada ilmaha, dib u jalleeceyso.
Ayaan ololka deexaamiyaa, door walbiyo jeere.
Soomaalidu intey dirirsantehee, ey iswada dooxi.
Xabashidu intey nagu daldali, Faafan dacalkeeda.
Intey Dahabo-luushaan jeclaa, diracyo meydheysa.
Diihaasha ciil ey qabteey, dibadda meereysan.
Anna aan ilmada daadineen, daraf ka laalaado.
Dibnaheyga gabay deyn mayaan, daa'in abidkoode.
Gabdhaheenna dayax-nuurayiyo, dahab dhiggiisii'a.
Ee diirka Soomaaliyeed, diinna u Islaam'a.
Ee uu cabiid wali damciyo, daallinkiyo gaalka.
Shisheeyuhuna uu dalamsadee, uu darbada leefsho.
Dariiqyada wataa lagu kufsada, Deeqo-timmadheere.
Doomu wakaa ay ladagi, danabadeenniye.
Halkey Daawad daansheyn laheyd, laysku dacareeye.
Sideey reer tolkey damacsanyihiin, dawgal baa jiroe?
Intaa dogob abwaan ciillan iyo, digigixteydii dhe.
Waa dardaaran waayeel da'yari, dagitinkiisiiye.
Marna waaba duluc iyo murtiyo, ubixi deyreede.
Marna waaba waabaay dudumo, mudhiyo deebaaqe.
Marna waa daruur iyo gudgude, doogsin iyo keyne.
Marna waa hadhuudh noo dixiyo, dalaggi beereede.
Waa hadal dammiirkii fayoow, uu ladoorsamoe.
Dakharada dusheydiyo dulmiga, dhiiggan iga daadan.
Digashada shisheeyaha iyo, doogta iyo feedhka.
Dulmanaan waqey ahay abwaan, oo ma diirsadoe.
Nin la dilay nin loo duurxuloo, diidayaan ahaye.
Dam indhuhu waxey ii dheheen, diifta aan qaboe.
Da'deey kama cabsoodeen, haddaan dawlad leeyahaye.
Inkastoon dagaalamoon, feedhna darandoorshay.
Oo aan difaac-adag galoon, huray dadaalkeyga.
Fuley waa daciif xune ma noqon, ficilki doofaare.
Hayeeshe'e dad kaa badan iyo, daadku waa halise.
Dila doolka goortaan maqlaan, doorsamoon dhacaye.
Dareemuhu waxey ila gubteen, duul mashxaradkii'e.
Waddani daacadaan ahay, haddaan laygu diideyne.
Darajaale waan noqon lahaa, doorran oo mudane.
Dadku waxey ku faanaanba, waa dawlad-qarameede.
Intey Dalab abeer-guran taheey, daranyo tiiceyso.
Anna uu shisheeyuhu I dili, ama I daandaansan.
Dibnaheyga gabay deyn mayaan, daa'in abidkoode.
Dammanaanta Soomaali baa, laygu duurxuli'e.
Haddaan quwad da'weyn nahay, wallaan lay damceen jeere.
Dubbihii I gaariyo Cabdoow, dhiigga igu deylan.
Calan dihin haddaan leennihiyo, dawlad lagu faano.
Dumar kuma mashxaradeen, Bashiir dilitinkeygiiye.
Marun baan dalkeygii wacnaa, dib ugu naalloone.
Dawarsiga shisheeyaha intaan, daw ka dhiganeyno.
Dambiiliyo ma-diirnexe intaan, daba-manuuseyno.
Dalku waa dalkeenniye intaan, dibad u yaaceyno.
Daalaadhaca daadunkiyo intaan, wada dagaageyno.
Dab munaafuq uu shiday intuu, duul ku gubanaayo.
Dibnaheyga gabay deyn mayaan, daa'in abidkoode.
Nimanyahow dad daacada noqdoo, diinta ka xishooda.
Ducfigiyo ka dhiidhiya xumaha, diilalyada ceebta.
Diiwaanka qaatoo midnimo, aynu wada doonna.
Baadidoona qarankeenni dumay, oo iswada doorta.
Dagaalkii-sokeeyana markale, aan iskaba diidna.
Oon danaha Soomaaliyeed, wadar ku daansheyna.
Dood-gabay markii aan akhriyay, waan daliishaday'e.
Diiwaankii Dhagaafane, waan ku doogsaday'e.
Nabaddoon docduu iga jiraan, deeha leeyahay'e.
Abwaaniinta kii daacadaan, dariswadaagnaaye.
Haddii haragga diin laga baxshaa, noolahaa dubane.
Soomaali dulucdaa ka dhigan, oo kasii daran'e.
Allahayow abwaan diric ohoo, dood qabaan ahay'e.
Dakaniyo qabiil waan necbahay, door walbooy tahay'e.
Rabbow qaranka kii aan daneyn, uu durbaba dhaafo.
Dagaal-ooge oo idil Rabow, uusan darajoobin.
Dibitaati khaa'ina Rabbow, ay duumo kala goysa.
Aakhirana cadaabkii darnaa, naari ay dubato.
Daacuun Rabbow uu lataga, oo dam laga siiya.
Ilaahayow waddani daacadaan, kaa dalbanayaaye.
Rabbow roobka uu noo da'aa, deyta iyo kheyrka.
Soomaalidu dunuub bey gashaye, diinta ku hanuunta.
Kii dabin maleegliyo midkii, dawladnimo diidan.
Ilaahayow shil uu soo dagdaga, oo la dabargooya.
Dalaw-baas Ilaahow ka tuur, daallinkiyo tuugga.
Cudur aan dawo laheyn Rabbow, daakhilka u dhaami.
Dibnahana Rabbow boog ka gali, Daa'in baa tahay'e.
Rabbow duubcas ay noo kacdiyo, kuman daraawiisha.
Ilaahayow dabkaa huri bakhtii, dawladna iftiimi.
Ilaahayow dagaal laga badqaba, oo la darajooba.
Suugaantu waa dahab jiriyo, daacad hadalkiiye
Waligey ma doorbida inaan, duul ku weeraroe.
Hayeeshe'e dammiin-falan, ayaan kula dagaalaaye.
Da'yartana darsaan ugu dhigaa, kula dardaarmaaye.
Daafaane yeelkii hadduu, igu dabreeyaaye.
Doodwanaag halkaan kaga jiraa, kuu daliilfuri'e.
Da'yartiyo Abwaannada markaan, dunida gaarsiiyay.
Dalag maansadeydii markaan, galiyay diiwaanka.
Gacanqaad markaan daadahsheen, nabadda doonaayay.
U dulqaada waayaha markaan, dumar ku taageeray.
Amma Dawgal oon maanta qoray, iyo Dirir-qayoonaaya.
Dhammaantood dadkeygaan jeclahay, iney durduurtaane.
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|