|
DALAG
Jiiftadan waxaa curiyay Abwaan
Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza] waa maansadii labaad ee
uu hal'abuurku silsiladda DOODWANAAG kaga qeybgalay, waxey
soo baxday 7/8/2004. Maansadan la magacbaxday " DALAG"
waxey wacyigalineysa bulshaweynta Soomaaliyeed, islamarkaana
waxey taabaneysaa meela badan; sida taariikhda madoow ee shacabku
galay iyo burburkii aaladihii qaranka iyo adeegyadii bulshada
ay u geysteen waxmagarada iyo dagaal-oogayasha halaagga ay
horseedeen iyo sida ay wali bulshada u marinhabaabinayaan
una jahawareerinayaan. Waxaad miraha maansadan kala dhaxbixi
kartaa murti mug iyo xuf leh. Waxaan ognahay in diiwaanadii
deynta bangiyada qaranka iyo dambiilayaasha ay ku keydsanaayeen
la gubay laguna gaboodfalay, sidaas darteed maansadu wey taabaneysaa
weyna tibaaxeysaa. Balse maansadu hadda wey ka madaxbannaanaatay
Doodwanaag; haddaba akhristoow waxaan kaa codsanayaa inaad
ii suu gubisid sababta aad isleedahay maansadan Doodwanaag
wey uga madaxbannaanaatay iyo wixi suaal ah ee maansada la
xiriira dhanka miraha. Anoo sharraxaad dheer ka bixin doona
jiiftadan Dalag, hadduu Rabbi weyne ka raali noqda. Waxey
maansadu ka badqabtaa gaf iyo gabidhacleyn, naceyb iyo nin-jecleysi,
eex iyo aflagaadda. Wixi xummaan looga qaata sheydaan ayey
u sugnaatay. Ujeeddadaan u curiyayna waa wanaagga iyo wacyigalinta
walaalaha Soomaaliyeed. Inteeda wanaagsan Allaha nagu wada
anfaca ajirna Allaha iga siiya.
Maansooy dabqaad iyo
Dambas lagu gubtaayeey
Marna daran ugbaad iyo
Dalag iyo haruureey,
Marna dahab dhigaal iyo
Danab kararta deyreed
Guga daahfurkiisoo
Lagu diirsadaayeey,
Wabi biyaha daacoo
Dacalada jabsanayiyo
Dirir iyo dagaal iyo
Nafta dihashadeedaay,
Madaafiicda duushee
Qaaradaha duqeysiyo
Laayaan dhib daahsoon
Abwaan duurxulkiisaay,
Daganaha gargaaraay
Nindoor daahyadiisaay
Doqon macalinkiisaay
Duurjoog ugaareey,
Waagoo dillaacoo
Gudcurkii dabeeshaday
Ciryaamada la daristee
Caygaagta daharkaay,
Keyntii dammuugneyd
Deerada ku fooftiyo
Dalaandala ciyaalkii
Good lagu dagmaayeey,
Dabin iyo shirqool iyo
Damman loo maleeyaay
Dalaq lagu yiraahdaay
Dad ma wada daryeelaay,
Danjir iyo dammiin baas
Diblamaasi xeeldheer
Dabridkii nin foojigan
Dabajeexi Faalkaay.
Danigii asluubtiyo
Daadihiya qarankaay
Durdurkii walaalaha
Laisugu dummaayaay,
Daawadii dareenkiyo
Dakharada bogsiisee
Dikaan suulineysee
Doog lagu hilmaamaay,
Fardaan lagu dabbaashoo
Loo wada dalxiisoo
Dooggii hareeyiyo
Badda dacaladeedaay,
Dubbihii dul iyo gees
Fanka lagu daliigee
Lagu duluchagaayee
Murti lagu dambariyaay,
Shaxda dagitinkeedii
Dabin lagu ilduufee
Darguuraha farshaxankee
Daadraac u halisaay,
Gammaankoo dulnaaxoo
Dalcad dheer ka dagayoo
Galabtii la dabarfuray
Karin doog leh joogaay,
Sidaa tahay duq-waayeel
Amma Diinka gaatammo
Dib-usocod curyaan iyo
Daymagabe la moodyeey,
Sidii gummac diryaamaay
Sidii Miig u duulaay
Sidii Diir mushaaxaay
Sidii darar u maashaay,
Dirham dheeman luuleey
Darsi aan la baranoo
Rabbi noogu deeqiyo
Gabyaa dawgalkiisaay.
Intaa dogob Abwaan dhigay
Dammal iyo dhaxtaashii
Dalag dununuceedii
Dambasyaallo weeyaan,
Waa sahan dabraara'a'
Waa doobbi malab iyo
Deebaaji maansood
Iyo dawliskeedii,
Guluf soo dibjiray iyo
Dabran maanshaheedii
Dariiq maritinkeedii
Deylqaafna laga sheen,
Rabbi deeqle weeyee
Nafle doorsammaan ahay
Qabri baa dambeeyee
Waxaan ahay nin daacada',
Dareen-qabe ma aan ihi
Laabta daxal kumma aan sida
Nin qabiil diloodiyo
Dibirooti ma aan ihi,
Mana labadubleeyoo
Beenta kama dillaaloo
Qarankeygi dummay buu
Wadnuhu ila damqanayaa,
Shimbir duulayoon dagin
Dawakhoo wareeroo
Daalbururay daayacan
Doowdii ku horayaa,
Dihintii dhulkeenniyo
Kheyraadka doobdhabi
Waxa dahab ku daahsoon
Dib u dhuga isleeyahay,
Naftan dammacu waalee
Uu ninkeedi deyriyay
Dawarsiga ku nool baan
Daji naaxi leeyahay.
Waa maalmo dunidoo
Abid laguma daahoo
Waa nin iyo diiwaan
Nafta waa la dabarfuri,
Daliilkii xadiiskii
Haddaan dib u jalleecnaa
Ninki safar diyaarsada
Duluc lagu abaalmari,
Dawdhaafku waa halis
Waa qaran damsiiyee
Digtoonoow dadkeygoow
Shacabyahoow isdabaqaba,
Doqontaanan garaneyn
Halka lagu dagaayee
Ay doogtu kaga taal
Iyo daawadeedee,
Dulus dulustu waa maxay?
Kaladidintu waa maxay?
Iskudiriddu waa maxay?
Yaa dagaajay qarankii?
Ummad wada dambiila'a'
Ummad wada digtoorra'a'
Ummad wada dalaandali
Oo siina kala daran,
Nimman gabay dantii-guud
Ayax diirtay sharaftii
Ummadda u durbaantummi
Ma daahsoonayaal baa?
Maahmaah duug ahaa oran
Hadduu waagu daaloco
Sacabbadu ma daahaan
Danta meydun garataan,
Anaa daran dadkeygoow
Anaa dilan dadkeygoow
Horaa loogu daaloo
Dawlad laguma baantee.
Soomaali daacada'
Danwadaag walaala'a'
Iyo kaladambey sharaf
Iskuduubni muujiya,
Qoom wuu isdooxdaa
Dirir wuu collaabaa
Guluf waa isku duulaa
dibna waa u heshiiyaa,
Waxaansa iga daadagin
Dacar dhuunta ii marin
Darbiyadi la fiiqdiyo
Diiwaangubkii dhacay,
Waxaan uga danleeyahay
Hanti dagalku leeyahay
Duul sheegan karin baad
Soomaalaay dabsaarteen,
Dambi-qaran nin galay baad
Ka dhigteen mid daahira'
Raggi deynta qabay baad
La sinteen dadkii kale,
Murtidaan dalqada dhigay
Dab ku hurini maayoo
Wad baa iga dambeeyoo
Alle wuu I daalacan,
Danta-guud halkeedee
Danta-gaar markey tahay
Dakaniyo dhibkii dhacay
tanaasuul ha lagu daro,
Docda kale nindoorada
Doodwanaag shabbaaxoow
Ilaa dawladnimo wadar
Doontu wey shiraacnaan,
Anna daanta aan jira
Haddii laga dangiigsada
Amma biyuhu daacaan
Dalaaq baa korkeyga'a'.
Anigoon wax duugeyn
Waxna aan dabooleyn
Aynu hadalka duxannee
Sheekadan ku soo durug,
Deero Dawaco iyo Diin
Xayawaanno kala daran
Ayaa jeer shax wada dagay
Oo dood wadaageen,
Diin baa wuxuu yidhi
Bal aan noo duceeyoon
Inoo fura dariiqee
Ii hura dareemmaha,
Dawacaa waxey tidhi
Diidiin gurguurtoow
Waan diyaargaroownee
Ducadaada soo daa,
Dabadeedna noo sheeg
Waxaad adi daweysiyo
Doorkaad ciyaartiyo
Dabcigaaga gaarka'a',
Diinkii wuxuu yidhi
Allaha deeqda bixiyoow
Wixi ani dad ii xiga
Dacalmari balaayada,
Allaha deeqda bixiyoow
ka dabool waxyeelada
Dhibaatada ka daahoo
Dareensii halkii roon,
Ducadii dhammeeyaye
Dabcigeyga gaarka'a'
Aan daaqadeeyee
Faaqidaadda iga duub,
Magaceygu waa Diin
Dadweynaha badhkood baad
Diidiin ii yaqaanaan
Badi wey I dulshiishaan.
Dulmiloow ma aan ihi
Danteydaan aqaannaa
Qofna ma aan dandaansada
Dusaa maaxayaan ahay,
Durriyaddaan anigu dhala
Daymadaan ku koriyaa
Dadka kaadiyaan baa
Dusha laiga saaraa,
Dabadeed bogsoodaan
Dibjir imma ogsoonee
Dawo guuri baan ahay
Oo uu Eebbe soo diray,
Deeraa waxey tidhi
Diinoow ku duray ani
Dulmiloow haddaad aheyn
Dib u eeg warkaagii,
Haddaad tahay dariif wacan
Dugaaggu uu mid kuu yahay
Kuwi adi dad kuu xigay
Maxaad ugu duceysay?
Dawacaa waxey tidhi
Anaa daamurdhuuxoo
Kuu daliilin doonee
Dabcigaaga noo sheeg,
Deeradi waxey tidhi
Dabcigeyga Dawocooy
Dusheydaad ka aragtaa
Dhammidii dul iyo gees,
Xayawaanka daaqee
Duurjoogta ahaan ahay
Duleedkaan ku noolahay
Dooggaana quutaa,
Maalmaha dalxiiskuna
Naf la daawadaan ahay
Oo lagu ildoogsada
Dakhligaana kaabaa.
Diin baa markale yidhi
Yaan laisku keen dirin
Runta lamma duneeyee
Dabshid yuu nakala dilin,
Ducadeydi aan idhi
Wixi ani dad ii xiga
Waad igula daris tahay
Surun iyo dariiq madal,
Waxaan uga danleeyahay
Doog-quutayaashiyo
Kuwaan dilin dugaag kalee
Duritaanka iga daa,
Deeradi waxey tidhi
Diinoow nindoor iyo
Illeen diirad-dheeriyo
Dantiigarad ayaa tahay,
Saaxib doowdar ma ahide
Dibitaati caan iyo
Qof la doortayoo mudan
Duceysane ayaa tahay,
Diinkii wuxuu yidhi
Mahadsanid dariifyahey
Ii kaalay Dawacooy
Dabcigaaga noo sheeg,
Dawacadi waxey tidhi
Dufle baabul lahaan ahay
Dawaa laiigu yeeraa
dabshidaasa ii dheer,
Waxaa laiigu dawgalay
Dummintiisa reer ladan
Darsiyada shirqoolkiyo
Sida dabin sir loo dhiga,
Waa kaan Yaxaas dagay
Dibnihiisi waax xaday
Maafiyaha wax diirtiyo
Dagaal-ooge waa ani.
DHAMMAAD.
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|