Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online


   

Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza]

 Hees jacayl iyo waddaniba wada ah. Waxaa heestan ku lifaaqan magacyada magaalooyinka dalkeenna qaar ka mid ah. Wuxuuna abwaabku curiyay 16-12-2003. Marka bal si wacan u dhuuxa miraha heestan. Magaca heetuna waa:

BALQIIS

Bisha oo lix iyo toban
barigoo salaasa ah
todobiyo badh-saac tahay,

ayunbaan Balqiiseey
figta baaca laacoon
huunno soo baraarugay,

boogtii kalgacalkiyo
boholyoowga caashaqaan
bar u seexan waayee,

bureeqadii haweenkaay
adaan kuu buseylee
ma i baanan gacalooy?

Barkeed iga jirtaa
Balqiiseey ku nooshohoon
kaa baafiyaa?

Dhulku kala bidhaan wacan
baro iyo isdheer muuq
kala budul wanaahsane,

Howdoo barwaaqa ah
baadkuna ugbaad yohoo
baasheeyay roobkii,

Qorraxeey bankeedoo
Biciidkiyo Ugaadhii
ay bariisanaayaan,

oy barisammaad tohoo
dhaantiyo balooleey
barbaartii ka tummayaan,

miyaad beegsatoo
ku ilbuuxsatoon
kaa baafiyaa?

Godey bilic wanaag iyo
Birqod iyo Bullaalaad
ku barbaartay inanyahay,

baladkii Qallaafiyo
Qabribayax bal iyo keyn
buddhiggeeda Dhagaxbuur,

baayga Haradigeed iyo
Baareey dusheedooy
balliyadu xarfanayaan,

shimbiruhu mar buubaan
marna ay bugaadshaan
marna biyo makhuurtaan,

miyaad beegsatoo
ku ilbuuxsatoon
kaa baafiyaa?

Buuraha ku yaal Harar
Diridhabo san iyo booc
beydkeenni weeyaan,

Daharroo baraarsaday
toggu biyaha soo rogoo
burqanaayo gacankii,

Bacaadweyn Shilaabiyo
Wardheer biyaxireenkii
ayaan booqaneynaa,

Godcusbooy bil-ciid tohoo
nayruus baxnaankii
bam la dhacay mahiigaan,

miyaad beegsatoo
ku ilbuuxsatoon
kaa baafiyaa?

Baqal eegmadii leey
ubax rays barbaarshiyo
biya-dahab Gobaadeey,

hadduu calafku baaqdaa
ama ani bud laidhigo
Balqiiseey nasiibkaa,

haddii buugga lagu qoray
bandhig iyo aroos wacan
ubad naga dhaxbeermaa,

calankeenna biidkee
saddax baalba midabkaan
boorso kaaga tolayaa,

Buaaliyo Kismaayiyo
Balqiis wabi-Shabeellaan
baanka kuugu tummayaa.

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.