|
Gabay: Saw ma aha
-----------------------------------------------------------
Muslin iyo gaalba dadkii sayid Maxamed cabdille Xasan ka gees
ahaa waxay ku tilmaameen inuu dawgii sharciga ka tallaabsaday
oo dil iyo dhac u bareeray dad wixiisna xalaalaystay.Haddaba
isagoo ka warramaaya naftiisa iyo ujeeddadiisiiba xagga islaannimada,Ilaah
aqoonta,iyo xagga jahaadka,afthamada,deeqda iyo xagga walaalnimada
ayuu gabaygan mariyey waxuu yidhi:-
Nin
Ilaah yaqaan oo sharciga,ku isticmaala
Ashahaado loo qoray nimaan,kala allaaweynin
Oo aan ankirahayn xaq waa, la oggolaadaaye
Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya
Oo dagada oofinahayoo,ugubka dhiibaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis.lagu ishaareynin
Nimaan diinta aafo u geleyn,aakhiruu sabanka
Oo aan amxaarada sidii,obo u yaacaynin
Oo gaalka ooradu ku taal,u askaraynnaynin
Nimaan abuurka Soomaliyeed,ka anfi taageynin
Oo aan ajuurada kufriga,ugu adeegeynin
Oo aan ardiga beesadeed,u ashtakooneynin
Nin jahaad ohoominahayoo,ubaxa loo saaray
Ingiriiska eygaa ninkii,ugu uneexaaya
Oo libin ajri leh soo heloo.or iyo geeraar leh
Nimanyahow aqoonxumadu,waa ardaalnimo e
Asaraar ma fiicnee runbaan.lagu arooraaye
Ninkii aynigaa lagu yaqaan,aw islaan ma aha
Shir aguugay waayeel abyamay,tala ashaaddowdey
Irda jiqa albaabo isku xiran,eel la bixin waayay
Xaajadaas afraha duubatee,loo olmami waayay
Nin aqoon leh aw iyo haddii,odaygu loo saaro
In kastoo ayaan iyo ayaan,lagu aloollaado
Ninkii maalintaa ka aarinsha,aaqil aw ma aha?
Wiiwiida qaylada haddii,uubatadu yeedho
Sengootida ilwaadda leh haddii,agabta loo qaato
Awaaraha buska leh maalintuu,xamar abraaraayo
Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo
maantuu aboodigu ku lalo,ubaxa loo daadshay
Maantii isaaya la dhaco idil dagaalkeeda
Maantii fuluu naga ordoo,alabasoo rooro
Maantii raggaan loo ileyn naga ugaaroobo
Mantaa ninkii aarsan sow,aarka dhacay ma aha?
Nimaan edebdarrooneya xil waa laga ajoodaaye
Aflagaadda aan jirin nimaan,kuula imaneynin
Oo kaa asluubanahayoo,kaa istixyoonaaya
Ab uu yahayba aadniga ninkii,same ekeynaaya
Abtirsiinya kii xigay nimaan,iriq u dheeraynin
Addomaha Ilaahy nimaan,kala irdhaynaynin
Ninkii aamusoo shib ah haddii,eray xun loo geysto
Aan kula ekeekamin intuu,urur ku soo joojo
Aan xaaja aawgeed la gubay, ubucda jeexaynin
Anfaaciga adduunyada nimaan,ku anfariiraynin
Oo xeeryo soor lagu akhatimay,ibir ka yeelaynin
Oo sida ardaal wax u cunee,alam ka siineynin
Intuu aqalka baanjiyo,nimaan aradda guulguullin
Aagaanta ciirtaa nimaan,aaska dhiganaynin
Oo aan qumbaha awdanoo,ilaxirkow jiidan
Aaqibadii loo galo nimaan kala illaaweynin
Oo kuu ixsaan fali intuu,edeg adduun joogo
Oo aan abaaldhaca aqoon sow,ikhyaar maaha?
Ari badan lo' iyo geel intii,mulug adduunyaada
Ugub dhalaya qaalmaha umulee,laga unnun gooyey
Eeraan fardood iyo gammaan,aradka duulaaya
Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxir loo yeelay
Inan quruxsan oo lagu ashbahay uunsi iyo khayli
Oo qool asliya loo gashoo,jalamtu eedaami
Nasteexiyo wanaag iyo ninkii,ilindi kuu keenay
umuurtii aad leedahay ninkii,kuu abaynaaya
Adduunka iyo aakhiro ninkii,kuu aslaaxinaya
Ninkii maalintaad iillaan tahay,aana kugu qaataa
Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
Itaalxumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?
Diiwaanka Gabayadii Sayid
Mohamed
M Ibrahim
Qorahay Online
Gabayadan waxaanu uga danleenahay waa Taariikh oo kali
ah.
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|