Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Sayid Maxamed Cabdule Xasan

 

Ogadeen haddaan ahay 

Cali Aadan oo ku magacdheeraa "Cali dhuux" kana mid ahaa raggii Daraawiish ka tagey, kana soo hor jeestey oo had iyo jeer Sayid Maxamed ay iswarmayn jireen, gabayo cay iyo aflaggaaddana isu marin jireen, ayaa Sayidka gabay cay iyo diradiro ah u soo mariyey. Gabaygaana halkudhiggiisu wuxuu ahaa: 


Allaahu akbar eedaanku waa, kaa afkiyo beene.
Ashahaaday gaalkubase waa, ehelu naarkiiye .
Ubbo-weesta waa kugu arkaa, agab salaadeede.
***
Asaxaabihii Olol ku dhace, wow abtiriyaaye
Hadduu uurka kaa jiro werdigu, kaama orodneene
Abtiyaalladaa iyo ku nece, ururki reer khayre
***
Arbrow Jaamac iyo Aadan iyo, Oogle kaa tage e .
Waxaan uubateeyaba tolkey, oodda soo jebiye .
Axmaqyahow kuwaad ku amranayd, idinka maahayne
***
Waa uur gaslow Aadan-dhagax, odayadaadiiye
Abtirsiinadaa waxay gashaa, eyda reer xamare

Mar kale isagoo Calidhuux isku diraaya Sayidka iyo Caligeri oo ahaa nimankii Dariiqada iyo jahaadka tiirka u ahaa wuxuu yiri: 
Arxan nimaan u gelihaynin oo, ina Ogaadeena 
Abbowda uun bay hayaan, kii arsaa'ilaye.

Sayidku wuxuu ahaa afmaal aan hadal laga badin, gabayaa aan maansada lagaga dabo dhufan, isagoo hadalladaas Calidhuux ka jawaabayana wuxuu yiri: 

Aw Yuusufow eray yar baan, ku erganaayaaye
Hadduu Eebbahay kuu idmaad, ururta weyn gaadho
Ikhwaanow adkee xaajadaan, kugu ammaaneystey
***
Ku ansixi halkii aan ku iri, aadna ugu fiirso
Gurraasiyo Iljeex iyo u sheeg, nimanka Iidoora
Ogaadeen haddaan ahay dad wow, amar korreeyaaye
***
Oo ubaxa baarkaan ihiyo, awrta Haashima e
Abtirsiimadey waxay gashaa, odayo waaweyne
Halkaan ugu arooraana waa, odaga Daaroode
***
Rasuulkii udgoonaana waa, ina-adeerkay e
Sayidkii Axmed ahaana way, awow ruma e
Ibraahiin Rashiid aabbaay, odagi weeyaane
***
Asaxaabihii oo dhan baan, ehel wadaagnaaye
Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanaayaye
Nin Amxaara mooyee intii, edeg adduun joogta
***
Islaameedku wuxuu ii yaqaan, ehelu-kharykiiye
Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanaayaaye
Adiguna Abbaanow Midgaan, uraya sow miihid?
Sow kii Illaahay necee, eyga qalay miihid?
***
wuxuu sayidka ku daray gabaygan oo uu utiriyay cali dhuux aaden gabaygii sayidkana waakan Caliyow calaacal iyo way, ciil ma bi'iyaane Weligaa catow baad taqaan, sida carruureede
Waad uun cabaaddaa sidii, caamadoo kale e

Caqli haddii aad leedahay wax baa, la citibaarshaaye
Cindigaa wax laga fiiriyaa, caynka ay noqone
Cudha laguma soo dhego waxaan, kuu cuntamihayne
***
Kaarshaa  ciriddii ku lumay, caasiga ahaaye
Isaguba caqtii hore ma qabin, col iyo laayaane
Markuu cayda noo soo dir 

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.