Nagala soo xidhiidh e-mailkan qorahay99@yahoo.com
Kalfadhigii 5aad ee Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Koonfur Afrika oo soo gabagaboobay.

18-03-2008 (QOL) Kalfadhigii sanadlaha ahaa ee Jaliyadda oo waayahanba ay ergooyinku kusoo qulqulayeen madasha kulanka,iyadoo marka laga reebo faraca Martida loo ahaa ay jireen illaa 7 gobol oo ay kayimadeen ergooyin,kuwaas badankood soo gooyay masaafo dheer oo gaadhaysa 1000 km.

Hadaba Maalintii Sabtida ee ay Taariikhdu ahayd 15 March 2008,10:00 barnimo ayaa waxaa si rasmi ah ufurmay kalfadhigii 5 aad ee jaaliyadda,aayado quraan ah iyo wacdi diini ah kadib waxaa warbin dheer oo meelo badan taabanaysa jeediyay wakiilka Arimaha Dibadda ee Koonfur Afrika,wakiilku waxa uu xusay dhibaatooyinka uu cadawgu kuhayo dadka iyo cuanqabataynta 9 bilood jirsatay,waxaa kale oo uu wakiilku xusay guulaha uu gadhay CWXO iyo sida uu gabi ahaanba ugu guulaystay in ciidamadu Tigreegu ayna ko ruga bixin magaalooyinka waawayn,warbixntas oo dheerayd waxa uu wakiilku kusoo gunaanaday sida ay lama huraan utahay in ruux walba oo Jaaliyadda kamid ahi uu gudto waajibaadka laga sugayo.



Waxaa isna halkaas qudbad dheer oo kusaabsan waxqabadkii Jaaliyadda ee sanadkii tagay kajeediyay Gudoomiyihii jaaliyadda ee Xilkiisu uu ku ekaa 15 March 2008, sida uu gudoomiyuhu sheegay Jaaliyadda oo ay caado utahay in sanadba midka ka dambeeya ay samayso horukac balaadhan ayaa waxa uu sheegay in sanadkan ay jaaliyaddu si wayn usamaysay horumar.

Kadib waxaa isna warbixintii sanadkii tagay ee Dhaqaalaha bixiyay Xoghayihii Dhaqaalaha ee jaaliyadda oo runtii jeediyay warbixin dhaqaale oo si aad ah loogu diirsaday,qorshayaasha mustaqbalka uu hogaanku maagan yahay iyo hindisayaal badan oo lagu abuuri doono ilo dhaqaale.

Xoghayaha dhaqaaluhu mar uu qiimayn kusameeyay farqiga dhaqaale ee udhexeeya sanadkii tagay (2007) iyo kii kasii horeeyay (2006) ayaa waxa uu sheegay in dhaqaaluhu sanadkii 2007 kii uu sameeyay horumar dhan 65%,halka sandkii sanadkii 2007 kii horumarka dhaqaaluhu ahaa 84%,Dhamaan gudigii jaaliyadda ee cimrigoodu dhamaaday ayaa waxa uu mid walba jeediyay waxqabadkii halka sano ee hogaankiisa.


Kadib ayaa waxaa laguda galay warbixintii gobolada waxaana ugu hormaray Cape Town oo gudoonka farucu uu jeediyay warbixinta waxqabadkii faraca iyo caqabadihii lasoo darsay mudadii sanadka ahayd iyo qorshayaasha uyaala Farca sanadka 2008-2009., Faraca East London ayaa iyadana gudoomiyeheedu uu dhiibay warbintii sanadka oo kooban,sidaas oo kale ayaa ergooyinka gobolada ee Jobur,King-wiliamstown,Queenstown,Knysna, ay uga wada warbixiyeen faracyadooda.

Waxa hadana dib la isugu soo noqday 2:00 duhurnimo,hadaba gudigii jaaliyaddu ee 2007-2008 ayaa mid-mid xilkii udhigay iyadoo mid waliba uu xubnaha jaaliyadda kacodsaday in ay cafiyaan hadii mudadii sanadka ahayd wax dhaliil ah laga dareemay.

Intaas kadib ayaa waxaa laqabtay Gudo farsamo oo soo doqomaysa gudigii Jaaliyadda ee sanadka 2008-2009, gudiga farsamada oo tiradoodu shan ahayd ayaa waxa ay ugu horaynba guda galeen ka doodiddda xeer hoosaadka jaaliyadda,dooddii xeerka oo meel dhexe maraysa ayaa waxaa lagaadha salaaddi makhrib waxaana halkaas lagu xidhay kulankii shalay 16 march 2008.

shalay oo axad ahayd 16 ka March ayaa waxaa dib ufurmay shirkii waxaana ladhamays tiray xeer qodobadiii xeer hoosaadka jaaliyadda.

Waxaa kadib shirka lagu doortay gudigii jaaliyadda ee sanadka 2008 illaa 2009 iyo qasnajigii jaaliyadda,intaas markii la isla meel mariyay ayaa waxaa laguda galay dajinta Istaraatijiyadda Mustaqbalka jaaliyadda oo xoogaa wakhti ah qaadatay,intaas kadib 6:00 makhribnimo ayaa laxidhay shirkii.

Kalfadhigan ayaa dadka isugu yimid iyo nooca dooduhu ahaayeen markaad fiiriso ayaa waxa uu ahaa kalfadhigii uu dadku ugu badnaa doodduna ugu badnayd,waxaana xubnihii shirka ee ergooyinka goboladu ay is macasalaamaynayeen illaa iyo salaadii cishaha.

Qorahay Online


Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright © 1999 - 2008, All rights reserved. Qorahay Online.