|
Gabay: Geeridii Koofil
--------------------------------------------------------
Markay taariikhdu ahayd 1913 ayaa Daraawiishi ku duushay Ingiriis
iyo Cawaankiis iyo kuwii Miirada u ahaa. weerar lixaad leh
ku ballaariyeen degmo tiil Burco iyo agagaarkeeda.Maal waxay
lahaayeena gacantay ku dhigeen.Nimankii xoolaha la dhacay
lahaa iyo Ingiriiska oo isasoo biirsaday ayaa raacdo u soo
birmaday. Gaal la odhan jiray 'RICHARD CORFIELD' oo ka mid
ahaa madaxdii ciidammada Ingiriiska dalka Soomaliya u fadhidey,madaxna
ka ahaa rakuubleydii Ingiriiska(Camel Corps) ciidankiisii
iyo raggii xoolaha oo galabtii Beer maraya bay garab mareen
oo u fariisteen buurta Dulmadoobe salkeeda. Waagu hadduu dillaacay
ayaa Daraawiishi xoolihi oo duuban caasha u soo saareen iyagoo
aan caad iska saarayn. Markay kaabiga u jireen meeshii colka
gaaladu joogey ayay xoolihii hojiyeen dagaalna ugu hub qaadeen.Dhawr
tacshiiradood haddii lays dhaafsaday "Corfield"
oo colka gaalada madax u ahaa la dilay,raggiisina waa la jabiyey.Madaxdii
"Koofil" iyo gacantiisii midig Taleex baa la keenay
si loo rumaysto geerida gaalka.Waxaa la yaab leh nin la odhan
jiray Ina-weesaxume oo aan Daraawiish ahayn ayaa "Koofil"
xoola ka dhacay, dadkiisiina si xun u galay dagaalkaas ka
hor. Dabadeed ninkaasi wuxuu tirshey gabay kuhaan ah oo uu
"Koofil" ku habaarayo, waxaana gabaygiisii ka mid
ahaa:
Sayidkoo wax galay raacdadoo,la isku soo gaaray
Adiga iyo gubniga aad waddaa,gobootaal noqo e
Girligaanku kaa joogsay oo,guuxa kaa damiye
Ku goosgooste nimankii kufriga,gaajaduu qabaye
Afkuna"gow" ku yiri xaajadaad,gees u badisaaye
Guga ha gaarin adigaa tolkay,gaajadaas badaye
dabadeedna,siduu"Koofil" u ya'day baa loo diley.
Jahaadkii markii laga soo noqday ayaa Sayid maxamed ku yidhi
Ismaaciil mire: xarunta uga waran jahaadkii, ambabixinnii,
weerar dagaalkii gebagabadinnii iyo xoolihii saamigaad ka
heshay, dabadeedna Ismaaciil mire wuxuu mariyey gabaygan
Annagoo taleex naal,jahaad taladii soo qaadnay
Toddobaatan boqol oo darwiish, toogatay neef doora
Sayidkeennu tii uu na yiri torog ku heensaynnay.
markaa kaddibna Sayid Maxamed baa gabaygan soo socda oo
uu koofil ku halqabsaday mariyey,oo wuxuu yidhi:
Adaa
Koofilow jiitayaan, dunida joogeynee
Adigaa jidkii la gugu wadi, jimicla'aaneede
Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
Nimankii jannow kacay war, bay jirin inshaalleeye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
Sida Eebahey kuu jirabay, mari jawaabteeda
Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh
Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh
Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh
Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji
Nafjeclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh
Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
Kolkaan juuq idhaahdaba afkey, iga jifeeyeen dheh
Dhaaxaan jalleecaye dheg baan, jalaq la ii siinin dheh
Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh
Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
makay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh
Jidhkaygii bahal baa cunoo, jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh
Haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jil roonaa dheh
Weligood waxaa lagu jaraa jilibdhig duullaan dheh
Daraawiishi waa jibindhowga iyo jowga soo bixi dheh
Diiwaanka Gabayadii Sayid
Mohamed
M Ibrahim
Qorahay Online
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|