Ku soo dhawaada Wararka Maanta Shabakadda Qorahay Online,
 
 
Nagala soo xidhiidh e-mailkan contacts@qorahay.com
 
Wararka Maanta. 03/6/2004
  Faallo: Xukunkii Ismaamulka Soomaalida oo ay Itoobiya la wareegayso:-
MADAXWEYNAHANA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND IYO HOGGAAMIYAYAASHA SOOMAALIDA OO WAKIILADDA BEESHA CAALAMKA KULAN KULA YEESHAY MAGAALADDA NAIROBI EE XARUNTA WADDANKA KENYA.
TNG-da C/Qaasim oo laga cabsi qabo in ay ku bur burto wejiga sedexaad ee shirka Kenya.
Madaxweynaha Kenya: “ Soomaaliya Waa dal deris nala ah oo ay heystaan dhibaatooyin badan…”.
Cali Mahdi oo Maanta laga sugayo in uu Furdaamiyo wadahadalka u dhaxeeya beelihii ku dagaalamay W/Muqdisho.
C/laahi Yuusuf oo rajo fiican ka muujiyay qaabka uu ku socda wejiga sedexaad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.
Beesha Hawiye oo Maanta Nairbo ku yeelaneysa shir ay uga hadlayaan qeybsiga xubnaha uga soo aaday Baarlamaanka.



Xukunkii Ismaamuka Soomaalida oo ay Itoobiya la wareegayso:-

Garoowe (Qorahay-Online) Jun 3, 2004

Warar maalmahan dambe isa soo tarayey ayaa sheegaya in maamulkii kililka shanaad ay xilka kala wareegi donto mudo dhaw xukuumada Itoobiya kadib markii lagu soo eedeeyey wax qabad la’aan dhan kastaba ka hadhaysay, kaasoo uu malise sinaawi dhawaan u soo jeediyey masuuliyiinta ismaamulka in hadii ay mudo labo bilood gudahood ah ay isbadel ku samayna-waayaan hawlahooda wax qabad ay xukuumadiisu kala wareegi doonto xukunka Gobolka.

In kasta oo uu maamulkaani ahaa mudadii u xilka hayay Magac u yaal oo awoodiisa ay gacanta ku haysay Dawlada Itoobiya kuna shaqayn jiray amarka Malise iyo maamulkiisa ayaa haadana waxaa uu si buuxda ugala wareegayaa xukunkii.

Haddaba, hadii aan dib u eegno waxayaalihii uu maamulkaani ka qabtay Gobolka tan iyo markii ay Dawlada Itoobiya u ogolaatay in loo sameeyo ismaamul ayaa waxaan odhan karaa ma jiraan wax uu maamulkaani ka qabtay Gobolka haba yaraatee.

Balse waxaa badan khasaaraha ka dhacay Gobolka Soomaalida Ogaadeeniya, mudadii uu maamulkaani xilka ku magacownaa, kaasoo ah mid aan halkan lagu soo koobi karin dhibaatooyinkii ay sababta u ahaayeen iyo kuwo ay gacantooda ugu gaysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka ayna madaxda ka ahaayeen, hadii aan mid iyo labo soo qaato dhibta ka dhacday Gobolka waxaa jirta in kumanaan qof oo aan haatan la hayn meel ay raq iyo ruux ku sugan yihiin, kuwaasoo lagala baxay Guryahooda, ayna iyagu gacantooda ku soo qabt qabteen, ayna qaar ka mid ahi u shaqaynayeen isla maamulka kililka halka kuwo kalena ay ahaayeen dad shacab ah.

Sidoo kala waxaa ku balaadhay Gobolka aano qabiil oo ka dhalatay arrimaha maamulku uu hormuudka ka yahay kaasoo ay ku dhinteen Boqolaal qof, waxaana ugu dambeeyey dagaaladii ka dhacay sanadihii la soo dhaafay Gobolka Jaraareed, Gobolka Qoraxay, Gobolka Doolo iyo Waliba Dagaalidi ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay Raaso dhamaana dagaaladaasi waxay sida la cadeeyey salka ku hayaan arrimo dhinaca ismaamulka, mana jiraan wax talaabo ah oo ay ka qaateen dagaaladan qabaa’ilka ee naafeeyey dadka shacabka ah.

Waxaa intaasi dheer in maamulka kililku aanu kaba jirin Dhamaanba Gobolada Soomaali ogaadeeniya marka laga reebo magaalada jig jiga oo iyadu u ah Caasimahada Maamulka, arrintasina waxay dhalisay in gabi ahaanba Gobolka ay ka dhacaan dhacdooyin wax dhimaal u gaysta dadka shacabka, mar walbana abuura iska hor imaada iyo isku dhac qabiil.

Sidaasi darteed ayaa waxaa dhashay in dad aan aqoon u lahay habka maamulka ay ciidamada Itoobiya ay adeegsadaan iyagoo qaar ka mid ah u magacaabay Gudomiyeyaal Gobol taasina waxay dhalisay in dadkii shacabka ahaa iyo maamulka Ciidamada Itoobiya ay macaabeen ay isku dhacaan, sida aan aanigu indha hayga ku soo arkay mudo haatan laga joogu halsano waxaa dhamaan tuulooyinka iyo Degmooyinka hoos yimaada Gobolka Jarareed ay maamulka Itoobiya u sameeyeen Gudomiyeyaal aan haba yaraatee wax aqoon ah lahayn kuwaasoo ciidamada itoobiya ku jidmaraan marka ay meel u baxayaan.

Haddaba, waxay arrintasi keentay in ay meesha ay ka baxdo sharcigii ciidamada iyo kan maamulka taasoo keentay in dadka shacabka ah ee ku dhaqan baadiyaha loo gaysto dil, kufsi dhac iyo handadaad iyo waliba iyadoo dadka si aan sharci ahayn xabsiyada loogu guru kadibna ay halkaasi ku dhintaan.

Ugu dambeyntii waxaa iska cad in maamulka Itoobiya ay himiladiisu tahay in uu tir tiro kililada ka jira Gabi ahaanka Gobolada uu xooga ku haysto, kuwaasi oo uu horay u sheegay malise in ay dhib u keeneen maamulada Goboladu loona haaban yahay in laga takhaluso.

Dhanka kale dadka badankiisu waxay qabaan in aanu maamulka Itoobiya waxba ka bedeli doonin xaaladaba nabad galyo dari ee haatan ka taagan Gobolada Soomaali ogaadeeniya.

A.M.C
Qorahay Online
Garoowe-Soomaaliya.










MADAXWEYNAHANA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND IYO HOGGAAMIYAYAASHA SOOMAALIDA OO WAKIILADDA BEESHA CAALAMKA KULAN KULA YEESHAY MAGAALADDA NAIROBI EE XARUNTA WADDANKA KENYA.

Nairobi (Qorahay-Online) Jun 3, 2004

Madaxweynaha maamul goboleedka puntland Col:C/llaahi Yusuf Ahmed iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa ayaa waxay maalintii shalay ahayd kulan dhowr saacadood qaatay la yeesheen wakiiladda beesha caalamka ee iyagu ku howlan arrimaha shirka dib u heshiisiinta,

Warar ku dhow dhow mas"uuliyiintaasina waxay sheeggayaan in u jeedada ee hoggaamiyayaasha soomaalida iyo madaxweynaha maamul goboleedka puntland ay ula shireen wakiiladda beesha caalamka ay ahayd in ay kala hadlaan arrimaha cuntada iyo jiif xumadda haysata ergooyinka soomaaliyeed ee iyagu ka qaybgalaya wadahadaladda soomaalida,

Sikastaba ha ahaatee wakiiladda beesha caalamka ayaa waxay ka aqbaleen hoggaamiyayaasha soomaalida codsigoodda ku aaddan in ergooyinka soomaaliyeed la siiyo jiif iyo cunno wanaagsan si markaasi loo sii wado geedi socodka nabadda ee soomaaliya.

Dhinaca kalena madaxweynaha maamul goboleedka puntland C/llaahi yusuf Ahmed ayaa gurigiisa maanta qado sharaf ugu sameeyey beesha daarood sida wanaagsan oo ay u soo xuleen xubnaha uga qaybgalaya guddiga khilaafaadka Isagoo dhinaca kalena sheeggay in beeshoodu ay soo afjareen khilaafkii soo taxnaa ee iyaga dhexdoodda haystay,

MADAXWEYNAHA KENYA MWAI KIBAKI OO MAANTA UMMADDIISA KALA HADLAY MEEL FAGAARE AH..

Madaxweynaha dalka kenya Mwai Kibaki ayaa maanta kala hadlay malaayiin qof oo reer kenya ah fagaaraha wayn ee YAYA STUDIOM oo ku taalla bartamaha magaaladda nairobi,Iyadoo maantana ay tahay maalintii ay xoriyadda ah ka qaateen gumeestihii

Madaxweynaha dalka kenya Mwai Kibaki ayaa khudbaddiisii maanta ku soo qaaday arrimo badan oo ku saabsan ammaanka waddanka iyo dhaqaalaha sii wiiqaya ee dalkiisa soo wajahay,Iyadoo ay maantana tahay maalintii ugu horraysay oo uu madaxweynaha kenya uu xaflad noocan ah uu kala qaybgalo malaayiin qof oo reer kenya ah tan iyo markii uu xukunka kala wareeggay madaxweynihii horre ee dalka kenya Mr Moi sannad ka hor

Cutubyo ka tirsan ciiddanka qalabka sida ayaa waxay dhoolo tus ku samaynayeen fagaarahaasi iyadoo ay halkaasina jooggeen dhammaan wasiiradda dawladda.

Maanta oo ay dadka reer kenya u tahay maalin taariikhi ah ayaa waxay dadka qaar wili ku sii khulkhulayaan fagaarahaasi iyadoo ay wilina socdaan khudbooyinka ay jeedinayaan wasiiradda dawladda iyo madaxweynahaba,

Fariin maalintan ku aadan ayaa waxaa dhammaan ummadda reer kenya maanta gaarsiiyey madaxweynaha dalka kenya Mwai kibaki iyo madaxweyne ku xiggeenka dalka Moody Awori oo isna halkaasi kala hadlay dadweynihii halkaasi isugu yimid,

Dhinaca kale waxaa la arkayey tan iyo saakay ciiddammo aad u faro badan oo ku labo raadlaynaya goobaha muhiimka ah iyadoo meel walba oo ay dawladdu leedahayna laga lulay calanka kenya,Iyadoo dhinaca kalena la xiray dhammaan gobaha ganacsiga iyo Iskuuladda dawladda,

Mursal Quulle
Nairobi. Kenya










TNG-da C/Qaasim oo laga cabsi qabo in ay ku bur burto wejiga sedexaad ee shirka Kenya.

Muqdisho (Qorahay-Online) Jun 3, 2004

TNG-da C/qaasim hogaamiyo ayaa tan iyo intii ay shaaca ka qaaday in ay dib ugu laabaneyso madasha Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ay hore uga soo baxday markii doodo xasaasi ah ka yeelatay qaabkii ay uga qeyb gali laheyd shirka Kenya oo galay wajigii sadaxaad.

C/qaasim Salaad oo madaxweyne ku ah in aysan jirin dowlad kale oo sharci ah markii ay dhamaatay xigii 3-da sano ahaa ee loo asteeyy ayaa cabsi weyn ka qaba in isla marka uu shirka ku laabto ee burburto TNG-da magac ahaanta u jirta oo mas’uuliyiinta dowladaasi ay beelahowda ku kala biiraan.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa wararku sheegayaan in ay C/qaasim iyo xubnaha TNG-diisa trtan ugu jireen tegista shirka oo qaabka looga qeyb galayo uu lafa ahaantiisa u soo xushay xubnaha sida weyn u taageersan isaga oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano si ay uga mid noqdaan ergadiisa oo aaney ugu iman inay shirka ku kala yaacaan.

Maxamed Cali Shitaawe
Qorahay-Online
Muqdisho-Soomaaliya










Madaxweynaha Kenya: “ Soomaaliya Waa dal deris nala ah oo ay heystaan dhibaatooyin badan…”.

Muqdisho (Qorahay-Online) Jun 3, 2004

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa khudbad oo shalay ka jeediyay maalintii xoriyada Kenya (Madaraka day) ku soo qaatay xaalada Soomaaliya iyo shirka dib u heshiisiinta ee uga socda dalkiisa.

Kibaki waxa uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uu raja fiican leeyahay dhowaana la filayo inay natiijooyin ka soo baxaan balse wuxuu sheegay inuu san ka hor dhaceenin asagoo ugu yeeray Soomaalida inay ku daydaan Suudaan oo heshiis dib ugu heshiiyay dalka Kenya.

Isagoo ka hadlay dadaalka Kenya ee heshiisiinta Soomaalida ayuu cadeeyay in sababta Keynya u taageereyso Soomaaliya ay tahay inay yihiin dad bini’aadan ah oo hadana daris la ah, wuxuuna shaaca ka qaaday in shirka Soomaalida Kenya ku gashay qarash fara badan isagoo sheegay in shirka sii socon doono wuxuuna hogaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqay inay dadkooda dhibaatada ka dul qaadaan oo qaranimadii u soo celiyaan.

Maxamed Cali Shitaawe
Qorahay-Online
Muqdisho-Soomaaliya










Cali Mahdi oo Maanta laga sugayo in uu Furdaamiyo wadahadalka u dhaxeeya beelihii ku dagaalamay W/Muqdisho.

Muqdisho (Qorahay-Online) Jun 3, 2004

Cali Mahdi Maxamed oo ka mida Siyaasiyiinta waaweyn ee beesha mudulood kuna hoolan waanwaanta dagaaladii ka dhacay W/muqdisho ayaa manta laga sugayaa inuu kala furdaamiyo shuruuda adag oo ay isku mari waayeen labada beelood ee Harti iyo Wacbuunadh Abgaal.

Cali Mahdi oo arintaan markii ay cuslaatay loo yeeray ayaa kulumo la lahaa Beesha Harti Abgaal waxeyna wararku sheegayaan in arimaha la isku haayo oo aad u adag u baahdeen waqti dheer oo beelaha is haya ay si gaar ah isu lafa guraan xabad joojinta socota ayaan laheyn sal adag ayadoo aysan labada beelood heshiin.

Kulankan maanta waxaa uu dabo joogaa kulan aan wadahadal toos ah ahayn oo loo kala dabqaadayay labada dhina, kaas oo aan wax natiijo ah laga gaarin, waxaana lagu wadaa in kulankan manta ayaa labada dhinac isla ogolaadaan in ay gaaraan xabad joojin. Lman asii saadaalin karo sida uu u dhici doono kulankan, iyadoo ay jiraan cabsi laga qabo in labada dhinac ay is af garan waayaan.

Maxamed Cali Shitaawe
Qorahay-Online
Muqdisho-Soomaaliya










C/laahi Yuusuf oo rajo fiican ka muujiyay qaabka uu ku socda wejiga sedexaad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.

Muqdisho (Qorahay-Online) Jun 3, 2004

C/laahi Yuusuf Madaxeynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa taageeray qaabka uu ku socda shirka dib u heshiiisnta Soomaalida wejigiisa sedexaad oo uu markii hore ka horjeeday.

Isaga oo ka hadlayay C/laahi Yuusuf xaalada uu ku jiro shirka ayuu sheegay in uu rajo wanaagsan leeyahay, isla markaana dowlad loo dhan yahay ay ka dhalan doonto shirkaas, lana soo afjari doono busha aynu ku jirno ee June ama dambeyn bisha July.

Mar uu ka hadlay rajada uu ka qabo dowlada lagu dhisayo in ay shaqeyso wax uu C/laahi Yuusuf sheegay in marka hore hubka laga qaadayo dadka, taasina ay dhaceyso iyadoo dalka la keenayo ciidamo ajnabi ah oo fuliya hubka dhigista dadka, ciidamadaasi ay taageero ka heli doonaan ciidamada Soomaaliya.

Wuxuu cadeeyay Korneelka in iminka lagu dhex jiro qeybsigii xubnaha baarlamaanka iyo awood qeybsigii, wuxuuna ka digay in haddii caqabado kale shirka ku yimaadaan ay taasi keeni karto in uu shirka bur buro, wuxuuna wareysigan shalay siiyay Raadiyaha Gaalkacyo.

Maxamed Cali Shitaawe
Qorahay-Online
Muqdisho-Soomaaliya










Beesha Hawiye oo Maanta Nairbo ku yeelaneysa shir ay uga hadlayaan qeybsiga xubnaha uga soo aaday Baarlamaanka.

Muqdisho (Qorahay-Online) Jun 3, 2004

Beesha Sacad oo kulamo u socday dhowaanahan shalay soo gabagabeysay ayaa shaac ka qaaday in ay midoobeen, isla markaana isku raaceen in ay wax u wada socdaan sidii loo qeybsan lahaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, qeybta ugu soo aada.

Shirka Beesha oo ay wada joogeen Xuseen Ceydiid, Caato, Xubno ka socday C/laahi Axmed Cadow iyo dhinacyo kale oo fir fricoon ayaan wax go’aan ah laga gaarin musharaxnimada jagada madaxweynaha oo beeshu ay tahay tan ugu badan ee siyaasiyiinta ka soo jeeda ay doonayaan jagada madaxweynaha Soomaaliya.

Beesha Sacad ee H/gidir ayaa kaalin ka qaadan doonta shirka manta la filayo in ay beelaha Hawiye isugu yimaadaan, si ay iusugu wada arrinsadaan awood qeybsiga iyo kaalinta ugu aadan wejiga sedexaad ee shirka.

Beesha Hawiye oo xubno muhiim ah ay weli ka maqan yihiin ayaa shirkooda manta uga doodi doonta sidii ay uga qeyb geli lahayd qeybsiga xubnaha ka soo gaaray baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya 16-xubnood, waxaana siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha ay siyaasad ahaanta isaga soo horjeeday ay muujiyeen in ay diyaar u yihiin isu tanaasul, iyadoo uu dhowaan ku biiri doona C/Qaasim salad Xasan, madaxweynaha dowlada kmg-ah ee uu dhamaadey waqtigeeda rasmiga ah.

Maxamed Cali Shitaawe
Qorahay-Online
Muqdisho-Soomaaliya







Free Counter
Contact: contacts@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2004, All rights reserved. Qorahay Online.