Su'aal: Maliinta jimcaha waxaan ognahey in ay tahay ciida todotaadka,
laakiin waxaan rabaa inaan ogaado maxay fadli dheer tahay malmaha
kale oo loo bahan yahay in la qabto sida quraan la akhriyo iyo Wixii
lamid ah.
|
JAWAAB: Maalinka jimcadu way ka fadlibadantahay maalmaha kale sababtana
waxaa cadeeyay Nabiga SCW xadiis uu soosaaray Tirmidi, waxuuna yiri
SWC ¡°Maalin ay qoraxdu soo baxdo waxaa ugu khayr badan jimcada waana
maalinkii la abuuray Aadam, janadana la galiyay lagana soo saaray
qiyaamaduna waxay dhici maalin jimca ah Ilaah baana xaqiiqada garan
|
Su'aal: Waxaan doonaayaa sheekh inaad iga jaahil tirto
diintu waxay ka qabto, hadii aan mehersado gabadh aan reerkooodu i
siin anagaa isla joogna meel qurbe ah oo aan waalidkeed iyo dadkii
waligeeda ahaa joogin??? Kenya
|
JAWAAB: Gabadhu ma mehersamayso wali la¡¯aan waxaana
ku soo arooray Axaadiis kala duwan sidaasaana reerka maslaxa u ah
dhismihiisa Qur¡¯aankana markaad u sii fiirsato waxaad ka helaysaa
aayado tilmaamaya waliga, Ilaahbaa garan xaqiiqada.
|
Su'aal: Walaal waxaan rabaa Magaca Maalik wiil ma loo bixin karaa??
Finland
|
JAWAAB: Wax dhib ah ma laha in loo bixiyo ruux magacyada uu ilaahay
leeyahay waxii aan ahayn kuwa uu gaarka u layahay waxaana kamid ah
Raxmaan, marka dhib ma laha ruuxa loo bixiyo maalik. Ilaahbaa garan
xaqiiqada
|
Su'aal: Waxaa jirtay inaan niman dhalinyaro ah aan ahayn shirkad
xiligii aan Somaaliya joogay waxaa igu dhuntay lacag iyagu aanay ogeyn
kadib markaan imid halkan (dibada) imid lacagahoodii ayaan udiray
iyagoo aan ogeyn lacagtu waxay tahay arrintaas diintu maxay ka qabtaa
dayntaasi ma iga gud matay mise waa inaan u sheego inaan lacagtaas
horay uga khiyaamay jawaab ayaan karaba.
|
JAWAAB: Lacagta aad khayaantay
waxaa lagaa rabaa inaad u sheegto cidaad ka khayaantay, si ay kuu
cafiyaan ooy u ogaadaan, sidaas baana kuu noqonaysa kafaara gud,
maxaa yeelay adiga umbaa ogaa inay khayaano tahay hadiise dhib wayn
kaa soo gaarayo sheegideeda wax dhib ah ma laha ee iska bixi uun
lacagta. Ilaah baana garan xaqiiqada
|
Su'aal: Qof haddii uu xaaskiisa gadaalkaga yimaado asagoo og iney
xaaraan tahay muxuu yahay xukunkiisa? miyey kafurantahay mise wax
kale uu sameynkaro ayaa jira? taasi waamid. Mida kale waa asaga farajkiisa
afka magashankartaa? asgana sidoo kale keedii afka mala geli karaa
haddii ayada weydiiso? maxay diinta islaamka arimahaas ka qabtaa.
Holland
|
JAWAAB: Ma banana in xaaskaaga aad uga tagto xaga dambe waana xaaran
oo waxaa ku soo arooray axaadiis kala duwan hadyse dhacdo kama furmayso.
Mida kale ma fiicna in afka ilaahay lagu xusayo la galiyo farjiga,
hadey biyuhu ku dhacaan ooy caafimaad daro keenaysana waaba xaaraan.
Xaqiiqadana ilaahbaa garan
|
Su'aal: Raashinka laga cuno MCdonarka in ay xaal tahay in kale
iyo kuwa lamid ahba. usa
|
JAWAAB: Cuntada dadka aan ahayn Muslimiinta waxaa loo kala qaadayaa
laba qaybood, 1 Mid ah cuntooyinka aynu naqaano sida bariiska iyo
waxa la mid ka ah wax dhib ah ma laha, hadayna wadanin wax kale sida
khamra oo lagu daray markaas xaaraan bay noqon. 2 Cuntada kale waa
waxa ku saabsan hilibka way banaantahay hadii la hubo inay yihiin
dad diintooda haysta waxaana cadynaya aayada 5 ee suurada Al-Maa¡¯ida.
Xaqiiqadana ilaahbaa garan
|
Su'aal: Hadii anigoo xanaaqsan xaaskayga aan ku iraahdo waan ku
furay, Ma iga furntaa?. Holland
|
JAWAAB: Waxaa jira xadiis uu soosaaray Axmed, Abuudaa¡¯uud, Ibnumaajah,
oo Nabigu SCW yidhi ¡°Waxba kama furmayaan ruuxa is xidha¡± taas oo
macnaheedu tahay ruuxa aad u cadhooda ilaa uu gaadho heer uu ka tago
caqligu ama wacyigu. Xaqiiqadana ilaahbaa garan
|
Su'aal: Hadii aad dhahdid waxaas hadaan sameeyo ama aad ku dhaaratid
in ay xaskaada kaa furantahay sida ay somalida badana dhahaan, naa
waxaas hadii aan sameeyo adigaa iga furan, hadana aad waxa sameesid
xaskaada ma kaa furan taa? Somalia
|
JAWAAB: Dhaartu waxay leedahay diinta islaamka xukun, waxayna tahay
hadii aad shay ka dhaarato deedna aad fulin waydo waxaa lagugu leeyahay
10 miskiin inaad wax siiso ama aradbixiso ama adoon xorayso hadaad
intaa heli waydo waxaad soomaysaa 3 maalmood arintaana waxaa cadaynaya
aayada ku jirta Al-Maa¡¯ida. Mida kale hadaad xaaskaaga ku xirto shay
kale furniiyaheeda way furmaysaa hadii la sameeyo waxaa lagu xiray.
Ilaahbaana garan xaqiiqada
|
Su'aal: Waxaan ahay gabadh ku nool dalka sweden waxaan aad u jeclaysatay
in aan barto tafsiirka Qur¡¯aanka kariimkah, gurigana ii ma taalo dhaatadu
markaa sideen ubaran karaa? quraanka iyo tafsiirkiisaba? Sweden
|
JAWAAB: Qur¡¯aanka iyo tafsiirkiisa inaad barato waqtigan way dhib
yartahay waxaanad haysataa fursad qaali ah oo laga yaabo inaada helin
hada ka dib ruuxuna asagaa wax is bari kara waqtigan lagu jirana ma
jiro ruux jahli loogu cudurdaari wax kasta waa banaanka.
Ilaahbaana garan xaqiiqada
|
Su'aal: Ninku hadii uu furo sedex jeer xaaskiisa maloo hayaa waxjawaaba
ah ama qiil ah waayo waxaa jira sheikhyo leh waxaa loo samayn Nikaax
cusub oo sidii laba ruux oo cusub oo kale. Norway
|
| jawaab: Ninku hadii uu furo xaaska sadex jeer
oo kala duwan ama isku mar ahayn wax qiil ama qawi ah looma hayo,
laakiin hadii uu isku mar rido sadexda waa mas¡¯ala ay isku khilaafeen
culimadu oo qaarbaa leh hal dalqad umbaa dhici. ilaahbaana garan xaqiiqada |
Su¡¯aal: Salaamacaleykum waraxmatullaahi wabarakaatu
walaal
waxaan idin weydiinaya gabar garoob ah maguursan kartaa weli la.aantiis
maadaama layiri guur ma jiro weliga gadar ama garoob la,aan dad ayaa
isku haya in ey guursan karto iyo inkale uk |
| Jawaab: Walaal culimada islaamku waxay u badanyihiin
in haweenku ayna wali la'aan sidoo kale ayna wax guurin karin waxaana
sidaa qaba sadexda madhab ee kale Xanafiyada mooyee waxay daliishanayaan
culimada badankeedu axaadiis badan ooy soo kala saareen Axmed, asxaabu
sunan, Daaruqudni, culimada xanafiyadu waxay leeyihiin gabadhu marhaday
qaangaadh tahay ayadaa wilaayadeeda u dhiiban karta laakiin wax daliil
ah oo ku cad ma haystaan.Waxaan taas ku jirin gabadha garoobka ah
ayadu way ka duwantahay waxaana ku soo arooray axadiis ay soo kala
saareen (Ibnumaajah, culimada loo yaqaano al jamaaca Bukhaari mooyee)
axaadiistaa waxaa ka mid ah mid uu yidhi Nabigu scw naagta garoobka
ahi ayadaa nafteeda ka hadlaysa abuudaawuud waxa uu soo saaray inuu
yidhi nabigu scw waligu tala kuma laha gabadha garoobka ah .sidaa
darteed waxaa munaasab ah in gabadhu ayna guursanin wali la aan si
reeku u hagaago . |
| Su¡¯aal: Walaalayaal waad salaamantihiin naag uur leh haday ogaata
waxa ay caloosha ku sida madanibaa misa ma aha (London) |
| Jawaab: Wax dhib ah kuma jiro gabadha la saaro
kumbuyuutar si ay u ogaato waxa ku jira caloosheeda laakiin waxaan
haboonayn in aad rumaysato wax kasta oo dhakhtarku kuu sheego. |
| Su¡¯aal: Asalaamu caleykum waraxmatulaahi walaal hadii ay dad xaas
ah islaseexdaan iyaga oon qabeesan ma aadi karaan magaalada maxey
kaqabtaa diinta islaamka arintaas? (usa) |
| Jawaab: :Wax dhib ah ma laha in aad u baxdo banaanka
adoo qaba qasli laakiin waa wax laga haboonyahay. |
| Su¡¯aal: Hadii ay gabdh muslimat ah ay dhasho cunug oo ku dhasho
saxiibtinimo laakiin marka hore waxay isku guursaden nikaax dhab ah
laakiin uma sheegin wadanka ay ku noolyihiiin dawladeeda sidaasna
cunuga ku dhashay ayagoo fiirinaayo dhaqaale soo galaayo owgeed maxay
diinta ka tiri arintaas (Denmark) |
| Jawaab: Ma haboona in gaalada loo sheego been
adigoo dhaafsanaya aduunyo waxayna arintaasi leedahay cidhibxumo aduunyada
ah waana wax yaabaha muslimiinta u soo jiiday sumcad xumada . |
| Su¡¯aal: Walaalayaal waxaan jecelahay in aad idin wiidiiyo su'aashan
aan ku wareer sanahay, walaalayaal su aasha waa sidan ( MASALAN NAAG
AYAAN FURAN CADADIINA WAY DHAMAATAY MIYAAN KU NOQONKARAA MISE) sababtaan
ugu wareersanahayna waxay tahay waxaan horey umaqlay in ninkale markuu
guursado hadana aay kalatagaan waan kulaabankaraa hadana waxaan muxaadaro
ku dhageysta aayad leh ha u diidina naagta ninkeeda iney guursato,
marka walaalayaal waxaan jecelahay inaad iigaga soojawaabtaan su'aashaan
ayada ah UK |
| Jawaab: gabadha markii loo dha meeyo sadwxdeeda
dalqadood ooy cidada ka baxdo ma guursan kartid aayadoon soo marin
nin kale, laakiin hadaad ku furto hal ama labo dalqadood oo ay ka
baxdo cidada waad mehersan kartaa waxaana arintaa cadaynaya aayado
qur'aan ah iyo axaadiis saxiix ah. |
| |