|
Gabay: Ismaaciil Mirow
Ismaaciil Mire oo guuto Daraawiish oo korjooga ah ku haysta
buurta Ceeldhaab dhulkana wax degma ah aan lagu ogeyn ayaa
ilaalo diray,dabadeedna wuxuu ogaadey iney tahay degmo Daraawiishta
dakana ka qabtay oo guban ka soo baxday.Kolkaasuu Sayidku
wuxuu u direy gabay fariin ah oo hadaan inyar ka soo qaadano
gabaygiisi qaar ka mid ah waxuu yidhi:
Aabbow xaqaygii ma deyn,igana duugoowye
Nimankii ikhwaankii dilaa meel dhow soo degaye
Dabka xalay Badweyn iiga baxay,waan ku diirsadaye
Gabygaa markuu Sayidku maqlay,waxaa u muuqatay hadalkaasu
inuusan Ismaaciil ku habboonayn,oo uu dadkii kala dididey,dabadeedna
wuxuu jeediyey canaan waayeel waxuuna yidhi:-
Ismaaciil Mirow taladu waa, eyddin kaa maqane
Maandhow umuurtaadu waa, ababa'deediiye
Maandhow adduun wuxuu ahaan, waadan idihayne
Maandhoow aqoonxumadu waa, ku ambinaysaaye
Maandhoow ninkaan edeb lahayn, waa allow sahale
Maandhow aqliga hayska lumin.Eebbahay magane
Maandhow raggii aakhiraad,igu ohomsiine
Maandhow sidii ibilka way,ololineysaaye
Maandhow waxaad igu akhriyi, uurkutaallada e
Maandhow ikhwaankii ma deyn,urugadiisiye
Maandhow alleylkii dhaxaan,alaladaayaaye
Maandhow ilmada hayga qubin, kaa afeeftamaye
Maandhow nin umal saaqayoo,uurxun baan ahaye
Waxaan awlaxuu rabinaya,aarsi dirireede
Maandhow awaal dagatay baan, aawilahayaaye leh
Maandhow ducaaliyo Ammaan, waayey araggoode
Maandhow kuwii iga ajalay, waa orkaa bixiye
Aniguba ayaamaan lahaa,ha isallaweene
Maandhow abaabaan ku wadi, abadankeygiiye
Maandhow dadkaad eriday baan,ururinaayaane
Maandhow "ooho" baan oran sidii aaran baadiyahe
Maandhow intay igu iman, odayadoodiiye
Maandhow illiilahakaney awr ku soo furiye
Maandhow bari soo ekaan adhi, sidiisiiye
Maandhow ixsaan lagama tago eed haddaad faliye
Maandhow ninkaad iniqdo waa, ku oggalaadaaye
Maandhow hadaan inamo,raro wey i aaminiye
Maandhow idday waxaan ku bogan,waa irdho la'aane
Maandhow ninkaan aa'i waw,aamusahayaaye
Aflagaaddadaadaan ka biqi,inay ogaadaane
Maandhow siddii aarka dhici,waw ilgalaclayne
Maandhow ilaaq baan ku wadi,aarankaan diliye
Maandhow ku eersaday hadday,iga irdhoodaane
Maandhow ugaadhaba xirkaa,laga agloolaaye
Maandhow urtaan mari sidii,adamaddoonkiiye
Maandhow arbaha hayga didin,oofataan ahaye
Diiwaanka Gabayadii Sayid Mohamed
M Ibrahim
Qorahay Online
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|