Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Sayid Maxamed Cabdule Xasan

 
Gabaygii Gudban (Gaala-leged)

Sayid Maxame Cabdille Xasan
GUDBAN:

1898dii ilaa 1910 ayaa Sayidku dadka wuxuu ku waday waano iyo waxsiin si loo helo israac iyo wadajir, gaalana meel looga soo wada jeesto. Inkastoo xaruntii dad badani raacay xoogna ay yeelatay haddana dadkii daraash ku maageerraa aflagaado iyo adyad bey ka deyn waayeen iyo iney gaalada garab iyo gaashaanba u noqdaan.

Markaa Daraawiish waxay la ahaatay haddii waanadii iyo wanaagii la diiday in waran caaradii lagu dayo. Isagoo Sayidku Daraawiish gubaabinaya, wixii loo geystena faalo ka bixinaya dabadiisii la laayeyna gocanaya, waxay ka fali doonnaan tusaalaynaya, meelaha in nabarro loo gesto ku haboonaanna timaamaya wuxuu tiriyay gabaygan soo socda magiciisana la yiraahdo "Gudban" Daraawiishise wexey u tiqiinay "Gaalo lagad" 


( A ) Gudban waxaa loogu bixiyay Saydkoo isu mariyay bari iyo galbeed.

(B) Gaala-lagad waxaa loogu bixiyay niman aqooni Daraawiish ahyn, wuxuuna gabaygani ka mid yahay gabayada geyiga oo dhan ku faafy.

Sayidkuna wuxuu yiri: 


Awel maanso waataan gudbo, gudhiyey waayaaye 
Waataan galbeedkaas u diray, guga hortiisiiye 
Aan gaasheeyo tii xalay hurdada, gama'a ii diidday 

Galladaha Illahay ka badan, geedahaas baxaye 
Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaaqsiine 
Guddiyeey i maqal waxaa tihiin, gacaladaydiiye 

Najiskii gurta xumaa hadduu, shalayto geeryooday 
Godka lagu cadaabkii haddaan, gawrac ugu jiiday 
Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene 

Dhurwaagii ka giigaan u diri, gacan salaameede 
Isagay gargaaroo dugaag, iiga goonniyahe 
Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane 

Gandaldheere waataan wax badan, guuyaduu maraye 
Gef hadduu ku sii daray wixii, iiga goonniyahe 
Anigu wow garaad qabay inuu, gigi waraabuuye 

Giriirixis aan jirin waa wixii, gaabshay oo rogaye 
Gaaleyska waataan la dhacay, gucurradoodiiye 
haddeeyaan abaal gadin sidaa, uma gadoodneene 

Godolkiyo kasnaantaan u qabay, kama galgaaleene 
Kumana gaagexeen abid hadday, nabad ku goohaane 
Waxse mowd ku gaardiyey markay, ganafka taageene 

Gobeygii Shuxle ahaa haddaan, gowsihii jebiyey 
Gegida Yuusuf Jiifaa tukuu, gabas-dhebaayaaye 
Geesaaska dumarkaa sidii, galow la moodaaye 

Geed-joogahoodii haddaan, gudurigii siiyey 
Guska Taajir baa ii hadhaan, ugu gamuumaaye 
Cismaan iyo waxaan gaadayaa, gabannadiisiiye 

Majeerteenka kale inaan ku gudo, wayga garanuuge 
Garacyada Bahdira haatanaa, guuto loo wiciye 
Waa lagu galaal xoorayaa, gurigi reer Nuure 

gabagaba-rogaalkaa warmaha, lagu ganaayaaye 
goobbay ku wada le'an sidii, goosan weer helaye 
Gafuurraxun sidee Eebbahay, guuldarra u raacshay 

Afartaa geddii aan bartiyo, gololo'daydii dheh 
Gerbidaan ka soo hoorin jiray, godol naqaygii dheh 
Madfac gow yidhaahdiyo rasaas, gininigtoodii dheh 

Guulaamo roob da'ahayiyo, gababaxdiisii dheh 
Onkod guguguclayn iyo hillaac, galalacdoodii dheh 
Gufaaciyo gudgude soo curtiyo, garamahoodii dheh 

Guluuliciyo mayay laysku daray, galangalkoodkii dheh 
Gal xareeda daad soo gabraday, gal iyo duufaan dheh 
Bad gariirtay mowjada gurxamay, gacammadii Ayl dheh 

Shir la gooday waayeel gab yidhi, garangartiisii dheh 
Xidhiidh lagu gimmaamadahayiyo, gola firaasheed dheh 
Xaajada ninkii garanayiyo, gig iyo sheeggeed dheh 

Gobo'kalana waa aniga iyo, ged iska sheeggayga 
Galiilyoodayeey cadho miyey, gubatay laabtaydu 
Gogoshii la ii dhigay miyaan, geydh la qaban waayey 

Gabbal dhiciyo waaberi miyaan, socod ku gaaraaday 
Gadiid maalin oo idil miyaan, gaafka sare meeray 
Sidii awr gabraareed miyaan, gululubluu rooray 

Ma gudoodigiyo suudigaa, gubadka ii yeelay 
Ma geddaabadhabadkaa sidii, geri boodheeyey, 
Gooxii aan yuururay miyaan, gibil madoobaadey 

Raggii igu gadaannaa miyaa, aakhira u guuray 
Goortaan garwaaqsaday miyaan, gocoshadii eeday 
Gamiinkaan xanuunsaday miyaan, gorodda laadlaadshay 

Gelin haddii aan foororay miyaan, giirka kor u qaaday 
Guhaad iyo calool xumo miyaan, geyrtayoo diriray 
Hadba gees miyaan deyay intaan, gownaxyada buuray 

Guntigaan maroorsaday miyaan, labada low geeyay 
Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay 
Ma genbaan u taagnahay intay, gaadho noloshaydu 

War ma Dhooddi baa gaamuroo, garabku weynaaday 
Ma galaasa miidaan ku shubay, gamashigii Dayrta 
Gorgor kacey la moodyow durduro, ma igu gooraamay 

Godobtaydu waa wada jirtaa, goonyohoo idile 
Gashi niman ku leeyahayba waa, dabagelaayaaye 
Waxaan goosan karo anigu waa, gurubsanaayaaye 

Gardarradiyo maaggii i helay, waan ka geylamiye 
Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye 
Giyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye 

Nin ganaananayaan ahaan, gabarna dhaafayne 
Waxaan geysto oo idili way, gun iyo rayrayne 
Giyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye 

Anigaba geddey igu faleen, waa gaggaab culuse 
Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode 
Giddigoodba waatay girliga, nagu garaaceene 

Anaa gaafahaaygii nadhaye, geyste nabarkiiye 
Anna waxaan rasaasta u gingimay, gini colaadeede 
Gabagabaha Bari waxaa ku xigi, go'aha Iidoore 

Guban iyo Burciyo Looyo waa, gaalib weerar e 
Gooddiga Arooraa fardaa, lagu garmaamayne 
Gaaroodi iyo waa la tegi, buurihii Golise 

Galaayuubta Hagar-Aadan baan, gaaddow marine 
Gembi wowgu ridi fulayadii, ganafka dheeraaye 
Geeltoosiyaha waa la siin, guucurradoodiiye 

Sidii garowhadhuudh baan kurtiis, guran Ogaadeene 
Galaamaha haddii aanan ka deyn, goor walbaba jooga 
Inshaa Allaahu waa gurahayaan sida gal miireede 

Gurraasiyo Iljeex waa la qaban, gooshka haatana e 
Malahayga waa lagu galgalan, gaanka reer Dalale 
Gaas baa ku caran reer-Subeyr, goborra wyntiiye 

Kolaan Goora-cobolley ka dayo, amase Geel-loo-kor 
Huwan waa ka gabangaabsan jirey, gelin ma waayaaye 
Haaruun xaggee baa la geydayen, Goha miyuu dhaafi? 

Afartaa gudbaye balaan mid kale, soo gadaal celiyo 
Sidii goray garraar sare ka baxay, garabka maan taago 
Waxa guudka iga fuushan iyo, galayax maan muujo

Gabgabtiyo galaydhyeyntu waa, godol hortiisiiye 
Ninkii goomman wow shubahayaa, galaxa caanoode 
Gabbaan laguma sooree nin raga, balaan ganuun siiyo 

Waa gaaxsanaan jiray tan iyo, garashadaydiiye 
Sidii goodir dhalay haatanaan, gaawa leeyahaye 
Aan gafleeyo geerarshahaas, gaafan baan ahaye 

Xaajada nin gunaan ahee, aan u garraaddeeyo 
Markab aashi gaambiyi sidiis, balaan u guurreeyo 
Meeshuu garraarkeedu jiro, gow aan kaga siiyo 

Nimaan gedo yarayn baan ahoo, Gaaddaweyn jiraye 
Waa ii garaad li'i dantay, inaan ka gaaftaaye 
Gobo kalana waa Eebbahay, midaan galliimeystay 

Eebow geyiga oo dhan waa , nala ka guulaaye 
Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye 
Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuunneeye 

Go'na lagama qaadine dulmay, nagu gelaayaane 
Gabbaad kale hadday noo helaan, waa gam'i lahaaye 
Eebow waxay nagu garbeen, diinta soo gala e 

Eebow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye 
Eebow gammaan iyo waxaan, gini cas dhiibaayey 
Eebow garow kagama helin, goolashaan wadaye 

Gambalaaligii bay warmaha, nagu garraaxeene 
Eebow waa gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye 
Eebow waxay gabawareen, Gaagguf iyo Xayde 

Xirsigii garaaraha lahaa, gaarufkii dile e 
Geydhaale Aw-Aadan bay, galowda taabteene 
Eebow geesigii Ina-Dherey, ugu guduudsheene 

Guxushaaga Baynaxa ilmadu, waatan gabaxleyne 
Gorroska Muuse-Taaganaa wadnuu, ila gariiraaye 
Eebow ways gamaamaa markuu, gaarka soo maro e 

Guuleedku wuxuu noo ahaa, guurti loo hiranne 
Nimankii garaaddada ahaa, waa gadow jabane 
Eebow sidii gaanti maro, waa la gaasiraye 

Eebow gaari bay reer Warfaa, guradiii saareene 
Gubni baa ku dhacay reerihii, gaannanaan jiraye 
Eebow goonni baa laga heliyo, guri qalaadeede 

Gaaggii ka hadhay reer shawaa, caydh la golosleyne 
Waxa goday sidii qaanso waa, gaajo iyo ciile 
Eebow waxaa gorof ku raray, duul Geshiiishaaye 

Caligeri sidii loo gondolay, gobolba meel aadye 
Waa gelengal nimankii fadhiyay, guriga Ciideede 
Eebow gurbood baa hadhiyo, gaban agoomeede 

Eebow goonji weyn iyo qax bay, naga gullaafteene 
Guullow ma helayaan waxay, nagu gubaayaane 
Eebow waxay naga gogtaan, waa galoof olole 

Eebow sidii guun haween, giidu waa aniye 
Eebow nin goba baan ahoo, guni rifaysaaye 
Eebow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye 

Ma garaysni Eebow waxaa, guufanneyska ahe 
Eebow gabooddii dorraad, waan ka gara'layne 
Eebow markaan geyllamey, guulmiyo biqiye 

Eebow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye 
Eebow kufriga gedeftaley, gacanta haystaane 
Eebow anaa kugu garlee, guusha ha seejin.

M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com