|
Gabaygii Gardaro
Macallin Dhoodaan
Gardarooy waxbaad geysataa goor iyo ayaan e
Gafkii aad samaysaa batiyo godobahaagiiye
Gashi aan yarayn baad qabtaa jeer lagaa gudo e
Waxaad goyso moyee lawaa nimaad gargaartaaye
***
Gurigii barwaaqaysan baad gubi taqaanaaye
Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee guul ma xoogsade e
Adiga iyo geeridu dadkii waad gablamiseene
Adigoon gadaal uga hadhayn mid iska kaa giijay
***
Qofkii tabartii gees kaa mareey wax u gaboobaane
Gaag baa uso hadha kollay ruuxii kaa gudo e
Adoo gabi ka tuuruu arkaa kii garaad xumiye
Adaa gaanbiyaay howl yaraan soo galaangala e
***
Adigaa dhibaato u gasba oo reer gadaafo ahee
Adaa garab ku taaglee yidhaa geesi baad tahaye
Gaasaan nin kale beeray baad guro tidhaahdaaye
Markaasuu garbada kii lahaa gama'a diidaaye
***
Anaa gaafidan lahee iiga guur golal markuu sheegto
Anaa galabta jooguu yidhaa gocondho shaydaane
Gogoshaana laysugu dhigtaa goobayoow badane
Mid waliba gafuurkiyo wuxuu ganafka taagaaba
***
Guddi loo xilsaariyo waxay guurti bixiyaanba
Xeerbeegti guushaa waxay hadal gudoonshaanba
Gabogabo dhigoodii markii lays af garan waayo
Eey taladu soo giirateey gowda la istaago
***
Guracanihii gowdhaafayey baa aad u goodiya e
Garaarteey dabeed kaga dhagtaa kii la gaabsadaye
Inuu golol cadhoodaana waa ficil gadiisiiye
Isagooy guduuteen indhuhu oo galgalanaaya
***
Guushii iyo geeridii oo markaa is garab yaala
Labadaa midood inuu galuu goosan dabadeede
Guntashada xigtaa waa dagaal ha u gardaadsado e
Nin gabadayse cadhaan guurta hayn ama gurguurtaaye
***
Gurxanka iyo goohaba intuu gununuco oo reemo
Ways kula ganaa waa nin uu ciil ku gaaxsamaye
Goorada intuu kaga dhaco oos guudka kaga boodo
Oo gadh iyo laba daan qabtoo gudub usoo tuuro
***
Markuu aad u galalaatiyo ees dibir gawaan raacsho
Lafihiisii waa inay gotaan giig tirnaan jiraye
Oo uu guuxa weyntiyo ka jabo gulibidaa dheere
Oos war i gunaanada yidhaa gaal kastuu yahaye
***
Guubaabadaadii wataa say ku gorortaaye
Kuway gibishu kuu saaran tahay waa gaday mudane
Caqligaad gamuun kala heshiyo gudumodaadiiye
Indhahana go' baad kaga xidhaa ood ku gunudaaye
***
Dhagahana gufaad kaga jartaa kuna gamuurtaaye
Halkaad gaysanaysaaba waa god iyo booraan e
Waa kaad gandaalka u sidaa ood u godoshaaye
Waa kaad goofaadhidaa eed gagabisaaye
***
Waa kaad gafsiisaa ra'yiga eed ka gudhisaaye
Gallad inuu qabuu moodayaa waase ruux gab ahee
Adaaba guuldaro usoo sida ee wuunan garanayne
God aan laga baxayn iyo waxaad goof u qarisaaba
***
Gabal dhiciyo saad dooni waa meel gudcur ah keene
Garab bay lahayd daadah iyo maliyo gaadaane
Nabsi qabaha guubaabiyaay saa adoow galiye
Biyo gororay goortay dagaan waa halkii godane
***
Kibir bay guntaadii dhanayd gow kusoo tidhiye
Oo geedada waxaad kaga jirtaa kii gumaysta ahee
Gobonimo qofkii doonayaad garab wagliishaaye
Iyadoon barwaaqadu gudhay gu' iyi jiilaalba
***
Oo gayiga Soomaaliyeed Gureey u baaqaayo
Gayigaanu joognaba wixii soo gashaad tahaye
Gamuunkoo mariidliyo intuu waran ku googooyey
Gaashaanka tii lagu dhuftay ee gowda laga saaray
Ee guutadii qaabishiyo gabaska hayn weyday
Buugga Garnaqsi
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta &
Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso
waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan
suugaan@qorahay.com
|