Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Sayid Maxamed Cabdule Xasan

 
Gabay Caqligu kaama baxo
---------------------------------------------

Dagaalla badan ba Ingiriis iyo darwiish dhex marray, Ingiriisku wuxuu doonaayey inaan dhaqdhaqaaqa Daraawiisheed dhulka ku fidin, daraawiishina waxay dooneysey inaan Ingiriisku dhulka ku xididdaysan, labada dhinacba si daran baa dagaalkii loogu hoobtay, dadkiina wuxuu u kala miirmay:

Nin Ingiriiska la jira oo moodaaya inuu dan uu yahay iyo nin daraawiish noqday oo jahaad u guntadey iyo nin duunyadiisa dhaqanaya oo aan duniba bar ka ogeyn Arrintii oo sidaas ah, ayaa Ingiriiska nimaan Soomali ah sayidka ergi ugu diray: Nimankaasoo ujeeddadooda tahay Ina-cabdille xasan inay kula doodaan dad Islaam ah inay, dadkooda in la laayo iyo duunyadooda in la dhaco aaney bannaaneyn.

Isagana waxay la ahayd, mar hadday aqdaaro ferenji yihiin, innanay diintu nabad gelineyn marka isagoo ka warammaaya dhibihii loo geystey, tilmaamayana goobihii laysku helay, caddaynayana doodda nimmankaasu u keenen wuxuu ka qabo, ayuu gabaygan tiriyey.

Waxaana ka tirshey Ayl ama Ilig 1905 sida lagu wado


Xuseenoow caqliga kaama baxo,idin Ilaahaye
Ha laguu aqbalo duca san baan,ku akhriyaaye
Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye

Haddaad umaaddo waan ku hubaa,ina aduu khayre
Asxaabihii baad u tegi,udugga weynaaye
Irdihii jannada inaad ka geli,waa ogsoonahaye

Hawl kalana waa eray yaraan,kuu erganayaaye
Alla igama qaadow adaan,kala illaaweyne
Eedaanka maqal waa salaad,loo addimayaaye

Ilaahi abuuraba kuwii diiday,amarkiisa
Ambiyaalihii iyo kuwii,awlaxa u qaaday
Asxaabtii dariiqada kuwii,awlaxa u qaaday

Ikhyaarkooda nimankii kufriga,ugu abraaraayey
Aan lagu igraahine kalgacal,ugu abraarayey
Kuwii ubad nasaaraad noqdee,ferenji aanaystay

Nimankii amxaara u kacee,Adarinuu guurey
Oo Aw-Cabaas diley,dadkaan eedi kala gaarin
Oo uunka kala fiijiyee,kala irdheysiiyey

Nimankii amxaara u kacee,adarinuu guurey
Oo Milikh aabe u yehee,u arrin qaadaayo
Oo xabashi eegi u noqdee,u ololaynaayey

Ingiriiska nimankii wadee,nagu aseebaayey
Afbakayle nimankii kufriga,uraya noo keenay
Ee oodagooyiyo na dhigay,aydii daratoole

Nimankii ikhwaankii jaree,aabiga u laayey
Ragga ehelukhayrkaa warmaha,kala ajoon waayey
Oo umal daraaddiis girliga,ugu afuufaayey

Idilkoodba nimankii dagaal,iigu imanaayey
Nimankaan inkaaree madfaca,ololi ii haystey
Ee ubax caddaydii hartiga,oofta kaga joojay

Nimankii iniinaha ka dhigay,ilig wixii joogay
Ee Eerago iyo Batalo,igu uquumeeyey
Ee omoska beerdhiga tukaha,igu unuun goysey

Nimankii ayaantii Gumburo oboda ii dhiibay
Ardaashii jidbaale i heshee,igu unuun goysey
Nimankii uluuf iyo uluuf,igu agoomeeyey

Nimankii adduunkaygii dhacay,ariyo geeliiba
Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay
Nimankaan Ilaahow lahaa,eyda iga doono

Abaalkayga nimankii ba'shee,ii istixayn waayey
Ahabtiyo ergeyntii kuwii,lagala ayn waayey
Nimankii ijaabada ka tegey, aakhiru sabanka

Nimankii iblays nagu diree,naga ajoon waayay
Nimankii arlada Eebahay,naga ugaareeyey
Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

Nimankii abaartii caleed,bari na aadsiiyey
Argalkiyo rasaastii kuwii ,angu igbaaraayey
Ee urugadaan qabiyo ciil,igu abaadsiiyey

Nimankii ilmada iga qubee,oohin iga keenay
Nimankaan ku alaladay markii,uunka wada jiifay
Nimankii ajuurada cunee,iibkii ii bixiyey

Nimankii intaas nagu falaan,na asaraareynin
Waxba yey addoomaha Ilaah,nooga aargudine
Waxba yaan aduun layga siin, ilintidaydiiye

Utuntayda waa heli haddaan,iilka lay dhigine
Araraha intaan maranhayey,igu arkaayane
Maruun baan sidii aar libaax,oodda soo jebinne

Ashtakooda'aa iyo warqado,ku andacodaaba
Mar haddaan shareecadu aqoon, nimanka Iidoora
Ashahaadadoodiyo ma rabo,ina wallayntooda

Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeynaynin
Amaan aniga lay oran karayn,tanu ahaan mayso
Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubeysta

Diiwaanka Gabayadii Sayid Mohamed 
M Ibrahim
Qorahay Online

Gabayadan waxaanu uga danleenahay waa Taariikh oo kali ah.

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.