Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Cali Cilmi Af-yare

Amaan Geel

Cali Cimi Afyare Gabaygii caanka ahaa ee Amaan geel

Gu' sallaamay sagal jiidan iyo, samada oo nuurtay
Saxansaxada roobkiyo cirkoo, dirirku saameeyey, 
Saraarta iyo dooxooyinkiyo, sabadka oo buuxa.

***
Si loo dayaba waw siman yihiin, soofka xooluhuye 
Subag iyo lulliin baa kurtood, laga sameeyaaye, 
Sabool iyo nin liitaa ma jiro, seben barwaaqaaye. 

Jiilaal sulfaday siigadoo, sare u duulaysa 
Samaariir ha kugu soo gashiyo, saancaddiyo meerto 
Haddii Suxulla-dheer iyo abaar, lagugu sooyaansho 
Simaartiyo caleentiyo dhulkoo, saacu ka idlaaday. 

Jiilaal sulfaday siigadoo, sare u duulaysa 
Soddonguuro kugu soo gashiyo, saancaddiyo meerto 
Saxalkiyo Mariiqoo herdiyey, Saalisada Naafka. 

Haddii Suxulla-dheer iyo abaar, lagugu sooyaansho 
Simaartiyo caleentiyo dhulkoo, saacu ka idlaaday 
Sandheer lo'aad iyo kolkii, arigu saanqaado, 
Kolkaasaa sidkaha geela iyo, sidig la maalaaye. 

Sinji adag haddii aannu lahayn, Sool ma dhacarteene 
Sarriig buu ku tiiganahayaa, Sulux ma dhiiqeene, 
Waxa Suuradaha loogu daray, waa si gooniya'e 
Sinhajkiisa lama gaari karo, Saatirkaa yidhiye, 

***
Soomaalida habeeddiyo kolkay, suuddu ku ekaato 
Sanqaraar udgoonow haddii, salowgi kuu yeedho, 
Soddon mayl markuu kuu jiraad, saxansaxootaaye 
Sabaad iyo wuxuu kuu noqdaa, cadarka Soodaane. 
***
Saqda dhexe allaylkii haddaad, sahal u yeedhyeedho 
Sebigey lahayd iyo hadday, gabantu sooyaanto 
Si yar oodda uga leexiyee, seeyin u mudinee. 
***
Iyadoo sakiiro leh hadday, socoto soo reento 
Saraxtaagga gaaddada kolkay, godolka soocayso, 
Sidii shiikh salaaddii tukaday, oo Sunnaha raacshay 
Sujuuddiyo Qablada kama tagtoo, waa ku sanantaaye, 
Sarajoogsigeediyo ilmada, socota daankeeda 
Lugahay simaysiyo xubbiga, saaqay lala yaabye. 
***
Sacabbada nadiifka ah kolkii, lagu salaaxaayo 
Samsam baa ka soo duula iyo, caano saayida'e 
Sucsuc iyo karuur iyo dhanaan, sabarka kuu buuxsha 
Sulux dhay ah iyo xoor ku siman, Seenyoy adigaa leh! 
***
Sar iyo hilib sareediyo baruur, subag la xuukeeyo 
So' la kariyo saaf kuu dhigmiyo, solay midaad saadho 
Sagandaaqa naaxiyo kolkaad, qalato siiggeeda 
Sagaal reer ku filan iyo martida, socotadeediiye. 
***
Saymaha colaadeed haddii, sumucu qiiqaayo 
Safayn laysu qaatiyo dagaal, si xille loo dhaartay 
Saylaanka dhiiggiyo birtoo, la isku saafaayo 
Sulux iyo heshiis baa iyada, lagu sameeyaaye 
Si kastoo laguu dilay hortii, waad ku samirtaaye. 
***
Subeeciga ilaashiyo nin lihi, seexan kari waaye 
Subac iyo Quraan lagu akhriyo, sabadka ay daaqdo 
Sakadoo laga baxshiyo sadaqaday, Suub ku tarantaaye. 
***
Sulbi lacag ah suuf iyo xariir, suuq la kala iibsho 
Sarahaa ka door roon guryaa, saqafka dhaadheere 
Sawaariiqda duushiyo sancada, socota mooyaane,

***
Lama siisan karo xoolo kale, sidigta Dhaameele; 
Waxba yaan surweel midable iyo, saacad lay xirane, 
Sicirka dunida geeleennu waa, ugu sarreeyaaye, 
Soomaaligii diidayoow, waad silloon tahaye.


M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

 

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.