|
Gedistaye
Qamaan Bulxan
Nimanyahow rag geeri u batoo, lagu gablaynaayo
Anaa ganiyo anigaa gembiyey, goor kastaba joogta
Oo lagu gataatacahayoo, gibil madoobaaday
Oo loo gashaday baal sidii, gaalannimo roonta
Oo lagu garrami way la yaab, gole ka yeeraaye
Oo guriga wada meeriyoo, geela laga faani
Oo maanta geenyo iyo gabadh, goosan kara qaanti
Gabaggabadii Daahyaale iyo, gabaygi loo jeedshay
Sow inuu geddiyo haatan Cali, lama gudboonaannin!
Hadalka waa gaftaye Maxamedow, kuuma soo geline!
Sow magani tii gaabsateen gabay lahayn ma aha?
Geeraarka iyo faanku sow Guba la xeer ma aha
Guntigii la furay waa fof sow lama garwaaxeedsan
Gablamoow Ogaadeen haddaa giirka loo dhigaye
Oon loo garaabeen wuxuu geystay duud samiye
Ha gacmeeyo qaankiisu waa waxaan gaboobayne
Alley lehe gu' baas bay jireen waana loo galaye
Dirkii horreba gowsaha haddaan gabadha soo qaadno
Oon gorofta caydheed ag dhigo giraagirtaan meersan
Oon goroyo guridaa qabsado godob ma yeesheene
Gashi nabsiyey oon geeri iyo gacan la qaadaynin
Oo kii lahaa kugu gilgili gaardin iyo qoolka
Gasabkeeda Eebboow bal yaa galin usii jooga
Gartood weeye maansada inay nagu garaacaane
Galtuu qaylyi oo had iyo jeer gamaska uun loolin
Oo gowrac kaa mudan asaas gacal walaalaysay
Oo gogosha kaa kicini waa sida Gunbuurkeere
Cowl baa midgaan soo gasbaday jeer gabraar tagaye
Isagoon wax lagu gowraciyo gowdhisaba haysan
Golxobtiyo lawaa tooriday Gurey ku noolayde
Jeenay gabsiisoo markaa qodatay garaaye
Adiguna gaddii baa tahoo ways gunaanadiye
Labadeenna gobol xaajadeer la isku guubaabshay
Haddaydaan guddiyin oo ciyow gunno la noo keennin
Wallee inaan tix laysugu go'oon gaagna hadhin sheegi
Gadistaye haddana meel kalaan kaga gadaal laabmay
Hadalka waad gaftaye Maxamadoow kuuma soo galine
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta
ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid
wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa
ciwaankan suugaan@qorahay.com
|